Saamiqaybsi iyo Awoodqaybsi (WQ: Maxamed-haykal Muxumed)

Adeegsiga labadaa eray ayaa la isku murgiyaa kolka siyaasadda laga hadlayo.
Jiraal ahaan waa laba eray oo kala duwan, nuxur ahaan iyo fal ahaanba. Saamiqaybsi, kolka luqadda ganacsiga la joogo waa ku-jaangoynta dheef-hel ama dheef-lun, hadba wixii la isku darsado. Tusaale ahaan, ganacsiga saamileyda ka dhexeeya, faa’idadiisa waxa loo qaybsadaa qofba inta uu xisaabta guud ku leeyahay. Metalan, afar qof ayaa isku darsaday shirkad. Maalgelinta shirkadda midkood waxa uu leeyahay 50%, midna waxa uu leeyahay 20%, labada kalena waxa ay isku leeyihiin 30%. Sidaa kolka ay tahay, faa’idada uu ganacsiga shirkaddu keeno waxa loo qaybsanayaa oo qof walba loogu salaynayaa qaybtii uu wadarta guud ee xisaabta ku lahaa. Halkaas ayuu qof waliba saamigiisa ka helayaa, xisaabtaa cadna waa lagu kala baxayaa.

Awoodqabsiga ayay noqotay. Eraygani waxa uu ka hore kaga duwan yahay laba shay. Midka hore waa awood (maammul) oo ka dhalanaysa cudud la isu geeyey. Midna labaadna waa awoodda (maammul) ee la isu geeyey dheefta ay dhasho. Waxa iswayddiin leh, dheefta awoodda la isu geeyey lagu helo sidee loo qaybsanayaa? Waa halkan meesha dhibtu ka taagan tahay.
Kolka aynu dawladaha nidaamka iyo xeerarka ay dhigteen ku dhaqma eegno, looma baahdo erayga “awoodqaybsi”. Dhinaca kale, dawladaha ku fashilma in ay raacaan nidaamyada iyo xeerarka dejisan, isla mar ahaantaana – kalsoonida dhexdooda taallaa yar tahay ayaa dhigta – ama ku heshiiya awoodqaybsi. Macnuhu waa in awoodda shacab ee la isu geeyey qolaba dhinac qabsato, si aan kooxi awooddaa la isu ururiyey [ciidan, dhaqaale iyo maammul] – kuwa kale ugu adeegsan oo aanay ku waxyeellayn. Tan laf ahaanteeda, kolka heshiis lagu yahay waxba ku ma xuma, horena waa looga socon karaa. Meelaha nidaamka noocan ahi sida tooska ah uga shaqeeyo waxa ka mid ah dalka Lubnaan. Bulshada dalkaas oo u kala qaybsan Shiico, Sunni iyo Kiristan ayaa qolaba dacalkeeda jiidatay awoodda maammulka dawliga ah. Shiicadu waxa ay haysataa guddoonka barlamaanka, Sunniguna ra’iisulwasaaraha, halka Kiristanku haysto madaxweynaha. Waa wax si cad loogu heshiiyey, cid gaar ahina aanay awood u lahayn in ay maammulka dhexdiisa (within the system) qolyaha kale ku dhibaatayso. Waxa kale oo tusaale ah nidaamka afar dhibic iyo badh (4.5) ee shirkii Mbagathi, Kenya, loogu soo dhisay dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya.

Haddaba, waxa jirta mashaqo baaxad leh oo labadaa qeexitaan ee aan sharraxay ka duwan. Waa meel aanu xeerka dawliga ahi sidii loogu heshiiyey uga shaqaynahayn, awoodqaybsiga aan tusaaleeyey mid la mid ahina aanu ka jirin. Magaca waa ka maammul dawladeed, hoosta se waa ka mashruuc kooxi wadato. Waa awooddii la isu geeyey, oo dheeftii isugeynteeda lagu helay iyo cududdeedaba in gaar ahi moqoraysanayso, cidihii kalena ku “abuse”-garanayso. Halkan, ayuu inta badan salka ku hayaa qalalaasaha iyo dagaalka sokeeye ee dalal badan ka dhex oogani.