Aragtiyaha Daalan. (WQ: Garyaqaan Cabdale D. Aden)

Waa hubaal in wax la iska weydiiyo, aragtiyahan manta dhan kasta inoo dhex-qaaday, waana mid aad u xanaf badan oo ay yartahay cida si dhaba u tidhi waa maxay aragtida dhabta ah ee aan u baahanay, hadii aan nahay bulshada Somaliland iyo aragtidee ugu haboon ee lagu dhaqi karaa qarankeena, taas oo hirdankeedu aad u taagan yahay, oo uu taagnaan doono, taas oo salka ku haysa kala gadisnaanta dadka iyo dhanka ay hadba ka eegayaan aragtida.

Si aan bal I iftiimiyo sida ay wax iigu muuqdan, oo aan badka soo dhigo aratiyaha daalan, ee dadka qaar inoo dhoodhoobayn wax buurana inooga dhigayaan, isla markaana aan u soo kobo, oo inta badan aan u qodobeeyo iyada oo aan ku ladhi doono faahfaahin dhaba oo dhabarka ku haysa waxa jira, isla markaana aan qalinka u dabri doono si aanu yoolka u dacal marin, waxa aan ku bilaabi in aan ku bilaabo aragtiyahan daalani kuwa ay yihiin.

1- Aragtida Wadaadada
2- Aragtida Reer Galbeedka
3- Aragtida Martida Loo Yahay

Kuwaasi waa aragtiyo si dhaba u daalan, waxa daalka badayna waa cida wada oo aan si dhaba u dhugan, una aqoon waxa ay sidaan, ee ay rabaan in ay iib-geeyaan, waayo waxa uu qofku iib-gayn karaa waxa uu si buuxda uga dharagsan yahay, isla markaana weydiimaha kaga yimaada uu war-celin waafiya ka bixin karaa, hadaba aan qodob qodob u soo qaadano aragtiyahan daalan.

1- Aaragtida Wadaada

Waa dhab in aan ugu horayn aan kala saarno, DIINTA iyo WADAADA, waxana aan u kala saarnay DIINTU waa wax dhawrsan oo dhan, wax ka qabyo ah oo ka dhex jiraana ma jirto , waxana ay ka timi meel maamuus iyo milgo leh, oo aan wax qabyo ahi ka iman, waxa ka soo fulaana uu dhan yahay, se WADAADADU waa dad leh dhamaan ceebaha uu lee yahay qofku oo malaha dhawrsani, waxan ugu mudan ceebahaas aqoon gaabni, garasho yaraan, laab-la kac iyo dano gaara intaas oo dhami waa wehelka qofka, wadaadkuna intaas buu la wadaaga dadka, iyada oo taasi jirto ayuu hadana wadaadku lee yahay tix-galin iyo dhagaysi, waxa taas keenay isaga oo dadka u sheegaya wanaaga If iyo Aakhiraba, se waxa uu taas helayaa marka uu la yimaado qodobadan.

1- In uu ogaado waxa uu sheegayaa in uu dhan yahay, se isagu aanu dhamayn
2- In aanu aragtidiisa uga dhigin dadka in ay dhawrsan tahay
3- In uu dadka u tilmaamu tubta toosan
4- In uu ka dheer yahay Qabyaalada
5- In uu si dhaba u yaqaan bulshada uu ka dhashay
6- In uu ka fogaado aragtiyaha daalan ee lagu dhex qasay diinta
7- In uu ka dheeraado qabyaalada diinta
8- In uu diinta aqoon aad u dheer u yeesho
9- In uu dadka waxa midaynaya u sheego ee aanu kala kaxayn
10- In uu ka dheeraado xoog ku raadinta kursiga.

Intaasi waa inta wadaadku ku yeelayo maamuus iyo milgo dhaba, waana waxa loogu soo joogsanaayo, hadii se uu dhinaca ka dhaafo waxaas waxa uu noqonayaa mid sida aragti daalan, dhibtuna isaga ku koobnaan maysee waxa loo adeegsanayaa, in diinta lagu duro oo loo celiyo gafkiisa diinta, iyada oo diintu gafkaas ay ka fogtahay.

Dadkeenu waa dad aad uga dambeeya wadaada oo aad u tix-galiya, taasina waa ta keentay, in wadaadu ay noqdaan bulshadeena dhexdeeda dadka loogu dhagaysiga badan yahay, looguna kalsoonida badan yahay, waayo waxa laga urinayaa waa udgoonka diintu leedahay, se waxa jira dad si cad oo qaawan u raba in ay dhulka dhigaan wanaagaas lo hayo wadaadada, iyaga oo fata ku fiiqaya gafaf ay galeen qaar ka mida wadaada, taasna uga jeeda in ay kalsoonidaas burburiyaan, se waxa taas burin kara marka wadaadku aqoon dhaba oo qaan-gaadhay uu u leeyahay diinta, ee aanu diinta gole ka fuul ku ahayn, kana dheeraanyo, waxa diinta loogu soo dhuuman karo.

Hadaba waxa aduunkan aan guudkiisa joogno, jira dad badan iyo wadamo hawlo liita u adeegsada diinta, oo ka dhigta dhabar ay u fuulaan danahaas liita, inta badan wadamadaasi waxa ay ka dhex fushadaan hawlo sir-doonimo iyo in ay hadba aragtida ay markaas u arkaan in aanay danahooda wax u dhimayn ay agarab iyo gaashaan buuxa siiyaan, wadamadaasna waxa ugu mudan Sucuudiga iyo Baakistaan, oo si qaawan uga dhex fushada danahooda liita. Se waxa haboon in uu wadaadku aad u hufo oo u haadiyo waxa uu sheegayo, iyada oo manta aan si cad u wada ognahay in ay diinta ka dhex dilaaceen qabyaalad diimeed, oo qof waliba kuu sheeganaayo qol hebel baa qolo heblaayo ka fiican, sidii aan qabyaalada reeraha aan ku naqaanay, wadamadaasina waxa ay kobla garab siiyaan qolada ay ka dhex arkaan danahooda liita, haba ugu sii liito sucuudiguye.

Waxa se manta la gudboon wadaadkeena in uu si dhaba u ogaado una barto bulshadiisa oo uu diinta uga dharigiyo si haboon, waligiina uu danta guud ilaaliyo iyo waxa bulshda wanaageeda keenaya, ee aanu dadka ku daalin aragtiyaha liita, iyo waxa geed-sare-waab ka ah ee aan dug hadha lahayn.

2- Aragtida Reer Galbeedka

Waa dhab oo sida cadceeda oo kale ayaa loo arkaa, aragtiyaha daalan, ee sida daadka ugu soo jabay bulshadeeda iyada oo uu jabay darbigii ka moosi lahaa oo ah AQOON-YAHANKA , maxaa yeelay waa mooska dhabta ah ee kala hufi kara isla markaana kala bidhiiqin kara aragtida daalan iyo aragtida dhabta ah ee aan u baahanay, iyada oo ay u badan yihiin aragtiyahaasi habka iyo hanaanka qaran loo maamulo, maxaa yeelay qaranimadu waa wax dhankooda inooga yimi, ee maaha waxa aan gaar u leenahay.

Aragtiyahan reer galbeedku waa kuwo si dhaba intooda badani geeska u daraaya waxa aan rumaysanahay iyo hadoodilkeena nololeed, waana kuwo inagu soo jabay iyaga oo wata wanaagoodii iyo xumaantoodiiba, dabadana ay ka riixayaan qaar ka mida aqoon-yahanku, dhalaal badanina ku ladhan yahay, oo halkii diidaba lacagi dhaafinayso, hadaba waa kee aqoon yahanka dhabta ah ee moos u noqon kara aragtiyahan daalan ee ka soo jabay gibil cada reer galbeed.

1- Waa in aqoonta uu sidaa ay biyo dhigatay, oo arinka uu dhan kasata ka eego, oo aanu hal gees ka eegin, waana in uu ka dheeraadaa laab-la-kac aqooneed
2- aqoontiisu ay qaan-gaadho, qofku jidh ahaan waxa uu u qaan-gaadhaa marka uu 15 sano gaadho, se garaadkiisu muu qaan gaadhin, waxa uu se aqoontiisu ay si dhaba u noqotaa aqoon-qaangaadhay malinta uu noqdo gurgurshaaga aqoonta ee uu u bislaado.

3- aqoon tiisu ka weynaato reerka uu yahay, iyo kooxda uu diin ahaan taageersan yahay, iyo aragtisiisa qofnimo.

4- aqoontiisu ka weynaato cid jecelaysi, iyo cid necebaysi, iyo kan ku riix iyo kan ku soo dhawee, kaliya ay ka tahay dadkaaga ugu dhaami, adiguna dan gaara ha ugu adeegsan.
5- In uu noqdo kan ay dhamaan bulshadiisu wada hadhsato, waan in uu ahaado kan loo soo wada ooyo, ee aanu noqon ka cid gaari hadhsato.
6- In uu aqoon yahanku yeesho meel loogu soo hagaago, oo aanu noqon mid habeenba geed taagan, waana in aanu noqon hangool maliba ninkii soo oodaysanayaa dagta sii sudho.

Rukunadaasi waa kuwa si dhaba u moosaya oo celinaaya aragtiyahaas daalan ee soo jabay, waxan dhadhan gaara siinaya marka uu si dhaba u dhugto uduga ka baxayaa heesta arday ee uu Maxmed mooge ku heeso ee odhanaysa waxan ahay waadiga dugsiyada waxan ahay waanada macalinka waagii baryaba ubax laga waraabsho waxan ku warwaraynaa wadankiina waxa u barta oo xambaara waajibkiisa.
Dhadhankaas aadka u sareeya iyo xilka dhabta ah, ee ku duugani waa ka Eebe yidhi ( kaliya waxa sida ugu haboon iiga cabsadaa waa dadka aqoonta iyo kasmada leh) ma jiro sarayn ka weyn taas in uu Eebe ka dooraty dadkii uu abuuray oo dhan, qofka aqoonta leh, ee si dhab u gartay sirta aqoonta.

Hadaba aqoon yahan dhugo xilka dhabarka ku saran ee ay bulshadaadu kaa sugayso in aad u noqoto darbi ka celiya duufaanada liita eek u soo dhex dhuumanaaya aqoonta, aqoon yahan eebe garab buuxa ha kugu siiyo hawshaas.
U ka coo ka huf kana haadi aragtiyaha daalan ee soo jabay, adiga oo aan ka tagayan aragtida toosan ee aan u haraadanahay eek u jirta aragtiyahaas daalan, adiga oo maanka ku haya waxa ay bulshadaadu uga baahan tahay iyo waxa aanay u baahnayn. Iyo halka ay ku haboon tahay ragtida toosani.

3- Aragtida Martida loo Yahay

Bulsho meel wada dagan waxa uu Eebe sumad lagu soo hayb-sooco uu u siiyay waa dhaqan, kaas oo ka kooban AF iyo HADOODIL NOLOLEED oo u gaara, kaas oo ay kaga duwentahay bulshooyinka kale, waxa hadaba dhaba bulshada intaas dhawran weydaa in udubka lagu riixo oo la milo, taas oo halisteeda iyo dhibteeda leh, waxa ugu mudan ee bulsho gaadh ka haysaa waa afkeeda iyo hab-dhaqankeeda oo ah dhaxalka ugu milgaha iyo saraynta badan ee faceeda dambe ay u gudbinayso.
aragtidani waa tag u mudan ee lagu qasaban yahay in laga wada dambeeyo, laguna wada dabo faylo, waxan dhaba in ninkii iska baal-maraa uu halis u banana yaalo, waayo waxa uu rabaa bulsho dhan in uu hantideeda gaarka u ah uu xado isaga oo aan dhaadayn in dhibtu isaga ka bilaabmayso, isagana ay dhadhan tirayso, waa dhab oo dhanqanku waa rukunka ugu adag ee aan la loodin Karin.
Hadaba maxaan u idhi waa aragti daalan?
Aan war-celinta koobee, waxa aad mudooyinkan dambe soo gadaal-baxay weerar adag oo dhan kasta kaga yimi sumadeednii, iyada oo si cad oo qaawan loogu taagan yahay in jirida loo siibo, waxan ugu mudan oo ay ka soo galeen waa

1- Dhanka afka
Afku waa ka ugu mudan ee ugu horeeya ee qofka lagu garto bulshada uu yahay marka ugu horaysa ee uu erayga koowaad yidhaa ayaa la gartaa bulsha weynta adunkan ku nool ta uu ka yahay.
Bulshada afkeeda jirida loo siibaana waa ka tirantaa dunida waxan ku dhaca milid taas oo la milo afkeeda oo ah halka ay wax kastaa ugu kaydsan yihin, waxana haboon oo aad iyo laxaad u mudan in aan si dhaba ugu wada kacno sidii aa afkeena u badbaadin lahayn, hadii ay tahay dawalda iyo bulshadaba oo ay ugu horeeyaan dadka aqoonta lehi.

Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale D. Aden