Siyaasiyiinta ilaa hadda shubay lacagta Musharaxnimo ee hoggaanka xisbiga Kulmiye ee la xaqiijiyay.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa bixiyay lacagta musharaxnimo ee guddoomiyaha Kulmiye.
Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa shubay Lacagta guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Kulmiye.
Axmed Cabdi Dheere, ayaa bixiyay lacagta jaga ย guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad waxa ilaa hadda lacagta shubay Xuseen Aadan Cadde.
Jagada guddoomiye ku-xigeenka Afraad ayaa waxa bixiyay lacagta Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, iyo weliba wasiirka ganacsiga Sacad Saajin.
Inta badan siyaasiyiintani waxa ay ku tartamayaan jagooyinkii ay hore xisbiga uga hayeen.