Aragtiyihii iyo Afkaarihii Dunida Baddaley (WQ: Mukhtaar Axmed)

Inta ah ogaalka aadana, dunidu waxay ahayd mid wejiyo badan leh, aaduhu wuxuu garaadsadey isagoo arkay maalin iyo habeen, abaar iyo barwaaqo, qabow iyo kulayl iyo guud ahaan is dhallan roga waayaha. Is badalku waa waxa ay noloshu ku dhisantahay mana jiro hal xaalad oo lagu waarayo. Tusaale ahaan qofku haddii uu xanuunsado muddo ka dib wuu ka bogsadaa ama waa uu dhintaa, sida sunnaha ahna adduunkaan laftiisa Ayaan ahayn mid hal weji leh oo lagu waarayo. Haddba waxa jira aragtiyo iyo afkaaro badan oo wax ka badalay nolosha iyo qaabkii dunida looga dhaqmi jirey. Aragtiyahaas waxa ay isugu jiraan kuwo siyaasadeed, sayniseed, diimeed iyo tiknoolajiyeed.

1. Dimuqaraadiyadda ( Democracy)

Badiba dunida waxa ka jirey hal nidaam maamul kaaso ah boqortooyada iyo dad ku nool ayga iyo duurka oo aan lahayn wax hab ismaamul ah, ma jirto taariikh cad oo laga hayo sidey ku yimaadeen boqortooyooyinku. Dimuqaraadiyaddu waxay ay noqotay aragti mar qudha lagu waaberistay (Revolutionary Idea) sidii roob mahiigaan taasoo ka dilaacdey badiba dunida gaar ahaan waddama galbeedka oo boqortooyooyinkeedu ahayeen kuwo awodoododu ahayd mid xad ka bax ah sida roomaankii iyo faransiiskii. Dimuqaraadiyaddu waxay ahayd tan iyo wakhtigaa mid maraysay marxalado kala duwan, iyadoo ibo furtay aragtiyo kale oo la xidhiidha dhanka maamulka.

2. Dhaq-dhaqaaqyadii madaxbannaanida ( Independence Movements 1776)

Qarnigii 18aad waxa aad usoo xoogeystay is balaadhinta iyo awoodeynta boqortooyada, boqortooyooyin badan sida bortaqiiska, ingiriiska, faransiiska iyo kale oo badan ayaa qabsadey oo qaybsadey guud ahaan dunida, waxaana xusan dhacdooyin badan oo dhiig badan ku daatay sida dhacdooyinkii uu dhigey faransiisku. Dhaq-dhaqaayadii gobonimo doonka maraykan ayaa hormuud u noqdey cid kasta oo doonaysay inay iska riddo heeryada gumaysiga. Qarniyadii 19aad iyo 18aad gobonimo doonku wuxuu ahaa mid ka mid siyaasadaha ugu xooggan ee aadka loo hadal hayn jirey. Sannadkii 1947 kii ayay dawladda Hindiya qaadatay madaxbannaanida taas oo noqotay dhammaadkii iyo soo dabar go’ii boqortooyadii ingiriiska.

3. Xornimo doonka haweenka (Feminism theory)

Sida muuqata wakhtigan aynu joogno awoodda iyo maamulka waxa iska lahaa badanaa ragga iyadoo haweenku ay ka aradnaayeen guud ahaan maamulka, waxbarashada iyo inay yeeshaan hanti u gaar ah. Waxa la aaminsanaa in haweenaydu aanay wax door ah ku lahayn codeynta iyo guud ahaan siyaasadda. Waxa jirey bannaan baxyo ay haweenku ku dalbanayaa xuquuqaha ay ku doodeen inay ka maqan yihiin, sida waxbrashada, siyaassada iyo inay hesho xuquuqda uu leeyihiin ninku. Wixii intaa ka dambeeyay hanuunka waxa lagu arkayay badiba shaqooyinkii ay raggu qaban jireen. Waxa ay buux dhaafiyeen goobaha waxbrashada, shaqada iyo xafiisyada dawladda. Aragtiyaddan waxa ay meesha ka saaratay liidnimo kasta oo haweenka loo gaystay, tan iyo wakhtigaas haweenka waxay badaleen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, gudniinka khaldan iyo u doodista xuquuq kasta oo ay tirsanayeen.

4. Hanti Wadaagga Ama Shuuciyadda ( Communism 19th And 20th Century)

Hanti wadaaggu wuxuu ahaa mid ka mid aragtihii ugu saamaynta badanaa qarniyadii 19aad iyo 20aad. Aragtiyadan waxay wakhtigaa dunida u kala qaybiysay laba quwadood. Hantiwadaaggu waa nidaam ama aragti taas oo hantida ay wada leeyihiin dadwaynuhu ayna maamulayso dawladdu, aragtidan waxa qaatay wadamo badan oo ay soomaaliya ku jirto.  Islaam ahaan aragtiyadan waa mid khaldan maadama aanu qofku yeelan Karin hanti u gaar ah, aragtiyadan iyadoo wax badan laga badalay wakhtigan waxa isticmaala waddamo badan oo uu ugu horreeyo shiinuhu. Aragtiyadan may noqon mid sii waarta maadama ay hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha wadamo badan. Waxa ay soo af jarmatay markii midowgi soofiyeeti uu sida cawsha u kala yaacey.

5. Is Bahaysigii Waddamada ( League Of Nations ) (United Nations )

Ka dib dagaalkii koowaad ee dunida, madaxwaynihii maraykan ee wakhtigaas lana odhan jirey Woodrow Wilson ayaa waxa uu damcay inuu dejiyo nidaam cusub oo dunida ah ka dib aragtida League of Nation ayuu ku fikirey, aragtiyadan saamaynteedu waxa ay ku eekayd intii u dhaxaysay dagaalkii koowaad iyo kii labaad. Ujeedooyinka loo saameeyayna waxa kow ka ahaa xalllinta dhibaatooyinkii wakhtigaas dunida ka jirey oo ay ugu badnaayeen dhaqaale xumo iyo dagaalo dhiig badan ku daataye, aragtidan waxay burburtay markii uu qarxay dagaalkii 2aad ee dunida. Maadaama uu maraykanku saamayn ku lahaa dagaalkan.

6. Xuquuqda Aaadana ( Human rights 1948)

Dunida badankeeda waxay ahayd mid ka indho la’ arimaha la xidhiidha xuquuqda aadana, amaba waxay Ahaayeen kuwo aan fahansanayn xuquuqaha aas aasiga ee qofka bani aadamka ah uu leeyahay. Dagaalkii labaad ee dunida ka dib, qarama midoobey waxa ay soo saareen oo ay si wanagasan ugu guuleysteen arimaha la xidhiidha xuquuqda aadana, waxa lagu turjumay luuqado badan, waxaana sii hir galiyay haayada madaxa bannaan iyo kuwa qaramada midoobey. Xuquuqaha uu leeyahay qofka bani aadam ah waxa ka mid ah. Xaqqa ah inuu noolaado wallow islaamku uu qabo inuu qofku naftiisa ku waayo karo isagoo qof u dila si kas ah, xuquuqaha aadana ee aas aasiga ah wax aka mid: waxbrashada, caafimaadka, inuu qofku yeesho wax kasta oo isaga u gaar ah, xuquuqaha ay qaramada midoobey xustay wax ka mid in qofku uu xaq u leeyahay inuu diinta uu doono qaadan karo.

7. Midowga Yurub ( European Union)

Laga soo bilaabo dagaalkii labaad ee adddunka, guud ahaan wadama reer galbeedku waxa ay ku sugnaayeen xaalad dagaal iyo burbur baahsan oo ka dhashey masiibadii dagaalka. Wakhtigaas waxa jirey damac ah in la sameeyo bur bur kasoo kabasho. Sannadkii 1957 ayaa waxa la sameeyay gudida dhaqaalaha yurub (European Economic Community). Tan iyo wakhtigaa midowga yurub wuxuu ku talaabsadey horumar baladhan. Midowga urub waxa uu ka kooban yahay 28 waddan wallow uu dhawaan si toos ah uga baxay wadanka ingiriisku. Sida xusan jaamacadda carabta ayaa laga horsameeyay midowga yurub haddana saamayntooda siyaasadeen iyo dhaqaaleed ayaa ka awood badan kuwa carabta.

Dhammaan qodobada kor ku xusan waxa ay ahaayeen kuwo la xidhiidha dhanka siyaasadaa, BAL aynu hadda eegno dhanka sayniska. Aragtiha saynisku waa ay ka saamayn badnaayeen kuwa siyaassada maaadama uu saynisku aad ula falgalo qaab nololeedka bani aadamka saamayntiisuna ay fududdahay.

1. Tijaabada I tus oo I taabsii amma ( Scientific Method )

Xilligii kala guurka ama maanfurka ee ka dillaacey wadama reer galbeedka, waxa isa soo tarayay tijaabada sayniska waxaana batay goobaha shaybaadhada kala duwan, sida caafimaadka, hawada, kasmo nafeedda iyo kuwo kale oo badan. Guud ahaan adduunka wax aka shaqayn jirey aragtiha dhinaca diimaha u badan iyo khuraafaadyo sal iyo raad midna lahayn. Saynisku waxa ku dhisan yahay tijaabo iyo soo saarista natiijo lagu qanci karo ama aynu odhan karto waa I tus oo I taabsii. Sidoo kale saynisku waxa ku dhisan yahay dhisida waydiimo ka dibna jawaabo loo raadiyo (Hypothesis) kacaankii saynisku waxa uu dunida ka dhaliyay khal khal badan maxaa yeeley badiba kaniisadaha ayaa waydiimo badan ka keeney ama ku sheegay wax aan diin ahaan bananayn, waxaana xusan dhacdooyin badan oo dad badan lagu laayay maadama lagu eedeyay iney keeneen wax kitaabka ka baxsan. Meelaha dhibaatooyinka badan ka dhasheen wax aka mid ah aragtida ah dhulku waa uu wareegsan yahay ama wuu fidsan yahay ama dhulku wuu wareega ama ma wareego. Kacdoonkii saynisku waxa uu mid la mahadiyo. Waxa kor u qaadmay heerka caafimaadka, waxa la daahqaadey aragtiyo cusub oo adduun waynuhu ka faa’idaystay.

2. Wareegga meerayaasha ( Heliocentric)

Qarniyadii dhexe waxa la aaminsanaa in dhulku yahay badhtamaha meerayaasha. Aragtidan waxa lahaa Nin kasoo jeeda dalka hadda loo yaqaan boolaan magaciisuna ahaa (Nicolaus Copernicus 1543). Ninkan waxa uu adeegsan xisaab iyo aragtiyo cirbixineed si uu aragtidiisa dadka ugu qanciyo. Aragtidan waxa ay noqotay mid aad uga soo horjeesteen wadaadii kaniisaduhu sida la xuseyna niman badan oo aragtidan aaminey ayaa lagu diley. 60 sano ka dib waxa soo baxay faylasuufkii  (Galileo Galilee 1564-1642)  yahankii waxa uu qorey maqaal uu ku taageerayo aragtidan, ka diban waxa dhacday In isagii la xidho lana gubo buugiisii.  Aragtidan waxa ay fure u noqotay cilmiga xidigista iyo hawada sare. Sida aynu manta aynu markhaati ka nahayna wax badan ayaa hawada sare laga yahay waxaana la qorsheynayaa in sannadadda soo socda ay dadka qaarkood ay u guuraan meeraha mariikh ama maaris.

3. Cuf is jiidadka ( Gravity (1687)

Ninka caanka ee haysta saddexda darajo ee kala ah ( Xisaab yahay, fisigis yahay iyo saynis yahay ) (Sir Issac Newton (1643- 1726) waxa ayaa waxa uu joornaal ku daabacay maqaal magaciisu yahay Xeerka Socodka ( Law of Motion) aragtidan waxa ay mid noqotay aragtiyaha naadirka ee aan dood laga keenin taasoo si fudud loo aqabley. Newton wuxuu ahaa qofka qudha ee loo tiiriyo xisaabta iyo fiisigiska casrigan lbadii qarni ee ku xigey wakhtiga uu noolaa oo ah qarnigii 15aad.

4. Suuqqa Xorta ah ( Free market economics (1776)

Xilligii kacaankii warshada Nin la odhan jirey Adam Smith ayaa qorey maqaal uu ugu magac uga dhigey (Hodanka Waddamada (Wealthy of nations) taasoo sal u ah suuqqa iyo dhaqaalaha xorta ah, maqaalkaas waxa ku sugaan xeerar iyo qaacidooyin uu u dajiyay sidii loo heli suuq xor oo ay cid walba samaysan karto. Adam wuxuu ahaa Nin kasoo jeeda Ingiriiska gaar ahaan Scotland, saamayn sida u badan kumay yeelan dawladdu arrinkiisa wallow dawladdu ay qaadey talaabooyin ay ku xakamaynayso sidii aanay arrinkaas dhibaato uga iman. Dhanka kale ilaa wakhtigan Adam waxa loo tiiriya aas aasaha suuqa xorta.

5. Aragtida tadawurka ( Evolution (1859)

Badhtamihii qarnigii 19aad waxa aad loo aaminsanaa in kitaabka baybalku uu yahay hadalkii ilaahay, sidoo kale waxa la aaminsanaa in adduunyadu ay kaliya jirtay 6000 sano ilaahayna uu abuurey markaas bani aadamka kana abuurey Xaawa iyo Aadan. Haddaba Nin aad u caan oo la yidhaa Charles Darwin ayaa waxa uu keeney aragti faraha layskaga gubtay taasoo wax ka badashey wixii laga aaminsanaa halka uu bani aadamku kasoo jeedo. Daarwin waxa uu sheegay in dhammaan nooluhu uu soo maray is baddallo. Odeygan daarwin waxa uu ku guuleystay aragtida dhanka xayawaanka, waxaana la arkay xayawaanno dhawr ah oo isu EEG laakiin markii lagu arkay deegaanno kala duwan ay aad isu shabbahaan. Sayniska casriga ah waxa uu caddayn u heley in badiba noolaha uu soo maray is baddallo badan. Odeygan daarwin waxa uu xusey in bani aadamka uu kaoo jeedo xayawaanka daayeerka la yidhaa.

Aragtidan waxa ay dhalisey in dib loogu noqdo jidka bani aadamka, waxaana jira saynis yahanno kale oo badan oo aragtidan aad u dabbaqay, waxaana la xusaa Nin intuu wadanka koongo yimi ka dibna odey yaroo daayeerka shabbaha uu soo qaadey ka dib markii la baadhay la ogaadey inuu yahay bani aadam caadi laakiin uu ku dhacay xanuun sidaa ka dhigey. Si kastaba aragtidan waxay ay faa’ido u yeelatay culimada baadha noolayaasha ku nool bad iyo barriba.

6. Maqnaanta Maskaxda ( The unconsciou Mind )

Aragtidan maskaxda maqan waa mid ka mid ah aragtiyaha aadka saamaynta u yeeshey gaar ahaan dhanka culimada ku shaqo leh maskaxda iyo guud ahaan aqoon u lahaasha nafta iyo dabeecadaha aadanaha. Tusaale wanaagsan maxaa ku keenaya riyada? Maxay u dhacdaa in maskaxdeenu baxdo oo ay meel fog qabato? Caruurtu sidee ayay afka ku bartaan? Dhammaan waydiimahan iyo kuwo kale oo badan waxa is waydiiyayay aabaha cilmiga nafsiga casriga ah ee la yidhaadhho Sigmund Freud. Mudane sigman waxa uu bilaabey inuu aad u darso hab dhaqanka aadana ama kasmo nafeedda. Aragtidan waxa ay fududeysay in wajiga qofka laga akhristo xaaladda uu ku sugan yahay.

Guud ahaan aragtiyaha aynu kor kusoo xusnay waxa ay ahaayeen kuwo la xidhiidha sayniska, aratiyaha saynisku kuma koobna intan oo qudha, laakiin intaasi waxa ay ahaayeen aragtihii ugu saamaynta badnaa ama wax badan ka badalay nolosha bani aadamka. Bal aynu u jeedsanno dhankaa iyo tiknoolajiyadda.

1. Wax beerashada ( Farming )

Sida la aaminsan yahay wakhtiyadii hore dadku waxa ay ahaayeen kuwo ugaadhsada isla markaana qadhaabsada midha dhirta sida dabiiciga uga baxda dhulka. Wax aragti ah lagama haysan in wax la beerto. Sidoo kale dadku waxa ay ahaayeen kuwo aan ku sugnaan meel qudha oo waxa ay aadi jireen hadba meesha ay u arkaan inay ka helayaan waxa ay rabaan. Ma jirto taariikh cad oo laga hayyo sida wax beerashadu ay kusoo bilaabmatay. Hasa yeeshee waxbeerashadu waxa ay noqotay meelihii ugu horreeyay ee ay kasoo bilaabmatey ilbaxnimadu. Waxa uu noqdey kacdoon waxbeerasho waxa uuna marey marxalado badan. Cakaankii warshada ka dib waxa batay wax beerashada casriga ah maadama warshaduhu u baahan yihiin waxyaabo qaydhin si looga dhig shay sahlan in la isticmaalo.

2. Korontada ( Electricity (1832)

Qarnigii 19aad wuxuu ahaa mid dadaalo badan loogu jiro sidii loo horumarin lahaa gud ahaan dhinacyada kala duwan ee nolosha, waxaana ka mid ah in laga maarmo waxyaabahii iftiin ahaan loo isticmaali jirey, Nin lagu magacaabo Michael Faraday kaas oo sameeyay mashiinka dabka laga dhaliyo. Ka dib waxa isu dabo maray saynis yahanno kale oo uu ugu caaansan yahay Thomas Edison kaas oo isna sameeyay laanbadda aynu manta shidano. Intaa wax xigey in korontada looga faa’ideysto badiba aalaha sida teleshinnada iyo guud ahaan tiknooljiyada casriga ah.

3. Internetka ( World Wide Web)

Laga soo bilaabo sannadkii 1960 iyo wixii ka dambeeyay waxa aad loogu heelanaa sidii dhawr kombuuter laysugu xidhi lahaa si xogta loo wadaago, wax ay muddo jiitantaba Nin lagu magacaabo Tim Berners Lee ayaa waxa uu sameeyay Internetka sannadkii 1990 kii. Sannadaddii ku xigey nidaamkani waxa uu si xawli ah ugu faafay dunida. Waxa aanu fudeydiyay helidda xogta iyo raadinta aqoonta. Wakhtigan aynu joogno internetka waxa lagu daray baahiya lagama maar maanka ah. Goobaha wabrashada, dawladaha iyo ganacsadu wakhtigan ma shaqayn karaan internet la’aan. Sidoo kale wakhtigan internetka waxa loo isticmaalaa is gaadhsiin ahaan. Tusaale ahaan baraha bulshada waxa ay suuqa ka saaraya shirkada bixiya kaadhadhka moobilada la gashada taas oo macnahedu yahay haddi qofku doonayo inuu qof kale la xidhiidho inuu kaliya u baahay khad internet ah.

Qodobada kur ku xusan waxa ay ahaayeen kuwo la xidhiidha dhanka ticknoolajiyadda, akhristow BAL aynu isku dayno in aynu wax ka ogaano aragtihaha la xidhiidha dhanka diinta iyo rawxaaniydda. Maxaa yeeley waxa ugu badan ee ay dhammaan bulshooyinku ka siman yihiin dhanka diimaha, wakhtigan ma jirto bulsho bilaa dii naan ahayn iney shakhsiyaad bilaa diin ah. Raxa laysku raacay in diintu ay tahay qayb ka mid ah nolosha macnaheedu yahay waxa nolosha micnha u yeelayaa ay tahay diinta.

1. Maan-furka ( Enlightenment)

Maankurku waa laba dhinac midkood, mid waxa uu yahay kacdoon ka dhacay wadamada yurub kaas oo meesha lagaga saarayay guud ahaan diinta iyo kaniisadda, maan furka kale waa mid la xidhiidha dhanka inuu qofku erayada diiniga ah uu u badalo qaab ruux ah ama xikmad ahaan. Tusaale ahaan nin odhan jirey Buddha oo qayb ka mid ah hindudu ay aaminsan yihiin inuu ahaa nabi aya waxa uu leeyahay si qofku uga nasto nolosha dhibka badan inuu sameeyo cibaado uu u magac bixiyay yoga oo ah in qofku indhaha isku qabto isagoo cagihiisa laabaya, ka dib qofku waxa uu galayaa jawi kale oon ahayn kan uu ku jiro. Innaga islaam si aynu u helno xasillooni nafeed waxa aynu samaynaa in aynu wardinno sida aayaada odhanaysa (Miyaanay qalbiyadu ku xasilin xusidda ilaahay) sidoo kale salaaddu waa mid ka mid waxyaabaha laga helo xasilloonida nafta. Saas awgeed, maanfurka waa in waxa aynu aaminsannahay aynu ka dhiganno mid aynu ka helayno xasillooni nafeed.

2. Xeerka Dahabiga ah ( The Golden Rule)

Xeerkan loogu yeedheey xeerka dahabiga ah waa xeer ay dhaheen waa xeerka qudha ee ay ka siman yihiin dhammaan umaduhu xeeerkan wuxuu odhanayaa (U samee dadka wixii aad jeclaan lahayn in laguu sameeyo, amma ula dhaqan dadka sidii aan jeclaan lahayd in laguula dhaqmo.) haddii sidani dhici lahayd lama arkeen nacayb, is dhibaatayn, khiyaano iyo dhibaato kasta. Haddii ay dadku raaci lahaayeen qaanuunka dahabiga nolosha dadka iyo wada noolaashaha wax badan ayaa iska baddali lahaa. Xeerka dahabiga waa xeer ay ku baaqaan dhammaan diimaha kala duwani isagoo u dhigan qaabab kala duwan. Tusaale wanaagsan waxa jira xadiis nabiga SCW ka sugnaadey oo odhanaya (muslimku waa walaalka muslimka kale waxa xaaraan ka ah dhiigiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa) iyo axaadis kale oo badan iyo waliba aayado quraan ah.

3. Isu dulqaadashada Diimaha ( Religious Tolerance)

Umad kastaa waxa ay ku dooddaa in iyadu haysato diinta saxda ee muqaddaska ah, arrinkaasi waxa uu dhaliyay in uu dunida ka qarxiyay dagaal diimeedyo soo jireen ah. Dagaal miimeedyadu waxa ay ahaayen muwo soo jireen tan iyo bilowgii ambiyada. Si hadaba loo yareeyo dagaallada aya waxa la dhahay waa in lays aqbalo iyo qolo kasta loo daayo waxa ay aaminsan yihiin oo si nabaglayo leh loo wada noolaado. Maxaa yeeley qolana qolo kale Kama dhaadhicn karto diintayada ayaa sax ah. Sida dhaga heena karo wakhtigan wuu yaraadey dagaal diimeedku waxaana badalay dagaalo siyaasadeen iyo kuwo dhaqaale.

 

W/Q: Mukhtaar Axmed.