Waa kuma ninka gacantu ku go’day qarixii wajaale

Maalintii jimcaha ee bisha april ahayd 26ka ย galinkii dambe, waxaa magaalada Tog-wajaale ka dhacay qarax ka dhashay aalad lagu sheegay macdan oo la furfurayay, oo sida la sheegay ganacsi ahaan loo isticmaalayay. halka warar kalena sheegayaan in la furfurayay banbaanooyin ruushku sameeyo oo lagu sheegay macdan amaba yuraaniyam.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo mid ka mid ahi ahaa shaqsigii isagu furfurayay oo dhaawac ka soo gaadhay isagoo gacan ay ku go,day lugna uu ka dhaawacmay.

Ninkan oo ah qof waayeel ah ayaa isagoo lagu dawaynayo dhakhtarka weyn ee magaalada hargaysa inta sawira laga soo qaaday lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo lagu eedaynayo inuu qarax u maleegayay Somaliland.

hadaba inkastoo aynaan ka hor dhacayn baadhista hayadaha amaanka ay wadaan oo aan wali soo saarin war rasmi ah, ayaa hadana waxaanu ย helnay xog tibaaxaysa taariikh nololeedka shaqsigan dhaawacu ka soo gaadhay ย qaraxii walxaha ka dhashay ee magaalada tog-wajaale.

Magaciisa oo dhamaystiran waa Xasan Cali Yuusuf Xassan Oo Ku magac dheer Xasan Carab, waxuu ahaa nin ganacsade ah oo ku noolaan jirey daka kuweit ย sanadahan dambe ย u soo guuray muqdisho oo ย ah halkuu ku dhashay asal ahaana ka soo jeedo.

Aabihii waa cali yuusuf xasan ย oo ahaa xildhibaan hore uga tirsanaan jiray baarlamaanka soomaaliya isla markaana isku sharaxay madaxweyne inuu ka noqdo soomaaliya.

Sanadii 1986 ayaa xasan carab uu ka soo guuray dalka kuwayt oo uu ku noolaa sanadahan danbe waxuu ahaa ganacsade ka shaqaysta macdanta ย sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisa iyo dad ay isku dhaw yihiin

Lama garanayo ilaa hada waxa xasan carab keenay wajaale ย lakiin qaar ka id ah eheladiisa ayaa waxay sheegayaan inuu u yimid dad ay ganacsi wadaag ahaayeen.

Geesta kale xasan carab iyo ehelkiisa ayaa ahaa dad ehlu suna wal jamaaca ah oo aan marnaba lagu tuhmayn kooxaha xagjirka ah iyo inuu qarax ka maleego Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee laga hordhici maayo baadhista ciidamada amaanka Somaliland balse xasan carab waxaa la xidhan imika wiil reer boorame ah oo dilaal ahaa iyo gabadhii lahayd guriga hawshu ka dhacday ee wajaale mana jirto guri laga kireeyey ee wiilkaa reer borame ah ayaa qaraabo ahaaan gabadhu u soo dhawaysay waxayna la joogeeba saacado hawsha meesha ka socotay ganacsi ayay ahayd ย hadii la leeyahay waa ganacsi sharci daro ah waa baab kale balse fal argagixiso ma ahayn siday sheegayaan dadkii ย u dhuun daloolay ee reer wajaale.