Kala dooro xabsi iyo madaxnimo, kala dooro doqonniimo iyo daacadnimo! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Ma jirto doqonniimo ka wayni in uu qofku Allaha korreeya ee nimcada QURUXDA ku galladaystay isla nimcadiisii ku caasiyo.

Nebi Yuusuf waxa uu ahaa Aadmiga Alle abuuray kii ugu quruxda badnaa jidh ahaan, waxa Nebi Muxammed-scw- laga weriyey in uu yidhi: Quruxda adduunka badhkeed (50%) ayaa Nebi Yuusuf la siiyey, haddana quruxdaas uma adeegsan in uu dumarkii madaxda ahaa ee ku waashay uga faa’iidaysto, taa beddelkeedana ku adkaysiga dhawrsoonida iyo diidmada xumaanta ayuu xabsi u galay oo uu 7 sannadood u xidhnaa !

Isla dhawrsoonidaas ayuu ku kasbaday sharaf iyo maamuus dadka dhexdooda iyo Alle agtiisaba.

Waxa keliya ee uu ku xusay applicaion-kiisa /codsigiisa shaqo, isla markaana laga aqbalay ee uu ku noqday ra’iisal wasaarihii Masar waxa uu ahaa:
1) Ammaano iyo
2) Aqoon.

{قَالَ اجْعَلْنِي عَلَىٰ خَزَائِنِ الْأَرْضِ ۖ إِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٌ، وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي الْأَرْضِ يَتَبَوَّأُ مِنْهَا حَيْثُ يَشَاءُ ۚ نُصِيبُ بِرَحْمَتِنَا مَن نَّشَاءُ ۖ وَلَا نُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ ، وَلَأَجْرُ الْآخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ} يوسف:55-57.

*- Ha ku mashquulin jidhkaaga ee ku mashquul kobcinta aqoontaada iyo toosinta dhaqankaaga.
 U adeegso waxa uu Alle kugu nimcaystay daacadiisa, ka dhawrso waxa allaha hibada lehi kuu diiday>
*- Ogow in Nebi Yuusuf quruxdiisa lagu xabisay, aqoontiisana lagu soo daayey oo uu madax ku noqday!
*- Quruxda jidhkaaga Alle agtiisa waxba lagagama helo ee waxa ku anfacayaa waa camalkaaga ee toosi oo Alle ugu mahadceli waxa uu kugu galladaystay ee caafimaad ah, muuq ah, maal ah, magac ah, amaba mansab ah.

Allahayow na toosi oo tubta toosan nagu tabantaabi.

Dr-Abdulqani Hussein Beder