Amnigu Ruwaayad Ma galo: (WQ: Omer-sayid Qalonbi)

War aan la xaqiijin oo lala xidhiidhinayo dhacdo amnidaro/amni-xumo oo ka dhacday Dagmada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayay bulshada reer Somaliland siyaalo kala duwan uga hadlayaan. Qaarkood ayaa la xidhiidhinaya in uu ahaa fal lid ku ah amniga. Qaarkoodna waxa ay sheegayaan uu ahaa fal aan la xidhiidhin amniga oo u dhacay uun farsamo-xumo kale.

Hadaba aniga siday ilatahay; wararka rasmiga ah ee la xidhiidho amniga qaranka iyo hadba xaaladda taagan ee amaan waxaa xaq u leh in ay tabiso hadba Xukuumadda talada haysa oo kaliya. Wixii dhaliil iyo gondaloolo ahna waa la sheegi karaa, marka la hayo warar ku dhisan xaqiiqooyinka jira oo aan ku tiri-ku teen ahayn si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta dalka uga dagsan xoriyatul-qawlka iyo cabiraadda raโ€™yiga dadwaynaha sida uu sheegay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shuruucda ka Farcamaaba.

Sababta aan u leeyahay Dawladda/Xukuumadda oo kali ahi ha sheegto, wararka la xidhiidha amniga dalku waxa weeyi. Waxa aan ku noolnahay mandaqad ay saameeyeen dagaalo iyo afkaaro qaldan oo sheegta in ay salka ku hayaan fikir diineed (Laakiin aan sax ahayn). Markaa war kasta oo amaanka qaranka wax-yeelaya oo aad si fudud u tidhaahdaa, macne gaara ayuu yeelanayaa, waxaana laga yaabaa in uu qaranka saamayn taban ku yeesho.

โ€ข Wararka dhag-xumada amaanka la xidhiidhaa, waxa laga yaabaa in uu saamayn ku yeesho meeqaamka siyaasadeed ee dalkaaga iyo la macaamilka dawladnimadaada

โ€ข Waxa uu saamayn ku yeelan karaa dhaqdhaqaaqa bulsho iyo ta qofeed ee kuu gaarka ah; Tusaale ahaan; qofka ka safraya ama u safraya Somalia aduunyadu il-gaara ayay ku haysaa. Sababtuna waxa weeyi nabadgalyo darada iyo dhibaatada ka jirta Somalia. Sigaara ayaana loola kala macaamilaa labada qof ee ka kala yimid Somaliland iyo Somalia marka noqoto arimaha amaanka la xidhiidha ee dhinaca socdaalada.

โ€ข Wararka aan xaqiiqada ku dhisnayn ee uu qofku amaanka dalka ka sheegaa waxa ay saamayn ku yeelan karaan; koboca dhaqaalaha gaar ahaan; Goobaha dalxiiska, ganacsiga iskaga gudba dalka aan macaamilka ganacsi la leenahay, caymiska iyo noolka (Fright and insurance) badeecadaha ganacsiga, mashaariicda horumarinta ee Somaliland ka socda iyo guud ahaan fikirka ganacsi/maalgashi ee muwaadiniinta iyo ajaaniibta danaha dhaqaale ka leh Somaliland.

โ€ข Wararka aan xaqiiqada ku dhisnayn ee amaanka la xidhiidhaa waxa ay saamayn ku yeeshaan bulshada. Waxaana fursad hela cid kasta oo amaanka iyo nabadgalyada bulshada khatar ku ahayd, oo tushuush iyo warar aan la hubin ku dhex fura bulshada.

Markaa waxa aan ku talinayaa in dhalinyarada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshaduba ka digtoonaadaan, faafinta wararka aan la hubin ee ku saabsan amniga dalka iyo dadka.

Cidda kaliya ee war rasmiya oo amaanka la xidhiidho laga qaadan karaa waa hadba Xukuumadda talada haysa. Maantana waxaa warka looga fadhiyaa laamaha amaanka ee Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

 

Waar may fahamteen?

 

Allaa Mahadleh, Mawlaha Khalqiga

 

Omer-sayid Qalonbi