ALLA-YAQAANKII AQOONTA BADNAA
Isaga oo 10 jir ah ayuu Aabihii tukaan ay lahaayeen dhex geeyey, si uu ganacsiga ugu barbaaro, balse Nin waxaas u jeeda ma ahayne, intuu tukaanka dhex joogaba qur’aanka ayuu akhriyaa oo afka kama qaado.
Waa amar Alle’e, maalin maalmaha ka mid ah, ayuu tuuladoodii soo maray sheekh la odhan jiray Sheekh Yaasiin Yuusuf Al-maraakashi. Wuxu arkay ilmo yar oo 10 jir ah oo caruuri ku qasbayso inu la ciyaaro balse isagu ka cararaya, qur’aanse akhrinaya, mar kasta oo ay u soo dhawaadaana intuu ooyo ka fogaanaya afkaasna aan qur’aanka ka qaadayn. Kolkiiba Sheekhii ilmihii yaraa kalgacal buu u qaaday. Wuxu u tegay macalinkii qur’aanka u dhigayey. “Waxan rajaynayaa inu ilmahan yari noqon doono ninka ugu cilmiga badan, uguna Saahidsan waqtigiisee ilaali” ayuu sheekh Yaasiin ku yidhi Macalinkii. “Ma xiddigiye faaliya ayaad tahay” ayuu macalinkii si yaable u su’aalay Sheekhii. “ Mayee Ilaahay baa iga hadliyey” ayuu sheekhiina ugu jawaabay.
Markii Aabihii warkii gaadhay wuxu ku dedaalay inu qur’aanka dhammeeyo, waanu kaga dhabeeyey.
Sanadku markuu ahaa 649 hijriyada ayuu magaalada Dimishiq yimi. Xilligan Dimishiq waxay ahayd xaramka aqoonta. Waa 18 jir ujeedo-socda oo aan dalxiis iyo dan la’aani gurigoodii ka keenine, sidii dhaqanka u ahayd qariibka aqoon-raadiska ah, kolkiiba wuxu ku hagaagay Misjid Jaamaca Dimishiq. Sheekhii ugu horreeyey ee uu la kulmayna wuxu noqday Imaamkii Masaajidka umawiyiinta ee Dimishiq oo la odhan jiray Sheekh Jamaalu-diin Cabdul Kaafi. Sheekhii markuu uga waramay ujeedkiisa, sheekhiina intuu gacanta qabtay ayuu u geeyey sheekhiisii u horreeyey ee cilmiga u bilaaba oo la odhan jiray TAAJU-DIIN CABDIRAXMAAN AL-FASAASI.
Haddii uu in muddo ah bilaa hoy ahaa, maalintii dambe ayuu sheekhiisii weydiiyey bal inu meel u dego u heli karo. Nasiib-darro sheekhiisu meesha kaliya ee uu gacanta ku hayey waxay ahayd Madarasad la yidhaa “saarimiya” iyaduna may lahayn haba yaraatee qolal la dego. Sheekhiisii wuxu u geeyey sheekh la yidhaa ISXAAQ BINU AXMED BINU CISMAAN AL-MAQRIBI, oo xilligaas gacanta ku hayey madarasada Alrawaaxiya la odhan jiray. Sheekhii wuxu u helay qol yar oo cidhiidhi ah, halkii baanu iska degay. Ilaa intuu ka dhimanayeyna qolkaas yar ee cidhiidhiga ah ayuu deganaa.
Mar alle markii uu qolkaas yar ee cidhiidhiga ah helayba, wuxu bilaabay inu guntiga dhiisha isaga dhigo, niyadiisa iyo noloshiisana u wada hibeeyo barashada cilmiga. Waqtigiisii oo dhan wuxu u kala qaybiyey dhegaysiga culimada casharka u dhigaysa, wax akhris, qoraal iyo inu u kala dab-qaado Culimada oo kolba mid uu u tego.
Maalin kasta wuxu dhigan jiray 12 cashar oo isugu jira Fiqi, xadiis, naxwe, Sarfi, usuulu fiqi, iyo Usuulu Diin. 12 kaas cashar mid kasta sharaxiisa iyo lafo-gurkiisa ayuu intuu soo koobo maskaxda ku guntayey.
Sanadkii kowaadba, afartiisii bilood ee u horreeyey wuxu ku xafiday TANBIIHA SHIRAASI, sanadka intii ka hadhsanaydna Kitaabka MUHADABKA rubuca cibaadada ayuu ku xafiday.
La Soco