Aniga iyo Isaga! (WQ: Faadumo Buuni)

 

 Eebbaa ii dooray isaga, aniga ka hor intaanan dhalan. Ma noolaan karo isaga la’aantii. Wuxu ilaaliyaa dhammaan jidhkayga oo dhan. Isagu waa noloshayda.wuxu i siiyaa iftiinka noloshayda. Wuxu iga ilaaliyaa fallaadhaha cadceedda iyo qabowga barafka. Wuxu i siiyaa diirimaad iyo goob nabaddeed. Isagu waa hadafka iyo riyada noloshayda. Waxan jecelahay in aan la noolaado ilaa Qiyaamaha! Isagu wuxuu jecelyahay inay gabadh kasta oo muslimad ahi xidhato. Iguma aha ciqaab. Waa sharafta dhabta ah iyo xoriyadda hadalka. Waa jidka aan dadka ugu sheegayo inaan ahay gabadh islaam ah. Wuxuu iga horjoogsadaa inay il xuni i soo eegto.

Isagu waa awoodda naftayda. Markaan isaga la joogo waxaan dareemaa inaan haysto xoriyadda nolosha iyo kalsoonidda nafta. Isagu waa indhahaan wax ku arko, dhagahaan wax ku maqlo, afkaan ku hadlo, carrabkaan wax ku dhadhamiyo,  gacmahaan wax ku qaado, cagaha aan ku socdo. Markaan la joogo cidi ima dhibi karto xataa Qudhaanjo! Isaga la’aantii  noloshu waa waxba. Isagu waa garabyada aan ku duulo, marka aan xabaaasha galo waxan jeclaan lahaa inaan agtayda ku arko!

Dhammaan guulahayga oo dhani isaga ayey ku tiirsanyihiin, isaga markaan la joogo ma jecla inuu uga adkaado kaasoo muujinaya jidhkayga, dhammaan wuu i wada qariyaa, wuxu badanaaba i xasuusiyaa in uu Nabigu (N.N.K.H) uu nacdalay ninka xidha dharka dumarka iyo gabadha xidhata dharka raga. Waxa kale oo uu i xasuusiyaa in uu Eebbe ku jeegay Suuradda Axsaab aayaddeeda 59naad.

Wuxu iga ilaaliya in aan guriga ka baxo anigoo jidhkaygu muujisanyahay, ama timahayga oo muuqda amaba aniga oo cadar marsan. Wuxu ii sheegay inaa aan ka duwanahay dadka sidoo kalena in aanan ahayn Gaal, balse aan ahay Addoon Eebbe.  Isagu iguma aha ciqaab ama qasab, isagu waa summadda Iimaanka islaamka.  Waa habka aan u dhaqmo, magaciisu waa Illaaliye waxana loo yaqaanaa  difaace.  Taasi waxay ka dhigantahay inuu yahay gidaar iga qabta dhammaan dhibaatooyinka xunxun.

Markasta wuu i sharfaa.  Cidi isaga igumay qasbin, wuxu igu hoggaamiyaa inaan aqoon helo si aan u noqdo Aqoonyahan iyo inaan noqdo il aqooneed sida; Khadiija, Caaisha  iyo FaadumoSahra Eebbe raali ka ha ahaadee.

Haddafkiisu waa inuu i qiimeeyo tallaabo kasta oon u qaadayo waddada toosan.  Aad baan igu faannayaa isaga, waana in aan isaga la joogaa si aan u aqoonsado in aan ahay gabadh Muslin ah.  Wuxu badanaaba igu yidhaahdaa, “ Bulshadaada waxad ku beddeli kartaa saamayntaada toggan, waxad awood u leedahay in aad dadkaaaga iyo waddankaaga aad horumariso.”

Wuxu iga dhigay in aan noqdo gabadha ugu wanaagsan, walaasha ugu wanaagsan, xaaska ugu wanaagsan , shaqaalaha ugu wanaagsan, dhakhtarka ugu wanaagsan, maamulaha ugu wanaagsan, xisaabiyaha ugu wanaagsan. Wuxu si qoto dheera u ogyahay  inaan leeyahay sharaf, qiime iyo tixgalin. Wuxu ogyahay in aan ahay Dahab iyo Dheeman.  Wuxu ogyahay in aan ahay daacad cidna aanan xadi karin ama aanan khaayimi karin. Wuxu ku noolyahay dhammaan xiddidadayda wuxu u socdaalaa meel kasta oon u socdaalay, wuxu fadhiistaa meesha  aan fadhiistay. Wuxu istaagaa meelkasta oon istaagay.

Markaan joogo suuqa , bangiga, xafiiska, baska ama aan socdo waddada waxan ahay qof la ixtiraamaysan waayo dadku waxay ogyihiin inaan haysto dhaqankii islaamka.

Waxan ku dhashay hadyad gaar ah, taasina waa islaamka, qofkasta oon la kulmay, waxkata oo igu wareegsan waxay ka hadashaa oo ay i xasuusisaa Eebbe. Dhibi kuma jirto meesha aan ka imi, dhibi kuma jirto qabiilkayga, inaan ahay sabool ama maal-qabeen, inaan qof yar ahay ama mid wayn, aniga iska leh ma ihi  nooc ama mid isku jira balse waxan ahay tusaale iyo gabadh muslin nadiif ah.

Ilbidhiqsi kasta, daqiiqad kasta, saacad kasta, maalinkasta, toddobaad kasta, bil kasta, sannad iyo sannado kasta, waxan u taaganay islaamka waxaanan ahay safiirka islaamka. Eebbe waa rumaysanahay, nabi Muxamedna (N.N.K.H) waan rumaysanahay sidoo kalena waan ogahay inuu dhab yahay. Waa habka dhan ee aan ku noolahay, waana sida aan u dhaqmo, sida aan u hadlo, sida aan u daryeelo. Isagu waxa uu igu hogaamiyaa inaan noqdo qof naxariis leh oo dadka tixgaliya. Waxa uu igu dhiirigaliyaa inaan caawiyo dadka saboolka ah.

Ninka maaha aabbahay, walaalkay, ninkayga,  jaarkayga, dadkaanu wada shaqayno, ardayda aanu isku fasalka nahay, ardaygayga, barehayga, shaqaalahayga, ama qofkale, balse ninkani waa Xijaabka aan hadda xidhanahay imika. Waxan dareemayaa jacaylkiisa markaana ma ogoli in aan iska bixiyo xijaabkayg

Dhammaad

WQ: Faadumo Buuni

libaaxo.77@gmail.com

Hargeysa, Somaliland