Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka Sulaymaan iyo boqoraddii reer Saba Q.2aad (WQ: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Hud’hudkii muddo aan dheerayn kolkii uu maqnaa wuxuu soo noqday isaga oo xogweyn sida. Waxa taa sheegaya nabigan awoodda balaadhan leh qaabka uu ula hadlayo, “Waxa aan gaadhay meel aanad gaadhin, waxa aan war cad kaaga sidaa Saba.”

Haweenay boqorad ah oo ka talisa boqortooyada Saba in uu soo arkay ayuu sheegay, haweenaydu kursi weynna in ay leedahay ayuu sheegay. Warka intaas ka weyn ee Saleebaan soo jiitay wuxu ahaa in haweenaydaa iyo boqortooyaduba caabudaan cadceedda.

Saleebaan wuxu u sheegay in warkiisaa la la hubin doono. wuxuu u dhiibay warqad isaga ka socota oo uu ugu sheegayo in ay soo Islaamaan. Waxa dhugasho mudan dardaarankiisa ah in uu eego falcelintooda ee kolka uu warqadda uu dhiibo aanu soo noqon.

Boqoraddii kolkii ay kala furtay warqaddii waxa ay u yeedhay madaxdii boqortooyada, in ay warqad timidna way u sheegtay. Kaligeed taliso in aanay ahayn hawaynaydaasi waxa caddayn u ah hadalkeeda ah, “Madaxeey igala taliya arrinkan, ma ihi mid go’aan iska qaadanaysa idinkoo joogee.” Laakiin waxa cad in ay iyadu ka caqli badnayd raggaa ay talada bidday, sida Quraanka ku cad.

Waa ay isqaadqaadeen, sheegeenna in awood ay leeyihiin, aanay ahayna qaar loo hanjabi karo. Warka ay ugu halcelisay waa mid dhugasho u baahan, waa mid sooyaalku ka marag kacayo, waa war mudan in la gunto oo aan waryar ahayn. Waxa ay u sheegtay kolka dad soo duulay magaalo galaan in ay geddiyaan oo kuwii madaxda ahaa mijo u rogaan, magaaladaasina mid burburta oo baaba’da noqoto. Waa war dagaal ha ina gelinina nabaddaasa ninba toban ku yahay e, ha ina faydina oo balaayo ha inoogu yeedhina.

Waxa aanay keentay xal dagaal lagaga baaqsado. Waxa ay tidhi ninkani wuxuu yahay waxa aynu ku ogaanaynaa in aynu jirrabno. Waxa aynu u diraynaa hadyad waxa aynu eegaynaa falcelintiisaa. Waxa ay maagan tahay haddii hadyaddaasi qanciso in aanu ahayn nin sidaa u si ridan oo xoogaa adduun ahi kaga filanyey in ay ku aamusiyaan amaba dagaal lagu qaadaa xal noqon karo, se haddii uu diido hadyaddaas uu yahay nin aragti hagayso oo aan la caabbin karin.

La soco qaybta saddexaad……….