Raysal Wasaarihii Horre Ee Maleeshiya Najib Razak oo 12 sanno oo xabsi ah Lagu Xukumay, Kadib Markii Lagu Helay Dembiyo Ay Ka Mid Yihiin Musuq-maasuq Iyo Ku Tagri Fal Hanti umadeed
Maxkamad ku taala wadanka Maleeshiya ayaa wiigan ku xukuntay Raysal wasaarihii horre ee Maleeshiya Najib Razak 12 sanno oo xabsi ah iyo 60 sanadood oo xabsi dad ban ah , ka dib markii laggu heley dembiyo ay ka mid yihiin , Ka faaidaysi awoodeed, musuq-maasuq iyo ku tagri fal hanti umadeed.
Mr Najib oo wadankaas ka talinayay sanadihii 2009-18 ayaa xukunka lagala wareegay sanadkii 2018 , markaas oo boolisku qabteen isagoo qorshaynaya in uu diyaarad gaara wadanka kaga dhoofo , xiligaas oo gurigiisa lagga soo saaray lacag u dhiganta 28 malyuun oo doolar oo kaasha , oo isugu jirta 26 nooc lacageed iyo 50 Malyuun oo ah alaabooyin qaaliya oo ay ku jiraan 284 shandadood oo qaaliya.