Digtoonaanta wadayaasha gaadiidka (WQ: Maxamed Dhimbiil)

Inta aanad gaadhiga kaxeyn:

โ–ชwaa in aanay lulo ( Hurdo ) ku hayn ama aanay culaysyo kale kugu furnayn.

โ–ชHubi saliidaha iyo biyaha gaadhiga

โ–ชHubi Taayirada baabuurka naqaskooda iyo boolalka ku xidhan.

โ–ชHubi in aad sidato taayirkii kaydka ahaa, jeegii gaadhiga iyo baanadaha lagu furo meelaha muhiimka sida jeeg baanaha iwm.

โ–ชHubi nalka baabuurka iyo in uu miisaaman yahay guluubaduna u dhan yihiin.

Marka aad kaxayso:

โ–ชXadhiga ( suunka ) badbaadada xidho ” safety belts ”

โ–ชHa isticmaalin telifoonka inta aad gaadhiga wado.๐Ÿ“ต๐Ÿ“ด

โ–ช Wax ha ku dhex cunin inta aad gaadhiga wado.

โ–ชHa u sheekaynin dadka aad baabuurka kuwado sababta oo ah waxa suuragal ah in aad eegto dhinaca ay kaa xigaan ama masjaxdaadu ku mashquusho waxa aad ka hadlayso.

โ–ชHubi in aad daaqadaha dambe ee baabuurka ku riday qufulka caruurta ” child lock ” hadii aad caruur xaga dambe ee baabuurka saarto.

โ–ช Ha ku qaadin baabuurka inta loogu talogalay dad ka badan , hadii uu xamuul yahayna ha saarin culayska loogu talogalay mid ka culus.

โ–ชHubso in uu gaadhigu leeyahay muraayad haado iyo muraayada dhexe oo ay kuu miisaaman yihiin.

โ–ช Hubso calaamadaha ku yaal wadooyinka kana taxadir xawaaraha xoogan.

Muhamed Dhimbiil