Khaladaadka ka muuqda jeldiga koowaad ee Buugga laga qoray Axmed Siilaanyo (WQ: Cismaan Abokor Dubbe)

Buuggan oo inta aan ka ogahay 5tii sano ee ugu dambeeyey-ba qoraalkiisa gacanta lagu hayey, haddana la’ soo saaray ayaa gudahaba inta aan loo tegin, saddex khalad oo waaweyni ka muuqdaan jeldiga sare ee Buugga; una baahan in dib loo eego inta aanu ka wada bixin gacanta qoraha oo dadweynaha gaadhin:

1. Khaladka Koowaad: Cinwaanka Buugga ee ah; (Nin Tacab badan geliyey Qaranka): kelmadda Nin! oo Naxwe ahaan ah qof aan la’ garanayn sida; Nin ilmo yar ka tallaabiyey jidka: ma’ ay ku habboonayn cinwaanka Buugga laga qorayo Ruux isaga oo kale Carabtu odhan lahayd ‘ Qaniyun li’ tacriif’ oo la’ macne ah dad iska daayoo xitaa ciidda iyo duur-joogtaa garanaysa.

Malahay (Nin) waxa ka habboonaa magac u yaal kale oo huwan sifo gaar-ahaaneed, sida:

(Halgamaa Tacab badan Geliyey)

(Hoggaamiye Tacab badan geliyey)

 

2. Khaladka Labaad ee cinwaanka ka muuqdaa waa kelmad xagga hore iyo xagga dambeba ka go’an oo ah Qaranka??? Cinwaanku wuxu leeyahay: (Axmed Siilaanyo; Nin Tacab badan geliyey Qaranka). Ogaalkay Mudane Siilaanyo wuxu la soo noolaaday 4 Qaran oo kala duwan oo uu tacab badan geliyey, markaa waa kee Qaranka uu Qoruhu sheegayaa?

1935-1960 wuxu ku hoos noolaa Qarankii Ingiriiska ee wax-baray isna uu dadka wax sii baray: 1960-1983kii Qaranka Soomaaliyeed ee uu Wasiirka ka ahaa tacab badanna uu geliyey: 1983-1991 Qarankii SNM ee uu hoggaamiyaha ka ahaa tacab badanna uu geliyey:

1991-2019kii Qaranka Somaliland ee uu Madaxweynaha ka ahaa tacab badanna uu geliyey:

Markaa keebuu u jeedaa qoruhu?

Waxa intaas dheer marka laga hadlayo Culuumta Siyaasadda (Political Science) kelmadda Qaran inta badan looma isticmaalo waddaniyadda, sababta oo ah State-ku waa loo hoggaansame sharci ku dhisan (coercive) oo aan cidna u aabbo yeelin ee haddii uu doono ku xidhi kara ama burburiba kara oo toban Qaran noqon kara. Sidaas darteed baa qowmiyadda loogu isticmaalaa inta ma’ guurtada ah ee aan muranka gelin sida; Dhulkayga, Dalkayga, Dadkayga, Waddankayga, Ummaddayda iyo Geyigayga.

Aniga aragtidayda cinwaanka qoruhu xushay ee u dhadhanka eg: Ahmed Siilaanyo: Nin ilmo yar ka tallaabiyey jidka:

waxa kaga habboonaa sidan:

Axmed Siilaanyo: Hoggaamiye Tacab badan Geliyey Dalkiisa.

 

3. Khaladka Saddexaad: Hadal-tiro badan oo aan loo baahnayn baa ku qoran jeldiga sare ee buugga oo Cinwaanka Buugga lagu xoojiyey, loomana baahnayn waxan oo hadal-tiro ah. MAALMIHII SIILAANYO oo keli ah baa kaga filnaa cinwaanka buugga oo dhan: waxase ugu sii khariban Cinwaan yaraha jeldiga ku qoran ee leh: Dowlad hore baan riday oo Dib loo dhisi kari la’ yahay ee mid dambe ridi maayo!!! Malahay hadalkaasi jeldiga buugga iska daayoo buuggaba in lagu soo daro kuma habboonayn: Sababta oo ah Soomaali oo dhami waxay raadinaysaa Dowladnimadoodii burburtay cidda Burburisay ee silica iyo saxariirka badday!

 

Ugu dambayn dadka Axmed Siilaanyo wax ka qorayow, isma difaaci karo Axmed oo nin weyn buu noqday ee dibin-daabyada aad weli la’ daba socotaan ka’ daaya.

Cismaan Abokor Dubbe