Arrinta Falasdiin iyo Loolanka aloosan: Heshiiska Qarniga Q.2aad (WT: Hamze Mohamed Muse)

Qaddiyadda Falasdiin ma la is odhan karaa waxay u eeg tahay Gumaysigii taariikhda lagu yaqaannay muuqaal ahaan? Waxa jira ‘Gumayste’ iyo ‘la-gumayste’, loollanku marka uu yahay sida aynnu taariikhda ku naqaannay waa in la xorreeyo dhul leh soohdin la yaqaan, Gumaystuhuna waa uu ka bixi jiray, se qaddiyadda Falasdiin waa ka geddisan tahay taas; Waayo? Gumaystaha qabsaday waa mid u yimid si uu waligiiba u joogo, mana noqonayo; sababtu waa in uu aamminsan yahayba in uu soo noqday, waxaanu u sawiraa qof maqnaa oo soo laabtay uun, se aanu ahayn Gumayste si uu u baxo.

Loollanka jaadkan ahi ma aha mid caadi ah, waa hirdan ka dhex oogan laba qof; mid aamminsan in uu dhulkan ab iyo isir ba u leeyahay iyo mid aamminsan in jiritaankiisu ku xidhan yahay kala-daadinta dhismaha fikir, dhaqan, taariikh iyo qofnnimo ee shacab dhani leeyahay, hadday tahay mid hadda jira iyo mid mustaqbal ba. waxa ay u darban yihiin doorinta baadi-soocda goobta iyo samaynta taariikh cusub.

Qaddiyadda reer Falasdiin ma aha mid caadi ah, waa qaddiyad yaab badan, waayo? Mashruuc amakaag iyo anfariir ah bay wajahaysaa, waa shacab aan la mid ahayn shucuubta kale, gobolka uu ku nool yahay darteed, waxa ay dhex deggan yihiin gobol aan u hiilinayn arrimahooga xaqa ku qotoma, sidaasi darteed baa uu u curiyaa habab wax-iska-caabin ah oo muuqaalo cusub leh.

Mashruuc ayaa ka dambeeya ‘Heshiiska Qarniga’, waana mashruuc lagu doorinayo caqliyadda basharka, uguna horrayso caqliyadda Carbeed iyo ta Muslimkaba si ay u aqbalaan waxan waaqaca ka socda, sidaasi darteed baa aynnu u aragnaa nuqullo iyo Kutub cusub oo la daabacay oo macno cusub u yeelaya erayada Qur’aanka.

Madbacadda Madiina ee kutubta Qur’aanka ayaa ku suuraysa Baytul Maqdis ‘Macbadka Nabi Sulaymaan’, waxa ay taageeraan in qofkii Nabi Ibraahim gowraca u diyaariyay Isxaaq uu ahaa ee aanu ahayn Ismaaciil; waa mashruuc lagu abuurayo qof ka tanaasula arrimo lamataabtaan ah, isla jeerkaana daba-gucleeya dhalanteedka. Mashruucan ayaa ka halis badan Mashruuca ‘Heshiiska Qarniga’, Waayo? Mashruuca hore waxa uu bar-tilmaamaysanayaa Caqliga, halka ka dambe siyaasad beegsanayo.

Ummadda aan fikir ahaan dumin, ilbaxnnimadooduna ma dunto. Dhiilladu ma aha jabka kaa raaca goob dagaal, se waa in guul-darro kaa raacdo fagaarayaasha fikirka.

Dadka wax baadhaa waxay baadheen waxa ummadaha u yeela tamar iyo awood, deeto waxa ay ogaadeen in Hiddaha iyo dhaqanka la dhaxlaa ( تراث) tahay waxa ummadi ku tamariso, sidaasi darteed baa aynnu u aragnaa dagaal aan loo meel-dayin oo lagu qaadayo hiddaha ummadeed, sidii oo uu hidduhu dhammaantii yahay caqabad ummaddaha dabraysa iyo kurtin ku yaala hilinka ay horumarka u mari lahayd, taasina sax ama aha.

Waxaanu u falanqaynaa hiddaha si cilmiyaysan, se ma taageersanin in gabi ahaanba la qubo lagana gudbo, waayo? Hidduhu waa kayd ummadeed, waxaa ku jira kaydkaas: siyaasadihii Cumar Bin Khaddaab,
Haaruun Al-Rashiid, Salaax Al-diin Al-Ayuubi, Sayfuddiin Qids, Cusmaan Bin Ardaqral iyo Cumar Al-Mukhtaar, sidaasi darteed ayaa ay dagaal-oogayaashu uga dhex arkaan hiddahaa dhaqan wax-iska-caabiya, markaasay si joogto ah u qorsheeyaan Farsamo loo adeegsado in tashuush lagu furo hiddahaas, taana waxay u maraan iyaga oo adeegsanaya cinwaanno ashqaraar leh sida ‘ Cusboonaysiinta iyo Horumarinta, mana keenaan dhaqan horseeda gorfayn cilmiyaysan. Ummaddii ilaashata hiddaheedu waa umad nool oo jirta, ummaddii wayda hiddana waa ay duntaa, maalintaas ayaana si fudud loo khaarijiyaa.

Qaddiyadda Falasdiin waa mid udub-dhexaad u ah shucuubta Carbeed iyo kuwa Muslimka ah ba, guusha laga gaadho arrinta Falasdiin, waa libin u soo hoyatay Carab iyo Muslimiin; guul-darrada laga dhaxalaana waa mid u soo hoyatay idil ahaantood, halkaas marka aynnu marayno waa in aynnu si qotodheer u fahanno hirdankan socda, ma aha loolan la xidhiidha soohdin ama dan.

Taraamka ganacasadaha iyo Siyaasiga ahi ma awoodo in uu suu doono ka yeelo hirdankan, waayo? loolanku waa ka ballaadhan yahay inta uu moodayo Taraam, taasina waa waxa ay ka digeen siyaasiinta Maraykanku.

Shacabka reer Falasdiin kama baayac-mushtarayo qadiyaddiisa, sidaasi darteed ayaa uu Maxamuud Cabbaas si qayaxan ugu diiday arrintan, isaga oo ka mid ah garabka nabadda iyo xasiloonida taageera ayaa uu gaashaanka u daruuray; Nacas ma aha, diyaarna uma aha in uu isku qudh-gooyo middida uu Taraam daabkeeda hayo, diyaarna uma aha in uu shacabkiisa gowraco isaga oo waxba aan dhaafsanayn.

Ururrada wax-iska-caabbintu waa ay ku gacan-saydheen ‘Heshiiska Qarniga’, waayo? Kuma dhisna afkaar siyaasadeed e’ waxa ay ku qotontaa sees ganacsi, sidaasi darteed baa shacabka reer Falasdiin u muujiyeen in arrintoodu aanay ahayn goob ganacsi laga raadiyo, waxa ay tilmaameen in Falisdiin tahay jiritaan ummadeed, taaariikh, dhul, qof iyo lamataabtaanno ( مقدسات ), mana aha dhagxaan iyo togog gaya iib hafto ah. Hantidu waa ay baaba’ daa se dhulku ma baaba’o, awooduhu waa ay wiiqmaan se Muqaddasaatku ma dumi karaan, Xukuumaduhu way burburaan se qofku waxa uu ku negaadaa dhulkiisa, taariikhdiisa iyo Muqaddasaatkiisa.

Maanta waxa aynnu nool nahay wakhti aynnu wajahaynno xaalad adag, se ummadaha nooli waxa ay ka horgeeyaan Nasiibkooda waxa Alle u qoray ( Shirqool bay maleegayaan, Allena waa dhagrayaa), aayaad: Suuratu Al-anfaal.
Si fudud ha isku dhiibin, sababtoo ah taariikhdu ma dhammaato, taariikhdu waa mid socota oon istaagayn, maalmuhuna waa meerto ( Maalmaha meerto ayaanu dadka dhexdooda uga dhignay) Aayad: Aala Cimraan.
Dhib kasta dheef baa xigi, belaayo kastana barkhad baa xigi.

Maanta, iyo cabsidii hadhaysay Masar, Sheekha Az’har ayaa sidii lagu yaqaanay Culimada Az’har difaacay waxyaabaha dhowran ee ummaddani leedahay, isaga oo sheegay in uu wax kasta la diyaar yahay, maaddama oo uu jiro shirqool heer caalami ah, mid gobol iyo mid

gudeed ba leh, se shirqoolka Ilaahay ayaa ka weyn mid kasta ( dhagar bay maleegayaan, anna waan dhagrayaa), Suuratu Al-Daariq.

Dhammaad.

W/Q: Cabdiraxmaan Bashiir( Af-Carabi)
W/T: Hamze Mohamed Muse