Araggii waxa uu u guurey dalqada oo noqotay indhaha ay wax ku arkaan. Maankii iyo maskaxdiina waxa ay degeen caloosha oo noqotay halka ay ka fekeraan.
Xukuumad kasta injirtaasi waa ay ku jirtaa oo waa ay gashaa, maantana dhibka ugu weyn ee dawladnimadeenna hunjaalliga ku hayaa waxa ka mid ah injirtaasi.
Dawladnimadii waxa ay noqotay mashruuc kolba koox iyo qolo ku danaystaan, una adeegsadaan injirtaas.
Injirtu waa kooxo u fekera sidii ay xukuumad kasta noloshooda oo qudha uga heli lahaayeen.
Iyaga waxba kama gelin, dan iyo muraadna kama laha hanaqaad dawladeed iyo maamul toosa in uu yimaaddo mar haddii ay helayaan nolol maalmeedkooda afka iyo gacanta u dhexeeya.
Mar kasta waa in ay sacabbada tumaan oo inoo buunbuuniyaan ololayaasha dacaayadeed ee xukuumadda oo keli ah. Hawshoodu waa intaas. Taageero waalli ah oo indho la’aan ah.
Haddii xukuumaddu cid maagto waa ay la maagaan, haddii ay isla ciddaas berrito amaantana waa ay la amaanaan.
Haddii ay xukuumaddu cid maanta habaarto waa ay la haaraamaan, haddii ay isla ciddaas berrito u ducaysana sacabbaday kor ula qaadaan oo aamiintay dheguhu dillaacaan.
Xaalkoodu waa “ku shubo inta aad ku hadlayso”. Waa sidii aalad la adeegsanayo oo kale. Dadnimo oo dhami agtooda waa ay ka salguurtey.
Injirta xukuumadaha gashaa waa dulin deris-ku-nool ah. Waa macaan-jecel aan waxna doonin, waxna diidin, dareenkooduna waa damqashada caloosha, araggooduna waa dalqada.
Bes waa in ay sandareertadaas si kasta oo ay ku helayaan ku kasbadaan. Qancinta calooshooda oo qudha ayay u nool yihiin.
Injirtani waxa ay gashaa madaxa sare ee madaxtooyada. Halkaas bay ku ururtaa, kuna tarantaa oo isku dhashaa.
Aakhirka waxa ay yeelataa oo xarun ka dhigataa madaxa sare, waxanu aqbalaa daacadnimadooda, waxanu qaataa wixii ay yidhaahdaan runtooda yar iyo beentooda badan labadaba.
Waxba injirtu kuma biiriso madaxa ay gasho ee maskaxda uun bay ka cuntaa.
Aragti waxtar leh ma abuuri karaan, talo wax-ku-ool ah ma hidin karaan, aqoon tanaad lehna kuma biirin karaan, isaga uun (madaxa) ayay dawakhiyaan oo dadka oo dhan cadow uga dhigaan, isna uu run moodaa.
Waa se run oo hoggaamiye kastaa waxa garashadiisa siyaasadeed iyo aqoontiisa qofnimo laga dheehdaa dadka ku xeeran ee hareerihiisa tuban ee rakaabka u ah sida kuwa la taliya iyo kuwa gacan-yarayaasha u ah.
Marka dadkiisu (inta ka ag dhowi) injir dawladnimada gasha noqdaan waxa kharribma wax walba. Waxa dhinta hanka, waxa la la colloobaa garaaadka iyo caqliga toosan, aqoontana waa la tuuraa oo mugdi baa la geliyaa, waxna shaqeeya aqoon-darrada oo keli ah.
Taasi waxa ay keentaa in maamulkii dawladnimo oo dhami caddilmo oo muqloobo, dalanbaabi socodna uu ku dhaco, xaalkuna ku soo ururo “dab cunsii dab kale”.
Waa taas ta keenaysa hoggaamintii dalku in ay jahawareerto oo himilo la’aan mudato. Maanta ayay injirtu ugu badan tahay, madaxtooyaduna ugu nugushahay.
Dhafoorrada ayay injirtu dareeraysaa, Qindhicil cusubina kood kastuu ka dhalaalayaa.
Laba isir oo waaweyn bay taasi dhishey. Ta hore waxa lumay kalsoonidii bulshada dhexdeedu isku qabi lahayd iyo ta labaad oo ah in laga ilbaxo oo la aamini waayo sharcigii iyo awooddii dawladnimo.
Waa aanay caddahay in aanay sidan dawladnimo ku sii jiri karin. Haddii aan sidaas wax laga beddelin dawladnimadu waa ay galab dhaqaaqaysaa sida geelu uga sibir dhaqaaqo meesha abaarta ama shilingabaarreyda iyo dulinku ku badan yihiin.
“Injirta xukuumadda gasha”, waxa aan erey-bixintaas ka qoray xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte).