“Qoysku waa sida kaynta oo kale. Marka aad dibadda uga baxsan tahay, kayntu way cufan tahay. Marka aad dhex joogtidna, geed kasta wuu kuu muuqanayaa.”
Maahmaahdan waa mid ay adeegsadaan dadka af-Sawaaxiliga ku hadla, ee ku nool inta badan wadamadda Berriga Afrika. Afrika marka aad dibadda uga baxdo, laga yaabaa in ay kuula muuqato hal dal, oo isku midab ah, hal dareenana wadaaga. Bal se marka aad dhex joogtid, macnuhu sidaas wuu ka badalan yahay.
Nus qarni ka hor, markii badanka dawladaha Afrika xoroobeen, waxa ay haabka ku hayeen in ay heli doonaan madax-bannaani dhammaystiran. Waxa ay odorosayeen in ay ka xoroobi doonaan colaadaha, maamul-xumadda, dawlad la’aanta iyo gaajadda rafaadisay. Bal se taasi weli ma dhaboobin! Ilaa haatan, ma jiro waddan Afrikaan ah oo cunto ku filan soo saartaa. Manna jirto dawlad Afrikaan ah oo ka kaaftoontay deeqaha iyo caawimadda ay ugu yaboohaan wadamadda horumaray. Sidaas la ajligeeda, waxa dhab noqonaysa in ay Afrika weli la wareegaysoo ‘moqorafadii dawarsiga’, kunna xidhan tahay seetadii gumaysigu!
Afrika dhasheedii baa dheeshay! Waxa u kacay hoggaamiyaal tuuggo ah, oo aan toodda mooyee, ta dadkooda u tudhin. Afrika maanta, dadka inoogu maal-qabeensan waa ‘masuuliyiinta’ aynu masiirkeena ku aaminay. Waayo waxa ay muddo kooban ku tabcadaan dhaqaale tirro badan oo aanay hawl iyo halgan midna u marin. Dakhli uga yimid cashuurta ay bixiyaan gacmaha faxalka ah ee wadhatadda iyo danlayda. Barri ilaa galbeed, waqooyi ilaa koonfur; Afrika waxa lagu salliday hoggaano aragti gaaban, oo ku mamay hantida yar ee shacabkooda. “Waa nabar ku yaalla dammiirka bini-aadamnimadda,” ayuu ku tilmaamay Toony Blair, Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriisku.
Durbaannadda loo tumo collaadahu, ma aha kuwo marnaba codkoodu naaqusmo. Qulqulatooyinkii Isir-nacaybka ah ee ka jira guud ahaan Afrika: ka bilow Soomaaliya, Itoobiya, Ruwaanda ilaa Koonfur Afrika, waxa ay markhaati cad u tahay in ay Afrikaanku sii kala fogaanayaan oo fahanka dhexdoodu sii lumayo. Waxa adag in la sharaxo, sababta Afrikaanku iskugu muuqdaan, ee uu ugu ciil-baxayaan gumaynta walaalahooda madow ee kale.
Runta waxa ay tahay in ay Afrika si tartiib-tartiib ah isugu badalayso hoygii argagaxisada. Dhiigga lagu daadinayo meelo kala duwan oo qaaradda ah, iyada oo la adeegsanayo magac diimeed ama kooxeed, ayaa ah kuwo sii tiro badanaya. Waa dhagar loo geysanayo bini-aadmnimada Afrika.
Afrika waa isku baadi-sooc! Weedhan maxaa ka been badan marka Afrika la joogo. Waayo magaca bini-aadanimo ee ay dawladaha qaar ee Afrika ku qadhaabtaan, wax yar baa daacad ka ah. Bal fiiri jaarkeena waxa ka dhacaya! Ciidamaddii nabad-ilaalinta loogu soo diray Soomaaliya ayaa qaar ka baxayaan. Goob kasta oo ay bannneeyaan waxa badalkooda galaya Alshabaab. Iyaga oo aan weli fulin ‘ul-ajeedadii toolmoonayd’ ee ay u imaadeen, ee sida ay sheegeen ahayd: ‘Soo noolaynta rejadii jaarkooda’. Waa astaamo muujinaya in ay tahay mashaariic lacag lagaga raadsanayo dunida tannaaday, bal se aan loola jeedin niyad-wanaagsan iyo iskaashi toona.
Innahan, iyo kuwa kale oo badan, ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Afrika u luminayso mustaqbalkeedii berrito- dhallinayaradda. Waxa jabay qabkii iyo rejaddii dhallinyarteedu qabeen. Kuwaas oo doorbiday in ay u tahriibaan dalal shisheeye, oo baadi-doon u galaan ‘nolol’ tooda dhaanta. Waa laba daran mid dooro: duruufaha cakiran ee Afrika ka jira iyo quudhsiga aan dhammaadka lahayn ee Yurub iyo Ameerika yaalla.
Warbixinaha ka imanaya qaaradda Yurub, ee ku saabsan muhaajiriinta Afrikaanka ah, ayaa ah kuwo naxdin badan. Dad lagu qiyaasay 142,000 oo Afrikaan ah ayaa gaadhay jasiiradda Malta ee Talyaaniga sannadkan oo qudha. Waxa ku naf waayey 31,000 oo qof, kuwaas oo Badda Dhexe ku laday, dabadeedana maydadkoodu xeelliga badaha ku so caaryeen.
Maxaa xal ah?
Cidna Afrika aan heshiis ahayn, niyad fiican uma hayso. Dawlad kasta oo Afrika timaadana, ha sidato maggaca ‘gurmad’ ama ‘gargaar’, tooda ayuun bay mudnaanta koowaad siinayaan.
Haddaba, kuma raaxaysano karno cimilada qurxoon, deegaanta wanaagsan iyo khayraadkeeda dihin ee Afrika, haddii aanay dadkeedu gacmaha is qabsan, oo dhan qudha uga soo wada jeedsan masiirkooda.
Afrika…Afrika? Haddayna si daacad ah u wada hadal, is hogutusaalayn, Afrika dhalanteed bay ku sii noolaanaysaa muddo dheer oo danbe. Waxa markaa ina faran in aynu iska jebino silsiladaha ku tig-tigan garaadkeena iyo gacmaheeniiba!
Afrika waa in ay ka baxdaa nidaamka aqooneed ee ka madhan ficilka, kunna kooban tebinta aragtiyo aan ka shaqaynayn halkan. Waa in Afrika jiho cusub u jeedsataa, si sayniska iyo teknoolajiyadu u noqdaan kuwo ka taabo-gala qaaraddan.
Dhaqaale fur-furan, oo la jaan qaadi kara dunida inteeda kale, ayey Afrika u jeel qabtaa. Waa in ay si dhab ah u abbuurto kalsooni buuxda iyo deegaan xor ah, oo soo jiidan kara maal-gelin caalami iyo fursado dhaqaale oo hor leh.
Isku soo wada xooriyoo, maadamma ay Afrika tahay qaaradda ugu dhallinyarsan dunida, waa in ay dhallinyarteeda maalgashato. Waayo mustaqbalkeedu iyaga ayuu ku xidhan yahay. Dhallinyaro suuban waa Afrika horumarsan.
Cabdiqaadir Dayib Askar waa barre jaamacadeed oo takhsuskiisu yahay Xidhiidhka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda. Kala xidhiidh e-mailkiisa abdikadiraskar@gmail.com amma booqo degelkiisa www.siraskar.wordpress.com.