Afsoomaaliga iyo Bahda Kushitigga (WQ: Maxamed Baashe X. Xasan)

Labada lahjadood ee Afka Soomaaliga ugu xoogga iyo saamaynta badani waa Maay iyo Maxaad. Qaar kale ayaa ka jira gobollo iyo degaanno ka mid ah dhanka Soomaaliya, gaar ahaan Banaadir iyo Jubbooyinka meelo ka mid ah, hase yeeshee labadan ayaa ugu ballaadhan. Lahjadaha kale ee Soomaaliga waxa lagu tiriyaa afka Baraawaha oo Baraawe lagaga hadlo iyo afka Baajuuni oo lagaga hadlo meelo ka mid Jubbada Hoose.

Marka dusha sare laga eego, waxa la is moodsiin karaa in Maaymayga iyo Maxaygu yihiin laba af oo kala duwan, hase yeeshee kolka hoos loogu dhaadhaco qaabdhismeedka weedhahooda iyo hab-raaca codaynta ereyada iyo isirintooda macne ahaan, sida ay qabaan aqoonyahanno uu ka mid yahay Cabdalla Cumar Mansuur oo aqoonta afafka ku xeel dheer, waxa soo baxaysa in aanay laba af oo kala madaxbannaan ahayn, balse ay isku yihiin af keliya oo degaanka iyo habka nololeed ee dadka ku hadlaa uun kala duwanaanta yar ee la dareemi karo keeneen.

Ereyo badan oo Somaliland, Jabuuti iyo Kililka Shanaad laga adeegsan jirey waayo hore ayaa maanta ku badan afka Maayga, ereyo kalena waaba isku mid Maayga iyo Maxaygu dhisme ahaan iyo macne ahaanba. Tusaale ahaan:

MAXAA MAAY
Ollog/deris Ollog
So’/hilib So’
Barbaar Barbaar
kurey Kurey
Waraabe Waraabe
Asal Asal
Dabagaalle Dabagaalle
Geel Gaal
Inan-la-yaal Inan-la-yaal
Bed Bed
Kow Kow
Laba Lama
Saddex Saddi
Afar Afar
Shan Shan
Lix Li
Toddoba Toddoba
Siddeed Siyeed
Sagaal Sagaal
toban Tumun

Bah ahaan sidaan soo taabannay Afsoomaaligu waxa uu la isirroobaa afafka Kushitigga oo loo kala qaybiyo Kushitigga waqooyi (Beja oo lagaga hadlo Suudaan iyo Eretrea meelo ka mid ah), Kushigga Dhexe oo ay ka mid yihiin afafka Agaw, Bilin, Khamir, Quara iyo Awiya oo lagaga hadlo meelo ka mid ah Itoobiya iyo Eritrea, Kushitigga Koonfureed oo ay ka mid yihiin afafka Iraqwa (Tansaaniya iyo Dahalo (Kenya). Afsoomaliga waxa lagu tiriyaa Kushitigga Bari oo ay ka mid yihiin afafka Saho (Canfarta), Oromada, Boranaha iyo Burjigu.

Afafkaas Kushitigga waxa la isu raaciyey xidhiidhka ka dhexeeya iyo tilmaamaha ay wadaagaan ayaa aad u xoog badan oo aad isugu dhow marka loo eego afafka kale ee lagaga hadlo mandaqaddaas sida Afka Semitigga oo kale oo ay ku abtirsadaan afafka Axmaariga, Tigreega, Tigrinyaha, Guraagaha, Hereriga, Carabida, Cibriga iwm.
Marka la doonayo in wax laga ogaado wax-isu-ahaanta afafka iyo isku dhowaanshahooda isirnimo, waxa laga eegaa waxyaalaha aasaasiga ah iyo ereyada gundhigga afafkaas u ah ee amaahda ama ergiska ka caaggan sida tirada, xubnaha jidhka, magac-u-yaallada, degaanka iyo magacyada dhirta iyo xayawaannada iwm. Tusaale ahaan:
SOOMAALI OROMO CAFAR
Laba Lama Nama
Saddex Sadi Sedixa
Afar Afur Affara
Dhal Dhal Dhal
Ilmo Ilmo Ilmo
Laf Lafe Laf
Ilko Ilkaani Iko
Shimbiro Shimbira Kimbiro
Af Afaan Af
Ani Ani Ani
Adi Ati Atu
Aabbe Abe Abba
San San San
Wadne Wadne Wadne

Xog dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan waxa laga sii heli karaa buugga Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu qoray Cabdalla Cumar Mansuur.