Agaasimaha Is-casilay Ee Waftiga Muuse Biixi kamid ka aha wuxuu qaadan waayay bahdilkii lagu sameeyay. .”Shadhaab “ Ayaa lagu yidhi Madaxweynaha hortiisa..(WQ: Muniir Axmed Cigaal).

Agaasimaha Is-casilay Ee Waftiga Muuse Biixi kamid ka aha wuxuu qaadan waayay bahdilkii lagu sameeyay. .”Shadhaab “ Ayaa lagu yidhi Madaxweynaha hortiisa..

Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Luck) Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda ee is-Casilay, waxaa sabab u ah is-casilaadiisa isagoo diiday bahdilaada ay badi yeeleen ee gorada ay u la laadiyaan Golaha Wasiirada Madaxweyne Muuse Biixi iyo masuuliyiinta kale, oo aanu jirin masuul kaliya oo u madax banaan hawshiisa shaqo amma hadal ku celin kara Muuse Biixi hal-abuur daayo …. Wuxuu saaka qaadan waayay isagoo kamid aha Waftiga Madaxweynaha ee Burco ku sugan, ahanaa masuulkii ugu sareeyay Wasaaradda Cadaaladda ee meesha maraayay maadaama oo Wasiirkii ku maqanyahay socdaal debadda ah, sida Dastuurka Somaliland dhigaayo wuxuu Agaasimaha Guud xubin ka yahay Guddida Qaranka ee Cadaaladda… Xuseen Lucky waxa loo diiday inuu ka hadlo madashii xadhig ka jarida Xabsiga Burco oo ahayd shaqada Wasaaradiisa..

Madaxweynaha ayaa amray ayaa lagu yidhi ee hadli maysid ee iska fadhiiso.. “Waar waa shaqadaydii mar xaladii uu soo maray Wasaaradayda ayaa ogaa Jeelashu Wasaaradayda ayay hoos yimaadaan inaan Madaxweynaha uga war bixiyo xaqbaanu u leenahay ileen annaga ayuu noo igmaday hawshee “.. Sidii Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee Heego ayay ka sugayeen “Haye Aabo dheh “.. Intaas laguma dayn Madaxweynaha oo taagan ayuu Taliye Xudhuun Agaasmiha oo is yidhi si saxa u sheeg qaybaha Xabsigu ka kooban yahay wuxuu ku yidhi “Shadhaab “.. Kaas oo ah Hadal gef ah .

Nidaamkan cusub ee hadda socda maha kii lagu yaqaanay dawladaha xalaasha ah, waa midkii Diktaytarka iyo qof raba inuu kaligii muuqdo (One-man show) . Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal alle hawnaxaristo wuxuu ogaaladay in 20 Wasiir oo ragg culus aha Wasiiro u noqdaan, in lala doodo ayuu aqbalay Madaxweyne Siilaanyo ayaa kamid ah raggii la doodi jiray Muuse Biixi ayaa kamid aha oo Wasiir u aha. Madaxweyne raba in Ciyaal u heesan Muuse ayaynu aragnay . Agaasime Xuseen Luck taas ayuu diiday, hanbalyo Agaasime ..Wuxuu aha nin aqoon leh oo In badan ka soo shaqeeyay Qaramada midoobay…. Muuse Biixi haku badasho mid bahdilka qaata sida Wasiiradiisa yar iyo wayn aan xitaa rayigooda cabiri karin..

Kooxda Heego Madaxweynaha tuducan xigmadaa hawsheegan kaligii wax ma-wadi karee.

“Ragganimada Sooceeda
Adigoo Sagaal Buuxshay
Hal Ku Seegay baa Yaalla”
Hadraawi

“Rag gudboon sal iyo baar
Haddii geel isugu jiro,
Garmaqaate dhego li’i
Go’aan wadari leedahay
Hadduu goonnidiisiyo
Gaarkiis u maamulo,
Keligii nin gob ah yahay,
Inta kale gun hoosiyo
Garas iyo qadhooniyo
Gaagaab ka wada dhigo,
Marka loo ged sheegtana
Galka seefta kala baxo,
Wuxuu goosto keligii
Ama geysto dabadeed,
Garashaa ku tidhi yeel!
Ninka kale gilgilashada,
Hadduu giirto hibashada
Dala’siga la gaasiray
Gacan inuu ku ciilbaxo,
Garashaa ku tidhi diid!” – GOLJANNO.

Tusan