Kuwa taariikhda madaw lihi ma aha in ay ummadda hor yimaadaan mar kale (WQ: Xuseen-Lucky M. Maxamuud)

Kuwii 7-dii sanadood ee ina soo dhaafay umaddan ku noqday gafanaha iyo Gabaarayda dushooda ku naaxday, ayaa waxaa ay mar kale kazoo muuqdeen warbaahinta iyagoo sita Taaytalka ah Wasiiradii Hore ee Xukuumaddii Siilaanyo, taariikhdu inta ay inaga bartay ayaad moodaa inay ilowsan yihiin, waa kuwama, waa kuwii cashuurtii hooyooyinka masaakiinta ah ee suuqa fadhiista laga ururiyay ku iibsaday baabuurta raaxada ee aadka u quruxda badan, iyo fooqyada iyo qasriyadda bilicda badan ee u eg kuwii boqoradda carbeed, waa kuwii astaanta u noqday bahdilkii ruuxda dawladnimo iyo dilaalida hanaankii dawladnimadda Somaliland, isweydiintu waxay tahay, Muxuu daaranaa kulankoodu? Hardankii iyo orodkii ay u galeen sidii Muuse Biixi u noqon lahaa Madaxweyne si ay mar kale fursad ugu helaan shan sanadood oo kale oo ay dhiiga umadda usii jaqaan, ayaa noqotay rajo soo gabagabowday kadib markii ay iska waayeen liiskii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi magacaabay, ka reebida uu Madaxweyne Muuse Biixi ka reebay liiska Golihiisa wasiiradana waxay ahayd mid uu kaga jawaabayay rabitaanka iyo dareenka shacabka, iyagoo ay shacabku Muuse Biixi ka dalbadeen inaanu kuwaas markale kusoo celin indhaha shacabka,waa haddii uu isbedel togan samaynayo’e, taasoo uu Muusena u qaatay sidii shacabku ugu yeedhiyay.
Arintan daraadeed, kooxdan oo weli ku bolotiigaya, kuna dhoolatusanaya maalkii ay umadda ka boobeen oo aanay cidi kaga daba tegin, ayaa waxay kulankoodan u qabsadeen labo arimood oo kala ah: 1. Inay Muuse Biixi Sheeda iska tusaan, una sheegaan inay yihiin xoog weli jira oo kicin kara mucaaradad xoogan oo isaga ka dhan ah, markaas arinkoodu kama foga baayactan siyaasadeed iyo Golaaftan diblomaasiyadeed. 2. Gudoomiyanimadda Xisbiga Kulmiye oo isagana la filayo in Muuse Biixi wareejiyo, sidii uu horey u yeelay madaxweyne Siilaanyo, booskan siyaasiga ah oo ay rag badani qoolaaliyaan inay kusoo baxaan, kuwaasoo isugu jira kuwo haatan Xukuumadda Muuse Biixi ku Jira iyo kuwo ka mid ah intay shalay kulantay ee ka tirsanayd Xukuumadii hore ee Siilaanyo.

Hadaba arimhan oo dhan iyo in kale oo hoos-hoos u dhacayaaba waxay astaan u yihiin guluf mucaaradeed xoogan oo kusoo fool leh xukuumadda Muuse Biixi Hogaaminayo, kaasoo saaxadda siyaasadda Somaliland ku dhex mari doona Xubnihii ilayska u ahaa nidaamkii fadhiidka ah ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo hogaamin jiray iyo tan maanta Muuse Biixi hogaamiyeo ee curdinka ah, halka dab-ridka ugu weyni ka dhici doonaana waa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, laakiin, arin ay dad badani nasiib-darro u arkaan ayaa ah, in kuwii shalay fashilmay ee taariikhda madow lihi inay mar kale umadda hor yimaadaan, iyagoo raba inay wax u sheegaan, waa arin ceeb ku ah caqliga iyo garaadka dadka reer Soamliland, in kuwii shalay ku tuntay mustaqbalkooda, ee ku tagri falay cashuurtii ay u bixiyeen in wax loogu qabto inay mar kale hortooda yimaadaan, waase arin iska nasiib ah in markii wixii ay galeen lagu abaal marin waayay inay sidan u dhaqmaan.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay nidaamkan cusubi waa inuu Hanti-dhowr geliyaa dhamaanba wasiiradaas hore, oo mid waliba uu hantidii umadani lahayd ka tanaaday, waa in lays weydiiyaa halka laga keenay fooqyada cadcad iyo Guryaha raaxada, iyo baabuurta temeshlaha ee qaaliga ah ee midkastaaba haysto, waana la garanayaa inta mid kastaaba mushahar u qaadan jiray bilkasta, iyo wixii uu hanti iyo guryaba lahaa 7 sanno ka hor, haddii arintan la sameeyo, waxay hiil iyo caddaalad u noqon doontaa masaakiintii hantidooda la dhacay, ee weli lagu hor daansha-daanshoonayo, waxay kaloo cashar u noqon doontaa wasiiradda maanta joogaa inaanay isku ilaawin ku takrifalka maalka shacabka.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamoud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.