Kuwii Odhan Jiray Waddo La Dhisayaa Ma Jirto, Deked La Dhisayaana Ma jirto Tolow Maantana Maxay Odhan (WQ: Maxamuud Xaashi)

Kuwii Odhan Jiray Waddo La Dhisayaa Ma Jirto Deked La Dhisayaana Ma jirto Tolow Maantana Maxay Odhan.

Taariikhdu qarin mayso masuuliyiinta nasiibka u helay inay fuliyaan mashruucan ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo masuuliyiintii aan kamidka ahaa ee kala duwan ee nasiibka u helay hindisaha iyo hal-abuurka mashaariicda kor ku xusan,kuwaasi oo uu ugu mudan yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Kuwii ceebta ka dhigi jiray horumarka qaranka loo wado ama isku dayi jiray inay ciideeyaan ee halku dhigyadoodu ahaa deked la dhisayaa ma jirto,wado la idiin dhisayaa ma jirto iyo waxbaa la xaraashayaa, waxaan leeyahay Tolow maantana maxay odhan?.

Ma runta hortooda timi ayay riyo iyo dhaan-dabagaalayn ku sheegi doonaan mise cad-ceeda ayay doonayaan inay calaacalahooda ku qariyaan,mise waa yaabe dakedda iyo wadada dhismaheeda loo qalab qaatay ayay leefi doonaan..