Caafimaadka indhaha iyo arraga Qaybta kowaad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Inta badan dhibaatada caafimaad darro ee indhaha ku dhacaa waxa ay ku bilaabataa xaalad fudud, oo laga yaabo in si dhaqso ah loo daweyn karo. Haddii waqtiga ku habboon iyo dhakhtarka saxda ah lala helo. Waxaa ka mid ah xasaasiyadda indhaha iyo indho engagga. Laakiin waxaa jira xaaladaha qaar calaamad u ah in indhaha uu hayo xanuun khatar ahi, haddii aan bilowga la daweyna laga yaabo in ay dhibtiisu sii adkaato, waxaa ka mid ah:

DHAGAX ISHA KAAGA JIRA

Marmar waxaa dhacda indhaha oo aan dhib hore qabin in qofku uu dareemo in isha uu dhagax ama ciid yari ka gashay. Xaaladdan oo kale, gaar ahaan marka la hubiyo in dhagax aanu isha ku jirin ee ay is moodsiis ahayd/ waa calaamad lagu garto in indhuhu ay engageen, ama biyaha ay u baahnaayeen aanay helayn.

Stephanie Mariono oo shahaadada Doctorate ku haysa cilmiga caafimaadka, ayaa sheegtay in dareenka noocan ahi uu inta badan ku lammaan yahay calaamado kale. Tusaale ahaan waxa uu qofku dareemaa in isha ay wax ka mudayaan, in ilaysku uu dhibayo iyo in indhuhu ay ilmeeyaan.

Haddii aad tahay dadka waqtiga badan ku qaata eegista muraayadda Komhbiyuutarka, haddii socodkaaga gaadhi wadista ee safarrada ahi uu badan yahay ama akhriskaagu uu aad u badan yahay. Waxaa hubaal ah in indhuhu ay marar badan engag dareemi doonaan, taas oo ugu dambaynta noqonaysa xanuun ay tahay in aad la noolaato.

Dr. Stephanie dadka shaqadoodu sidan tahay waxa ay kula talinaysaa in ay joogteeyaan la socoshada dhakhtarka indhaha, si ay dawada ku habboon u helaan inta aanu xaalku xumaan.

ILAYS IYO WALXO SABBAYNAYA

Waxaa dhacda in dadka qaar ay arkaan baro yaryar oo midabkoodu caddaan yahay oo araggooda hor sabbaynaya. Dr. Stephanie waxa ay sheegaysaa barahaas lagu magacaabo, ‘Sabbeeyeyaasha isha’ inta badanna ay qarsoomaan marka uu qofku doono in uu u fiirsado.

Dr. Matthew Gorski ayaa sheegay in caadi ahaan ay ‘sabeeyeyaasha ishu’ yihiin arrin caadi ahaan ay arkaan dadka da’da weyni. Laakiin haddii arrintani ay yaraan ku timaaddo ama kediso noqoto ama uu qofku haba weynaado ee dareemo isbeddel ku jira sabbeeyeyaasha qaabkii uu uga bartay, ama uu arko ilays sida hillaaca indhihiisa marmar hor maraya oo aan run ahayn iyo haddii uu hadh ama dahaadh boodhe ah ka sokeeyo aragtida waxa ku xeeran. Dhammaan arrimahaasi waa calaamado muujin kara in ay jirto cillad dhinaca shabakadda aragga ah, gaar ahaan kala fuq ku yimi ama dilaac.

Shabakadda ishu waa dabaqad nudo isu tegey ah oo ku jira qaybta dambe ee isha, kuwaas oo qabta seenyaaleyaasha ilayska ee aragga keenaya. Waxaa xusidu mudan qofku marka uu da’ ahaan weynaado ama nabar isha kaga dhaco in ay shabakadda araggu ka durugto isha inteeda dambe, taas oo haddii aan dhaqso loo daweyn keenta in aragga oo dhamiba tago.

 

LA SOCO…