Allayleh Reer Bari Rag dheh (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waxaan arkaayay dawlada iyo jaamacad Burco oo hadalo isku waydaarsatay warbaahinta.  Hadaba an idiin sheego halka ay sartu ka qudhuntay.

Waxa jira ardaydii caafimaadka u fadhiisatay sanadkan ayaa jaamacada Burco iyo Golista hargaysa si qaldan loo riday, oo doodii way socotay, waxaana cadaatay in ardaydaa ogaan loo riday, markaa Jaamacada Burco waa taa goaan qaadatay ee sii daysay ardaydeedii, Allayleh reer bari rag dheh.

Aniga gabadh ayaa igaga jirtay ardaydaa ogaan loo daadiyay, kulana waan ka qayb galay, waxaa kulankaa laga yidhi in ardayda soo baxaysa caafimaadka la xadido, waxaan la yaabay arday soo halgamay sababta loo ridaayo iyada oo tirada la doonaayo in la xadido, waxaan is waydiiyay intaas takhasus ayay jaamacaduhu bixiyaan maxaa kuwan loo xadidayaa ee kuwa kale loo xadidiwaayay, waa suaal dadka u taal, midakale tirodaa loo xadiday maxaa si daacad ah looga qaadi waayay imtixaanka qof walba nasiibkiisa ha ka qaadee, ee dad gaar ah loo doortay, waa suaal kale oo dadka u taal.

Waxa kale oon la yaabay kuwa hablo soodadaaly oo todoba sano soo guur seegay, u badheedhay inay ridaan. Horta lamaan yaabeen haday inamo yihiin eh, waxaaban odhanlahaa qabiil ayay ku rideen, laakiin gabdho, waar gabdhuhu waa beer oo qabiil maaha, kolba waa cidii beerata ayay anfacayaan. Kuwa ay hablahaasi ka fakanwaayeen ayaa cidkale hadh ujiidi.

Hadaba jaamacda Burco waxa ay dawladu uga qaybqaadan wayday xafladaa, jaamacada burco waxay sii daysay ardaydeedii ogaan loo riday, dawaladuna kuwaas ayay ka urisay, sidaas ayay uga qaybqaadanwayday.

Waxaa hadaba iswaydiinleh tolow Golis university maxay ka yeeli ardaydeedii, waa kuwaa reer Burco tashaday eh, waxaan idiin sheegayaa wali way khuurinaysaa, khuuraduna waa dhaqanka galbeedka.

Bari ayaa waxaan ka qayb galay workshop, lagu qabtay magaalo galbeedka ah, markii nusasaacihiii, ayaa dadkii loo qaybiyay roodhi wax ku dhex jiraan, aniga kii qaybinaayay ayaa ii dhiibay roodhi qarax ah, markaas ayaan u yeedhay, waxan idhi waar aniga maxaad roodhida qaraxa ii siisay, intu ila yaabay, ayuu igu yidhi waar xageed ka timid, anagu hadaanu nahay reer galbeed waanu khuurinaa uun eh.

Inaan galbeed waxba ahayn waxa kaaga cad xadkii uu gaalkii dhigay, reer bari inta dhulkoodu leegyahay, iyo galbeed oo dhulkood Ethopia la wada raaciyay.

Bal jaamacdii burco waa taa ardaydeedii lagu xadgubay u aargoysay eh, tolow Golis University maxay yeeli, wali way khuurinaysaa eh.

Dawladuna waa taa aqbashay qalin jabintaa ardayda Burco sida iska cad, tolow maxay ka yeeli ardaydan Golisna, illayn waa isku qadiyad eh. Bal aynu eegno.

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

Yaa hagida mujtamac ka masuul ah? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

http://bandhige.com/waa-maxay-quruxdu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

http://bandhige.com/sidee-dhaqanka-dadka-loo-badali-karaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/wasiirka-imraadka-qarqaash-oo-markale-hadlay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sidee-madaxnimo-ama-kursi-lagu-helaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com