Arrimaha Bulshada: Waan ku furee ha ku qabo Face Book-gu (WQ: Axmed Cabdiraxmaan Axmed “Original”)

Xamda waxay ahayd gabadh dhaLlinyaro ah da’deedu ku dhawayd 23 jir aad u istcimaasha Facebook-ga waxay leedahay asxaab aad u badan sawirada ay soo dhigto daqiiqado gudaheed ayaa waxa like-gareeya saaxiibo gaadhaya 500, comments-kuna tiro ma leh.

Waxay xidhiidh la lahayd wiilal badan oo asxaabteeda ka mida waayo hore ayaa loo yidhi dumarku 1000 ayay shiriyaan kowna way kala baxaan qaar ay jaceyl dhaba u qaaday iyo kuwo ay saaxiibo kula socotayba, waxba hadal ayaan kugu daaline waxay inantani jecleyd in ay mar uun hesho qof ay nolol farxad leh la wadaagto, waxay isbarteen wiil ka yimi dalka Maraykanka oo hanti leh lana yidhaa Mustafe.

Mustafe wuxu go’aan ku gaadhay in uu gursado Xamda kadib waa la isla qaatay habeenkii arooska Xamda aad u faraxsan ayaa soo gashay qolka qurxinta ee dumarka ama koofeerka hadba qof siduu u yaqaan dumarka joogay qolka qurxinta waxay kari waayeen in ay u dhisaan timaha una qurxiyaan wajiga Xamda sababtoo ah waxay ku mashquulsaneed Facebook-ga in ay eegto kolba inta qof ee arooskeed comment ka bixisay una jawaabto iyadoo xaaladaa ku sugan ayaa la gaadhay goortii la tagi lahaa hudheelka arooska.

Xamda oo aad ufarxsan ayaa xaajigeeda cusub la soo raacday gaadhiga arooska iyo aroosada loo diyaariyey muddo yar kadib ayaa waxa soo dhacay comment markay eegtay waxaabay aragay comment uu soo qoray wiil ay jaceyl dheer wada wadaageen kaasi uu udhignaa sidan:

“Halkaad iga jirtaabaa waranka iiga soo dhacay, dhaqdhaqaaqa xoogiyo dhiigaa I qulqulayee miyaad hamigaaga beenta ah halaan hal kusii wadaa hadh-qodaal aan ku hayn ma inaad hadhsataad rabtaa, ma ilaawi doono sida aad qalbiga iiga jabisay intaan noolahay.”

Ereyadaas waxay ku dhaliyeen Xamda war-war iyo walaac aan hore u hayn waxay ilawday in ay aroosada tahay oo loo baahan yahay in ay faraxdo. Waxaa dareemay odaygeeda cusub xaalada ay kusugan tahay dhawr jeerna wuxu arkay iyadoo ku mashquulsan telefoonka gacanta.

Waxaa la gaadhay xiligii la gali lahaa hudheelka arooska Xamda, war mahayso waaba ilawsan tahay in ay aroosad tahay, waxay ku mashquulsan tahay commnents asxaabtu ka bixinayaan arooskeeda mid caaya iyo mid amaana labadaba, kolba heer ayuu marayaa shucuurteedu hase yeeshee hadda waba isku darsantay sababtoo ah waxay xasuusatay jacaylkii ay waqtiga dheer wiilkaa la wadaagtay iyo halkay kaga dhaqaaqday, waxay dib u eegtay ereyada uu ku soo xardhay goobta arooskeeda lagaga hadlayo runtii Mustafe oo gacanta jiidaya ayaa u jiiday dhinaca hoolka arooska dadka oo dhan way yaaban yihiin sababta ay la murugaysan tahay Xamda sababtoo ah ma oga in ay tahya qof uu qaatay Facebook-gu.

Inyar markii lagu jiray xaflada ayaa markaliya Xamda ku warheshay iyadoo loo yeedhayo si ay u jaraan keega arooska nasiib daro Xamda ma awoodo in ay jarto keega waayo wali waxay ku mashquulsan tahay Facebook-ga iyo comments ka dadka ay asxaabta yihiin.

Arooskii wuxuu ku dhamaaday si aan cidiba garan oo geeri u eeg guriga markay tageen Mustafe ayaa intuu telefoonka ka qaaday oo gidaarka ku dhuftay ku tiraabay:

“Waan ku furee ha ku qabo Facebook-gu.”

Sheekadan waxay uga digaysaa dumarka in aanay ku mashquulin waqtigoodana u hibayn Facebook-ga.

Xigasho buuga dhibaatada Facebook-gu ku hayo bulshada