Afar qodob oo la xidhiidha Midnimada, gooni isu taagga, Koonfurta Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Afar qodob oo xaqiiqo ah, oo la xidhiidha Midnimada, gooni isu taagga, Koonfurta Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland!

Dhawrsanno ka hor (2016) mar aan soo bandhigay xogo ku saabsanaa xaqiiqooyin la xidhiidha tagtada, joogtada iyo timaaddada Soomaaliland, qaylo ayaa is qabsatay, oo dad ayaa maqlay xog iyo aragtiyo aanay dareen ahaan jeclaysan, sidoo kale qolyo kale oo danlay ah ayaa u fahmay in caano laga daadinayo.

Waxa aan berigaa ka hadlay, Soomaaliland sida ay ku timi in been badan laga sheegay, isla markaana in beentaas la saxo ay danta bulshada Soomaaliland ku jirto, hase yeeshee dad aan dantaas arkayni diiddan yihiin in la is wayddiiyo waar maxaa inaga khaldan, maxaa inaga maqan, maxaa ina hortaagan oo hagaajin u baahan?
Maalmahaas oo aan dhawr qoraal oo is daba socday qoray xangaruufooyin iyo aflagaadooyin badan ayaa iga soo gaadhay, hase yeeshee wacyi gelin ballaadhan ayaa ka dhalatay, oo boqollaal qoraal oo jidkaas maray ayaan iba furay.
Maanta aan erayo kooban ku tilmaamo xaqiiqooyin yar oo kooban, oo buuqa maanta ka taagan mashruuca uu soo bandhigay

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

lala xidhiidhin karo, aniga oo isagana wax ku diidaya, sida loo canjarafaynayo ee loola dhaqmayo dooddiisana tilmaami doona in aanay wax saxaynnin:

Xaqiiqada 1aad:

1) Muqdisho waan tegay, dadkeedana halkan iyo halkaasba waan kula sheekaystay, xaaladdooda nololeed ee deegaamada ku xeeranna waan u kuurgalay, meeshaas ma yaallo dareen shacab oo Soomaaliland ku aaddani, MIDNIMO iyo KALA GO’ MIDNA, taasi waa xaqiiqo u baahan in maanka lagu hayo, isla markaana u baahan in la ogaado maxaa ka dhalanaya tognaan iyo tabnaan labadaba.
Waxa aad koonfur ka maqashaan ee la xidhiidha midnimada ama kala go’ u waa hadal siyaasiyo oo ujeeddo siyaasadeed uun leh, bes.
Shacabka Soomaaliyeed ee koonfurta ku nooli ma oga dan kaga maqan maqnaanshaha Soomaaliland, laba arrimoodba taa uma oga umana daneeyaan:
1) Duruufaha nololeed ee ku xeeran ayaanba u saamixin in ay daneeyaan oo ogaadaan Soomaaliland maxay ahayd, maxay doonaysaa, maxayse kala maqantahay, sidoo kale koonfurtu waa wixii ka shisheeya Puntland iyo Galmudugta soke, ma aha sida reer Soomaaliland dad war ku nool ah oo wada siyaasi ah.
2) Siyaasiga Xamar joogaa ma uu shacbiyeynin sheegashada Soomaaliland, oo doonista midnimo danbe oo Soomaaliyeed kama uu iibin shacabkiisa, sida kuwa Soomaaliland uga iibiyeen shacabkooda gooni isutaagga, uguna kaydiyeen quluubtooda wixii xumaan ahaa ee loo gaystay.
Sidaas maxay wax u noqdeen? In ay sidaa noqdaanse maxaa ay ku helaysaa Soomaaliland/Soomaaliya maxayse ku waayeysaa waa su’aal kale oo aanan hadda u baxaynnin.

Xaqiiqada 2aad:

Ugu yaraan sannad walba hal mar ayaan shaqo u tagaa Punland, isla markaana waxa aan fursad u helaa la sheekaysiga aqoonyahanka qaarkood, Puntland hoggaankeeda siyaasaddu waxa ay taagan yihiin meel ka fog halka kuwa dhiggooda ah ee Soomaaliland ka taagan yihiin wax wada yeelashada Soomaaliyeed, marka la eego la shaqaynta dawladda dhexe ee Federaalka, haddii aanay shacabka Puntland ka baqaynna mar hore ayay gooni isu taagga Puntland ku dhawaaqi lahaayeen.
Taa macnaheedu waxa weeye in ay Punland Soomaaliya ka sii mid ahaato shacabka Puntland ayaa sabab u ah ee siyaasiga Puntland ma aha.

Xaqiiqada 3aad:

Soomaaliland waxa ka jira saddex cod oo bulsho:
1) Cod xagjir ah oo dhimasho iyo nololba gooni isutaagga Soomaaliland if iyo aakhiraba rumaysan, codkani waa ka wakhtigan la maqlo ee awoodda dawladnimo ku adeegta.
2) Cod bulsho oo kaa ka soo horjeeda tira ahaanna aan ka yarayn, oo midnimada Soomaaliya meel adag ka taagan, isaguna fikraddiisa xagjir ku ah, laakiin aan cod baahiyayaal madaxbannaan haysan, isla markaana lahayn awood ay ku cabudhiyaan dadka ka aragtida duwan sida kuwa hore oo kale.
Kooxdan kuwooda debed wareegga ahi ma qarsadaan aragtidooda, halka kuwooda qolqol joogga ahi iska aamunsanyihiin wakhtigoodana sugayaan.
Labadaa cod laftooda waxa ka mid noqon kara dad qunyar socod ah oo aan jujuub keliya ku dabranayn ee doonaya in ay dood ku difaacaan qaddiyaddooda, mase badna mana muuqdaan.

3) kooxda saddexaad, Cod-bulsheedkani waa codka ay u badanyihiin dadka aqoonyahanka ah, indheergaradka, abwaannada iyo siyaasiyiinta aan xilka haynnin, codkani waxa uu qabaa in mustaqbalka la qiimeeyo, wadahadal la furo, xalka sidiisa loo raadiyo, iyada oo aan midnimana muqaddas laga dhigin, gooni isutaagna lagu gawracnaannin.
Ujeeddadooduna waa maxaa dan ah oo dadkan iyo dalkan mustaqbalkooda dhaqaaya, waana aragtida ugu macquulsan dhexdhexaadkana aha, iyaga laftooda culayska kooxda koowaad ku hayso ayaa qarisay oo aad uma muuqdaan, dhab ahaanse waa codka keliya ee aragtida, aqoonta iyo aayo ka talinta ku dhisan, tiisana ay tegi doonto ugu danbeynta.

Xaqiiqada 4aad:

Sida Puntland in ay ka sii mid ahaato Soomaaliya ay shacabka Puntland ugu hayaan siyaasiyiinta Puntland, ayay shacabka Soomaaliland, gaar ahaan codka kooxda koowaad ee aan kor ku xusay ee xagjirka ahi ugu hayaan siyaasiyiinta talada haya ee Soomaaliland ilaalinta gooni isu taagga Soomaaliland.

Taa waxa aan uga jeedaa in Soomaaliya lagu noqdo oo laga mid noqdo siyaasiyiinta Soomaaliland meel adag kama taagna, waxase caqabad aanay ka gudbi karin ku ah gidaar adag oo ay iyagu abuureen, kaasoo ah in ay shacabka colaad iyo neceyb ka buuxiyeen, isla markaana wixii ka dhashay uu iyaga ku noqday gidaar aanay si sahlan uga gudbi karin, una baahan intii ay neceybka abuurayeen in ka badan in ay khidaab ama siyaasad tii hore ka debecsan qaataan, waxaana muuqata in ay wax u bilaabmeen, oo codkii hore mid debecsan lagu beddelayo.

Sideedaba masiirka ummaddu waa dan la wada leeyahay, dantana waa la rogrogaa, kumana habboona in marba meel loola yaaco, fiirsasho hore iyo adkaysi danbe labaduba waa lama huraan, mar kastana siyaasaddu waa dan ummadeed oo aan meel uun taagnaan karin