“Qalin la jabiyaa ma jiree waa lasii Qortaa”
Waxa iska soo daba dhacaya qalin jabinaha heerarka kala duwan ee Jaamacadaha dalka Somaliland guud ahaan., iyadoo ay tirada ardeydu sanadba sanadka kasii danbeysa sii kordheyso. Waa arrin Alle loogu mahad naqo madaama ay bulshadii u xadhko xidhatay waxbarasho ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisan. Iyadoo aqoontu ay tahey furaha horumarka.
Haddaba, waxa la yaab leh in ay xafladihii qalin jabinuhu u ekaadeen aroos wadareedyadii loo dhigayey kooxda lamaanaha ah, oo laga badbadiyey marka loo eego xaflad qalinjabineed, iyadoo la sameynayo waxyaabo aan loo baahanayn amaba aan muhiim ahayn sida: gawaadhi la sharaxo, in murayaadaha gawaadhida lagu wada dhajiyo qofkii qalin jabinayey, in sawiro meelo aan munsaab ahayn lagu galo, keegag lacag badani ku baxayso oo khasab laga dhigay in loo sameeyo qofka qalin jabiyey & in layskugu faano heerka labiska sidoo kale in la sameysto xaflado, iyada oo la kireysanayo hoolalka xafladaha aroosyada, lana soo kireysanayo fanaaniin kharash badani ku baxayo.
Maxuma qofkii hayntiisu gaadhsiisay inuu sidaa yeelo, balse waxa jira boqolaal waalidiintood kallifaya iyaga oo waxbarashadoodii iyo hawlohoodii kale lalasoo dhib mutay. Sida aynu ka warqabno waxa aynu ka mid nahay wadamada ka hooseeya khadka faqiirnimada lagu qiyaasay (Under the Poverty Line), taasi macnaheeduna ay tahey 90% bulshadu maaha kuwo awood u leh hawlaha caynkaasa marka la eego duruufaha kale ee ku xeeran, oo ay kow ka tahey waxbarashadii & maceeshadii oo guud ahaanba laban laabantay shantii sanadood ee u danbeysay.
Waxa kale oo Iyana jirta in heerka waxbarasho ee jaamacadaheenu aanu gaadhsiisnayn heer caalami (Standard level) taasi oo aan ka wado in aynaan helin deegaankii, agabkii, iyo dadaalkii aynu kula talaabsan laheyn caalamka. Tusaale, buugaagta cilmiyada kala duwan laga barto sanad walba waxbaa laga badelaa si loola jaanqaado wakhtiga hadba la joogo. Inagu waxa aynu weli jaamacadaha ku haysanaa buugaagtii la daabacay 1998 kii, haddaanay kaba horeyn. Mar labaadka ardeygu 80% cilmiga waa in uu kasbadaa oo uu sameeyaa baadhitaan & akhris badan, taasina mahayno oo bulsho wax akhrida ma nihin. Habka doorashada waxa aynu baranayno iyo hadafka aynu kaleenahay laftiisa Ayaan inoo cadeyn. Taasina waa ta sababtay in ay ardeyda jaamacadaha kasoo baxayaa badankoodu noqdaan qaar aan waxba ka hayn wixii ay mudada kusoo tabcayeen amaba sita dhibco magac u yaal ah.
Waxa intaa sii dheer in aanay waxbarashadu lahayn bar dhamaad ee ay tahey mid joogto ah, Hadaad sidato shahaadada ugu sareysa ee la diyaariyo (PHD) haddana kama maarmaysid in aad daaqad kale eegto oo aad cilmi cusub wax ka bawsato. CILMIGU WAA BAD, SE IRBAD AYAAD KA QAADANAYSAA MARKAAD U BADISID.
Dhamaan qodobada aynu kor kusoo sheegnay marka aynu isku wada darno haddii aad isku aragtay ama aad dareensantahey in ay jiraan. MA AHA IN AAD XAFLAD QALIN JABIN AH OO CAYNKAA AYNU ARAGNAY AH ISKUGU KALIFTID! Haa, waxa aad gaadhay meel aad ku riyoon jirtay, lakiin miyaanad dareemayn in ay wax kaa dhiman yihiin. Waa in aad baadi goobtaa waxa kaa maqan haddaba.
Marka ay ardeydu badanka diyaariyaan shahaadada heerka koowaad waxa ay ku rajo weyn yihiin in ay shaqo helaan oo weliba xafiis fadhiistaan, iyaga oo filaya in wixii ay soo barteen lagu shaqeynayo. Shaqada shahaado qayaxan oo qolfoof ah laguma helo waa in aad baadigoobtaa hilibkii & hugii aad shahaadadaada ku iib geyn lahayd. Waxa jira xirfado lagama maarmaan ah in aad yeelato si aad u shaqeyso, dabcan badankoodana laguma barto jaamacadaheena inta ogaalkayga ah.
Gabagabo
Waxa ina hor yaala hayaan dheer, dalka & dadkaba mustaqbalkiisu waa innaga markaa waxa la inaga sugayaa wax ka fog oo ka badan in ayaamo loo damaashaado oo wakhti lagu lumiyo waan qalin jabiyey. Waxa aynu ku noolnahay dal aduunka ka go,doon ah, waxa aynu ka tirsanahay qaarad lagu magacaabo dunida saddexaad. Aduunyooyinkana waxa kala horeysiiyey waa dad. Wadamada noloshooda la hiigsado ee ay ka mid yihiin Maraykan, Ingiriis, Iskaandanifiiyanka iyo kuwo la mid ah waxa heerkaa soo gaadhsiiyey waa dadkoodii oo dadaal & karti galiyey. Maxaa inagana inaga haysta in aynu tubtaa marno?!
Kharashka yar ee ina soo gala wakhtigan ee aynu sidaa ugu ciyaarayno waxa qurux badan inaga oo mustaqbal ku dhisana oo shaqooyin abuurana.
Hibo Ciise Maxamed