Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka Sulaymaan iyo boqoraddii reer Saba (WQ: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka
Sulaymaan iyo boqoraddii reer Saba

Boqorrada dunida soomaray boqorkii ugu saamaynta weynaa ee ugu caddaaladda badnaa in uu yahay Nabi Saleebaan dood kama taagna. Waa nabi boqortooyadan ka dhaxlay aabbihii oo nabinimo na u sii dheerayd boqornimada.
Nabi Saleebaan waxa Alle ku galladay in uu u sakhiray Jin iyo aadane in ay adeegayaal u ahadaan, sida oo kale waxa adeegistooda loo sahlay shimbiruhu in ay u soo warramaan. Maanta soo ma maqashid shimbiro basaasiin ah oo qalab lagu xidho, haddaba Saleebaan xilligaa ayey u adeegayeen iyagoon qalab iyo kamarad lagu xidhin se iyaga laftoodu diranayaan u ahayeen.

Dareeriska sheekadan ka warramaysa suuradda Naml waxyaalaha u xiiso badan waxa ka mida kolka nabi Saleebaan iyo colkiisa oo waddo socda qudhaanjadu isla hadasho iyadoo in lagu durduriyo ka baqaysa. “Kolkii uu isdultaagay (Saleebaan) toggii (godkii) qudhaanjada, waxa ay tidhi qudhaanjo; waar qudhaanjooy gala godadkiina, yaanay idinku durdurin Saleebaan iyo colkiisu iyagoon idin arkayne.” Saleebaan wuxuu ku qoslay sida ayaaddu sheegayso hadalkeedii, wuxuuna uu iishay in uu u mahadceliyo Rabbigii, isaga oo dareensan in dheeraadweyn lagu mannaystay.

Boqor Saleebaan muu ahayn mid boqortooyadiisa iska dhex fadhiya oo aan shacabkiisa iyo ciidankiisa xaalkooda ka warhayn ka jooga iyo ka maqanba wuu yaqaanay meesha ay ku maqan yihiin, sida oo kale mid dharagsan iyo mid gaajaysan iyagana waa uu ogsoonaa waxa ay ku sugan yihiin. Sida suuraddu ka warramayso isaga oo shimbirihiisii diranayaasha u ahaa eeg eegaya xaalkooda ayuu waayey shimbir Hud’hud ah, waxa uu wayddiiyey xagga uu ku maqan yahay, wuxuuna sheegay in amar la’aan hadduu ku maqan yahay in uu ciqaabtiisa mari doono, haddii kale uu keeni doono caddayn xagga uu ku maqan yahay xilligan.

Waxa muuqata in uu jiro qaanuun u geeddisan taliyaha iyo loo taliyaha. Haddii aanu jirin sharcigaasi nabigani kuma xadgudbeen Hud’hudkan kumana gooddiyeen in uu ciqaabi doono, laakiin waxa cad in uu yaallay wixii kala xadaynayey ee mid kasta xaqiisa sheegayey.

Hud’hudkii muddo aan dheerayn kolkii uu maqnaa wuxuu soo noqday isaga oo xogweyn sida. Waxa taa sheegaya nabigan awoodda balaadhan leh qaabka uu ula hadlayo, “Waxa aan gaadhay meel aanad gaadhin, waxa aan war cad kaaga sidaa Saba.”

La soco qaybta labaad……….