Aqoonta Qosolka! (WQ: Cabdullaahi M. Cawsey)

Aqoonta Qosolka!

 

Waxyaabaha lagu qoslo sida kaftanka, shaactirada ( comedy)  sheekooyinka qaraaxada leh  iyo xanta  waxay ka mid yihiin quruxda iyo nafiska  dabiiciga ah ee nolosha. Qosolka waa mid ka mid ah nasiibka u gaarka ah aadanaha iyo qaarka mid ah daanyeerka kuwaas oo leh dareenka  qosolka iyo qaraaxada  dabiiciga  ah ” a sense of humour”.

 

Waxaa jira aqoonyahanno si gaar  u xiiseeya in qaab cilmiyaysan loo fahmo  sababaha qarsoon iyo taariikhda fog ee qosolka waayo haddii qosol iyo qaraaxo jiri lahayn noloshu dhadhan iyo xiiso midna ma lahaateen. Dhinaca kale, qosolka  iyo qaraaxada waa mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee ay  ku qotomaan qaybaha kala duwan ee caafimaadka maskaxda ( Menta Health).

 

Maaddaama isbuucan  loo dabaal dagayo ciidul adxa , waxaa jeclaystay in aqristayaasha qiimaha badan ee jecel aqriska in aan  la wadaago xaqul ciid qoraal ah oo lagu gorfaynayo taariikhda qosolka. Sidaa daraaddeed, qoraalkan wuxuu is dul taagayaa aragtiyooyinka ugu  waaweyn ” theories”  ee laga qabo qaababka  qosolka ku billowday. Aqoonyahannada daraaseeya qaybaha kala duwan ee qaraaxada  “humour” waxay sheegaan in qosolka uu yahay badweyn ay ku kulmaan wabiyada kala ah awoodda  siyaasadda, dhaqanka, ilbaxnimada  iyo waliba mowjadaha qarsoon ee damaca nafta!

 

Marka la gorfaynayo taariikhda qosolka, waxaa jira labo aragtiyood oo ku saabsan sabahaha qarsoon ee aan u qosolno. Aragtida koowaad  waxay tilmaamaysaa in qosolka  yahay hub lagu difaaqo dhaqanka soo jireenka ah ee bulshada ” tradition”. Tusaale ahaan qosolka noocan ah wuxuu yimaadaa marka qof ama qolo dool ah oo  la quursanayo ama lala yaaban yahay qaab dhaqankooda  lagu maadaysto ” ridiculing ”  ayada oo la tusinayo in dhaqankii iyo waxyaabihii maangal  ka ahaa ama laga filanayay  haysan ama ka leexdeen.

 

Tusaale ahaan, haddii qof ciyaalka xaafadda ah uu tago meel baadiye ah oo geela lagu raaco, waxaa macquul ah in geellayda qosol iyo qaraaxo badan ka helaan  qaab hadalka  iyo hab dhaqanka xariifka magaalada ka yimid. Dhanka kale, haddii mid dhoore ah oo baadiyaha ka yimid tago  maagaalo weyn sida Muqdisho oo kale, waxaa macquul ah in ciyaalka xaafadda ku shaactiraystaan.

 

Aqoonyahannada darsa qosolka noocan ah waxay sheegaan in uu yahay mid cuskan siyaasad iyo qaraaxo u gaar ah  hadba qolada awoodda leh markaas. Haddii qof ajnabi ah yimaado dalka oo uu damco in uu Afsoomaali ku hadlo, qaab hadalka qofkaas waxaa ka dhalan kara qosol muujinaya in qofkaas hadal barad uu yahay oo kale. Tusaale ahaan, Qosolka noocan ah  waxaa cuqdad badan ka qaada qolada  qurbo joogta ah ee lagu qoslo mararka ay  damcaan  in Engishka ugu hadalaan qaab jajab ah iyo  lahjad lagu maadaysan karo.

 

Dadka ku qosla ama ka qaraaxaysta  waxyaabaha muujiaya kala duwanaanshaha nolosha iyo dhaqanka aadanaha, badanaa waa aqlabiyada inta qososha. Waxyaabaha shaactirada laga sameeyo ee dunida u badan tahay, waxay badanaa ku dulwareegaan qosol lagu bartilmaamsanayo qayb ama qolo bulshada ka mid ah oo dhaqamada iyo qaab fekerkooda u gaarka ah lagu karbaashayo.  Dhinaca kale qosolka noocan ah waa mid siyaasadaysan oo muujinaya in qolada ka leexatay ma ka wecatau xaqa iyo dhaqanka bulshada  lagu edbinayo. Waana qosol u janjeera dhinaca jeesjeeska, Waxaana macquul ah in qofka iyo qolada lagu qoslayo ka xanaaqaan ama ka falceliyaan.

 

Aragtida labaad ” theory”  ee lagu eego qaababka iyo taariikhda qosolka waxaa ka mid ah aragti muujinaysa in samayska iyo dunta hoose ee  nolosha oo dhan ay tahay qosol iyo qaraaxo wada socda. Aragtida noocan ah waxay ku doodaysaa in qosolka yimaado ka dib marka aan ku baraarugno in qaabka nolosha aan u aragno qaab ka duwan xaaladdu tahay.  Tusaale ahaan, aadanaha wuxuu xoogga saaraa in nolosha u qaabeeyo isla markaana odoroso waxa dhici kara berri asaga oo adeegsanaya dhaqan iyo aqoon xadiddan  ” measurements and predictability”.

 

Mararka qaar waxaa dhacda in qofka naftiisa ku qoslo asaga oo is cafinaya  isla markaana ku xanaaqo qof kale marka lagu baraarugo itaal darida aadanaha. Tusaale ahaan, qof bakeeri shaah ku soo shubtay asaga oo afka u wada haddii uu ka fara baxsado waxaa macquul ah in uu isku qoslo asaga ka maadaysanaya maqaadiirta u diidday in uu shaaha calfado. Dhinaca kale waxaa dhici karta in qofkaas carruurtiisa ku xanaaqo haddii ay bakeeri jabiyaaan asaga oo ku cannaanaya in ay edeb darro la yimaadeen oo nolosha khalqal ku abuureen.

Marka madal sharafeed la iskugu yimaado oo qof walba soo labisto asaga oo isku muujinaya qof maamuus iyo qadarin mudan ay dhacdo in qof dadkaas madasha jooga ka mid ah dhuuso ka fakato, waxaa dhammaanteen dareenaa qosol iyo qaraaxo dabiici ah oo muujinaya in maamulka nolosha iyo damaceena gaaban kala madax bannaanyihiin. Waxaa macquul ah in qofka lagu qoslay uu dareemo xanaaq aan u wanaagsanayn caafimaadka maskaxdiisa. Aragtidan labaad ee ku saabsan taariikhda qosolka waxay muujinyasaa in aadanahu dareemay qosolka noocan ah ka dib markii uu ku baraarugay in nolosha maadays tahay, dadkuna matalayaan!

Aragtida koowaad ee qosolka ee kor ku xusan waxay keeni kartaa in dadku isku xanaaqaan ka dib markii qofku dareemo qosol huwan quursi iyo jeesjees. Aragtida labaad ee taariikhda qosolka ku saabsan waxay tilmaamaysaa in nolosha lagu qoslo oo aynaan noqon qof xag jir ah ” serious” oo wax walba ka xanaaqa. Maaddaama qoraalka nala dheeraaday, waxaa ku gabagabeenayaa sheeko qaraaxo leh oo i qabsatay sanadkii hore markii aan ka soo degay Airport ka Garowe.

Waxaa dhacday markii aan imid qaybta ” arrivals” ee baasaboorada looga dhufto dal ku galka, in aan la kulmay sargaal ka socday laanta socdaalka ee Puntland. Sargaalkaas wuxuu ahaa nin dhuuban oo madow oo gacanta bidix ku haysta tusbax. Wuxuuna ku mashquulsanaa wardi. Gacantii midig ayuu baasaboorkii ku qabtay wuxuuna iigu dhuftay dal ku galkii Somalia. Markii aan eegay taariikhda dal ku galka ee baasaboorka uu ii saaray waxaan arkay in dalka aan soo galay taariikh ku beegan 2017. Markiiba waxaan ku baraarugay in sargaalka uu qaab qaldan dal ku galkii u saaray. Waxaa ii furnaa saddex waddo midkood aan maro si aan uga falceliyo qaladka dhacay. Marka koowaad waa ku xanaaqi karay sargaalka. Waxaan ogaa in xanaaqa noocan ah uusan u fiicnayn caafimaadka maskaxda ee musaafiriinta!

Marka labaad waxaa samayn karay in aqoondarada sargaalka aan ku qoslo aniga oo iska dhigaya nin ilbax ah oo qurbaha ka yimid. Haddii ay sidaa dhacdo waxaa macquul ah in sargaalka ka xanaaqo qosolkayga sida aragtida koowaad ee kor ku xusan tilmaamayso. Marka saddexaad waxaa ii furnayd in aan ku qoslo maqaadiirta na kulan siisay sargaalka wardinaya oo aan fahmo in ay jiraan maamul naga madax bannaan oo sargaalka ku qasbay in dal ku gal qaldan baasaboorka uu ii saaray. Arritii saddexaad ayaana sameeyay, illaa hadda sheekadaas marka aan soo xasuusto waan qoslaa aniga oo cafinaya sargaalkii wardiga ku mashquulsanaa. Waana sida ay qabto aragtida labaad ee aqoonya qosolka ee kor ku xusan.

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey