Argagixisadu ma muslimka ayuun bay gaar u tahay? (Is terrorism muslim monopoly?) (WQ: Xamse Maxamed Muuse)

Halkudhigga warbaahinta reer galbeedku waa,”All muslims are not terrorists, but all terrorists are muslims”,
“Muslimka oo dhanni ma aha argagixiso,laakiin argagixiso oo dhan ayaa muslimiin ah”.
Eraybixinada loola baxay muslimiinta ee lagu shaanbadeeyo waa seddex eray oo kale ah:
1.Asal-raac(fundamentalist)
2.argagixiso(terrorist)
3.xagjir(extremist) -iyaga ayaa xag fog jira sida Alle tilmaamay
“ۗ “وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَفِى شِقَاقٍ بَعِيدٍۢ”
Marka aynu eegno macnaha asalka ah ee kalmadda asal-raac tilmaamayso,waxa ay tahay qofka raaca,dabbaqa isla markaana raaca gundhigga majaalka uu asal-raace ku yahay.
Tusaale ahaan,qofku haddii uu rabo in uu noqdo saynisyahan,waa in uu raaco,dabbaqo isla markaana fahmo asaasiyaatka sayniska,illaa uu asal-raace ku noqdo xeerarka udub dhexaadka u ah sayniska,ma noqon karo saynisyahan,
Sidaa si la mid ah anigu waxa aan ahay asal-raace muslm ah, waanan ku faanayaa in aan ahay asal-raac, waayo waxa aan ogahay,raacaa isla jeerkaana ku dhaqmaa qodobada asaaska u ah diinta islaamka,waxa aan ogahay in hal qodob ama xeer diinta islaamka asaas u ah aanuu ka hor imanaynin ama weerar ku ahayn basharka guud ahaan.

Waxa warbaahinya galneedu ay ku canbaareeyaan muslmiku in uu yahay argagixiso,marka aynu dabagalno macnaha kalmaddan waxa aynu odhan karnaa argagixisadu waa cabsi galinta ama baqdin ku abuurka qof aan waxba galabsan.
Tusaale ahaan, askarigu haddii uu cabsi galiyo danbiila ama maxbuuska,askarigu waa argagixiso,waayo waxa uu cabsi galiyay danbiile.askarigaasi sow kuma amaanna in uu cabsigaliyay qofkaa bulshada dibindaabada ku haya ummada?
Halkan marka la marayo-in this context- muslimku waa in uu argagax galiyaa qofkasta uu bulshada ku noqda dhibwade ama tuke baar cad leh,kuwa haweenka kufsanaya amrka ay arkaan muslim waa in ay argagaxaan,cabsadaan oo ka waantoobaan halista ay daaqayaan,budhacadda iyo tuugtu waa in ay gilgishaan oo baqaan,waayo bulshada ayay ku yihiin dhibwadayaal.sidaa waxa ina faraysa aayadda 60 aad ee suuratul anfaal.
“وَأَعِدُّوا لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَآخَرِينَ مِن دُونِهِمْ لَا تَعْلَمُونَهُمُ اللَّهُ يَعْلَمُهُمْ”
” u diyaarsada kuwa gaaloobay wixii aad awoodaan ee ah awood iyo hub ama fardo aad ku dagaal tagtaan,idinka oo ku cabsigalinaya cadowga Ilaahay iyo cadowgiina iyo kuwo kale oo kuwaa ka sokeeya oo aydaan idinku ogayn se’ Alle ogsoon yahay”.
Marka ay timaado qof aan waxba galabsan in la cabsi galiyo,diinta Islaamku meel adag ayaa ay iska taagtay waana ay mamnuucday,Alle waxa uu kala mid dhigay qofka qof dila aan waxba galabsan in uu ka dhigan yahay mid uunka oo dhan qudha ka jaray,ka badbaadiha hal nafna waxa lagala mid dhigay sidii qof badbaadiyay banii’aadamka oo dhan.
“مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا”
Erayga u danbeeyaa waa xagjir,muslimku xag ayuu jiraa,xagga sanna waa uu jiraa,muslimiinta xagga kalgacalka,naxariista,run-sheegnimada iyo daacadnimda ayaa ay jiraan,waxa aan leeyahay markaa I am extremely honest,I am extremely merciful,I am extremely truthful.
Illaa xaad ayaan daacad ahay,Illaa xad ayaan naxariis badanahay,Illaa xad ayaan run badanahay.
Dr zakir naik