Sucuudiga iyo Iiraan oo ku heshiin waayey wada-hadal ku saabsan gudashada Xajka

 

Xidhiidhkii awalba sii xumaanayey ee Sucuudiga iyo Iiraan wuxu sii xumaaday kadib markii tiro badan oo Eeraaniyiin ahi ku geeriyoodeen Xajkii sannadkii hore is cidhiidhi ay sameeyeen xujaajta iyo wiish ku  soo dumay darteed.

Xukuumadda Eeraan ayaa Sucuudiga ku eedaysay in uu dayacay amniga Xajka sidoo kale waxay muwaadiniinteeda ka joojisay in ay xajka gutaan. Ismari-waagaas kadib waxa bilaabmay wada-hadallo lagu gorfaynayo sidii arrintan xal loogu heli lahaa.

Jimcihii shalay ayaa Sucuudigu ku eedeeyey Iiraan in ay miiskii wada-hadalka ka baxday iyadoo ay xukuumadda Sucuudigu keentay xalal ku saabsan dalabaadkii ay la timid Iiraan.

“Aakhiro dambigaa waxa lagu leeyahay xukuumadda Eereen mar haddii ay xujaajteedii u diidday in ay gutaan waajibaadkooda” ayuu yidhi Wasiirka Xajka ee Sucuudigu.

Madaxa xafiiska abaabulka Xajka ee Iiraan Saeed Ohadi ayaa isaguna Jimcihii sheegay in kala qayb-sanaan dhex taal madaxda Sucuudigu ay sabab u tahay dib-u-dhaca heshiiskii ay kala saxeexan lahaayeen labada dhinac, sidaas daraadeedna aanay suuro-gal ahayn in xujaaj Iiraaniyiin ahi ay xajkooda gutaan ilaa la hubinayo amnigooda.

Bandhige@gmail.com