Asma Cabdi laga yaabo inaad garanayso balse isku Asma uma jeedno sababta oo ah Asma-dan magaceeda aniga ka hor looguma yeedhin oo hadda ayuu baan jeclaystay inaan u bixiyo madaama ay tahay marxuumad dhimatay waxaanan ka bedelay magacii ay bixisay Ayeydeed casarkii ay soo macasalaamay uurka Hooyadeed oo waatii ayeydeed si farxad leh iyada oo afka gacanta saaraysa oo dadka la jooga ka qarinaysa Ilkaheedii sare ee ka maqnaa waa tii ku dhawaaqaday mushxarad kadib:
“Wallee tani waa Heblaayo waa heblaayo wili-law wili-law.”
Asma iyada oo diiran ayaa dunida lagu soo dhaweeyey Ayeeyo-se wali afkii gacanta kamay qaadin umana muuqato inay ka qaadayso ilaa ay farxad beerkeeda qaybta hoose ka soo bilaabmatay ay ka soo dhammaanayso .
Isla markiiba waxa loolan loo galay qofkii Asma gacantiisa ku soo dhaweyn lahaa uma malaynayo Ayeeyo cid xaq uga hel inay jirto nasiib darrose waatan wali gacmaheedii mid afka waardiye uga dhigatay Asmana uma qalanto in hal gacan lagu soo dhaweeyo si ay noqotayba Aamina-sahra oo ah gabadhii jaarka ayaa la arkay iyada oo Asma haysa oo waliba sidii ay fahmayso u sheekaysanaysa cid ka xumaatayse ma jirto oo dhammaantood dadkani waxay u diyaarsan yihin soo galbinta Asma oo safarkeedii ugu horeeyey dhulka ku soo caga dhigatay . Allaw qof aan waxba ogayn ha cadaabin adaa caadilee.
Asma shan sanno oo ay hadda jirto wali may arkin soo dhaweyn la mid ah tii ay lagu qaabilay casarkii maalinkii boqranaa waxayna is weydiisaa tollow haddii aad tidhahado dib ayaan u laabalanayaaye xaflad sagootin ah oo tii oo kale ma laguu qabanayaa waxay weyday qof is weydiiyaba waxay ku aragtay safarkeedan dunida iyo inay ku qanacsantahay iyo in kale, marka dhinac laga fiiriyo lagama qaldana oo wali iyaduba may maqlin qof la weydiiyey inuu sii joogi karo adduunka iyo in loo qabto xaflad nabadgalyeyn ah haddana naftii wax tabaysaa way dooran lahayd.
Asma wali may arkin ilmo dhabta lagu hayo ama mid ku jira hooy xanaano ka muuqato oo afarta dhinac ee xaafadaba waxa ka xiga buulal/cooshado qofka gudaha ku jira iyo ka dibada ka joogaba ay isku si u muuqdaan , aroorta hore waxay toostaa ubadkii oo dibadda ka fadhiya buulka sidaasi ayeyna fiidkii u aragtaa iyagoo wali halkii fadhiya, waxay isweydiisaa dunida ma caddaalad darro ayaa ka jirta waa maxay sidani , dadkani goormee dambi galeen waa maxay cigaaqbtani, iyada oo aanay wali jawaab u helin ayey iyadii hadana aragtaa siday u nooshahay markaasi ayey hadana isku qancisaa inayna aragba nolol ka duwan teeda qof ku nool oo waxayba u malaysaa nolosha adduun inay sidan tahay.
Hooyadeed waa tii bishii labaad ee dhalaashadeedaba dhabarka ka jabtay walina may kicin laga yaabo haddii ay baxnaano caafimaad heli lahayd inay bugsan lahayd balse maba jirto cid danaysay , haba la daneeyee tollow yaa loo sheegi lahaa oo wax soo tari kara ?
Aabaheed waxuu ahaa mid ayaan-darran oo boqoradan isagu nasiib umuu helin inuu indhihiisa saaro oo waa kii bilawga xagaagii ay dhalanaysay lagu dilay deegaankii ay labada beelood isku dileen laba sanno ka hor isagu qori muu sidanin balse madaama ay isku qolo ahaayeen ninkii wax laayey waa tii isaga looga aaray oo wali xaga Alle ayuu dhibane xukun caddaaladeed sugaaya u yahay.
Asma hadda maba yara da’ahaan oo maalin waxay arkaysay gabadh lagu yidhi marbaad wada dhalateen oo wiil la ballansan ku darso habeen kalena waxaaba meel uga sii muuqday iyada oo wiil surwaal iyo kaba cad xidhani uu gacanta sii haysto iyaduna ay gacanta dhexda ku haysato , habeenkaas Asma ma sugaynin cid u soo haasaawe-gudda oo waligeedba laguma odhan xataa inantaay iska waran sababtuna wax kale maahee waayaha adduunka ayaa ka qadiyey dhammaan tilmaamihii wiil uu gabadh gayaankiisa ah uu ku calman lahaa .
Ayeeyo ayaa sannado badan ka dib gurigii soo booqatay mar ay magaalada safar ku timi Asma ayaa u waayo warrantay inkasta oo war dhafoor uu ku yaallo, Asma inkasta oo ay ka kortay da’dii ilmuhu inta uu waalidka faraqa qabsado uu ku ooyi lahaa hadana Asma markay fallanqaysay waayaheeda rajo wanaag waxay u aragtay inay ayeeyo iska raacdo oo ay Baadiye dib ugu dhalato, raacday oo adhigii loo dir.
Garanmaayo ma iyada ayaa cawo-darran ah oo ay wax la socdaan mise waqtiga ayaa sideeda u neceb , isla dayrtii ku xigtayba waxa dhacday abaar ba’an oo xoolihii waxa laga waayey xataa wax shaah lagu caddaysto , iyada/Asma waxa isku awood noqday riyihii qaar kuwa iyada ayeyba ka itaal roonyihiin , iyada oo wali xaalku sidii yahay waxa deegaanka soo martay Islaan waayeel ah oo qalabaysan oo ku takhasustay gudniinka gabdhaha yar-yar iyo waliba ka adkaynta in raggu faro saari karo , markay doontana joojinta kaadidaba , Asma waxay ka mid ahayd gabdhihii ugu horeeyey ee qalliinkaasi lagu fuliyey waxayna xaajiyadu kaxaysatay Ri’ ay caano yar ka heli jirtay Asma oo ajuuro ayaa loo siiyey.
Asma taag darnaanteedii hore waxa ugu biiray xanuun ka soo food saaray xubintii taranka oo si aan rajo laga qabin loo mud-muday loona farsameeyey yeelkeed faceed ayey la qabtaa.
Asma hooyadeed wali waxay la kici la’dahay nabarkii dhabarka ee soo gaadhay , way jiiftaa inanyar oo ay habaryar u tahay ayaa gurigii magaalada ugu wehel yeela.
Asma ayaa ku fikirtay inaanay sii wadi Karin nolosha miyiga madaama ay u muuqato jid dhammaadkiisu mustaqbal la’aan yahay , waxay u sheegtay Ayeeyo inay magaaladii ku laabanayso , Ayeeyo hadda baahi badan ayey u qabtaa Asma la joogeeda , sababta oo ah waa da’a oo habeen waxayba dhulka ka qaadatay Mas iyada oo moodaysa Ul ay rabtay inay riyo dibada u soo baxay xerada dib ugu celiso oo indhihii ayaaba araga sii luminaaya , balse Asma way ku qancisay Ayeeyo inay magaalada u soo wareegto.
Timi waxaana nooliga/lacagta baabuurka laga soo bixiyey orgi/orgac loogu qaatay intii Adhiga socota .
Markii ay magaalada joogtay maalmo gabadh ay ehel yihiin ayaa Asma ku dhiirigelisay inay shaqo raadsi samayso , Asma xaaladeeda way qirsantahay inay wax ka bedel u baahantahay balse waxay ka shaqayn karto ma garanayso sababta oo ah waxna may baranin magaaladana kuma dhex ilbaxin , way fikirtay maalmo ka dib waxay isku qancisay inay noqon karto
u -adeegto reer/Jaariyad waxayna maalin goor duhur ah u soo baxday dhanka magaalada iyada oo hadba xaafad intay hor istaagto oo ay al-baabka ku garaacdo ku dhahaysa ma idin shaqayn karaa, gabadh shaqaale ah ma u baahantihiin?.
Dhawr reer oo ay guri hor istaagtay iyada oo aan la hadal ayey ku amreen dadkii guriga lahaa inay ka hor dhaqaaqdo iyaduse wali yoolkeedii ma gaadhin goor casarkii ah ayaa guri ay garaacday waxa soo ka furtay haweenay , markii la is xaal waraystay ayey u sheegtay inay shaqaale ahaan u qaadan doonaan waxayna ka wada hadleen shaqada ay qaban doonto iyo qiimaha ay ku qaadan doonto.
Asma iyadu diidmo ma leh halkiibaana ay shaqadii ku bilawday inkasta oo hadba canaan iyo miyaanad caafimaad qabin sidee wax kaa yihiin ? lagu celcelinaayo kolba markuu weel ka dhaco ama iyada oo wax loo tilaamayo ay wax kale soo qaado madaama ay tahay shaqadii ugu horaysay ee ay qabatay . hadana danteeda maaha iyada .
Waxa la baray dhammaan qaybihii kala duwanaa ee qoyska , marka laga reebo Maxamed oo ah qofka labaad ee ugu weyn ubadka reerka oo isagu habeenkii yimaada waqti ay Asma seexatay maalinkiina taga inta badan iyada oo shaqanaysa .
Asma nolosheedu way socotaa markan waxbaa iska bedelay muuqaal ahaan , oo wayba sheekaysaa habeenkiina waxay daawataa TV-ga mar-marna wayba la kaftantaa gabdhaha xaafada iyo jaarkaba .
Subaxdii guriga dadku way ka wada tagaan marka laga reebo Maxamed oo isaga saacadaha habeeenkii hurdadiisa ka maqan ku buuxiya kuwa maalinkii , xilli barqo nimo ha Maxamed wax ku dhacay mooyaane mabuu soo kici jirine wuu soo toosay musqusha ayuu galay isaga oo dhexda ku xidhan Tuwaal/shukubaan kaliya markii uu ka soo baxay halka uu qolkiisii ku laaban lahaa waxa uu soo aaday dhanka Jikada oo ay ku suganthaya Asma oo intay weelkii quraacda wada nadiifisay hees ay waayadaasi baratay ku geeraaraysa oo kaligeed ismaaweelinaysa.
Maxamed intuu soo dul-istaagay ayuu la hadlay isaga oo aan magaceeda ugu yeedhaynin ileen mabuu baranine , markii ay la hadashay iyada oo qoslaysa ayuu madaxa gacanta ka saaray isaga oo si ujeedo leh ugu dhaq-dhaqaajinaya gacantiisa madaxeeda timaheeda ayuuba sii dhexgeliyey gacanteeda.
Asma gacanta Maxamed waxay noqonaysaa gacantii ugu horaysay ee nin leeyahay ee taabata , way xishootay oo wayba foorarsatay iyada oo madax labadeeda jilbood dhexgelinaysa oo ku leh Maxamed maxaa dhacay?
Inta uu ku yidhi:
“Walaal wa caadi ee dhibi ma jirto.”
Ayuu madaxeeda kor u soo qaaday iyaduna wali koob ay dhaqaysay ayeyba gacanta ku haysataa inta uu kor u soo toosiyey iyada oo wali fadhida ayuu gacantiisa bidix qoorta ka soo geliyey dirac ay xidhnayd waxaanu si boob ku jiro uu u qabsaday naaskeeda bidix .
Asma dhidid ayey da’aysaa had-bana waxay fiirinaysaa xaga al-baabka guriga iyo inay cidi arkayso cod aanay qaylo ku jirin ayey ku celccelinaysaa Maxamed walaal idaa, idaa.
Waqti aan badnayn markii uu naaskeeda haysatay Maxamed waxa uu dusha kaga degay Asma isaga oo raba inuu afkeeda dhunkado/shumiyo, balse Asma oo aanay maalinkan oo kale hore u soo marin waxay mooday inuu qaniinayo waxayna ku tidhi:
“walaal gacanta iga qaniin oo afka ii daa.”
Maxamed waxa ku filaan waayey/qawaday Asma faa’iidada uu kaga heli karo iyada oo fadhida , waxaanu ku amray inay istaagto isaga oo gacanta dhufanaaya , ku darsoo Maxamed awood ahaan waa saddex Asma oo la isku daray way istaagtay iyada oo markan oohin bilawday inta uu dhirbaaxay ayuu u kexeeyey xaga qolkiisa , sariirtii ayuu ku dultuuray albaabkiina si dagaal ku jiro ayuu u xidhay , tuwaalkii uu dhexka ku xidhaana qolkaba lamuu soo gelin.
Asma oo ku hadaaqaysa magacii Ayeeydeey oo tamaniyeysa inay baadiyihii iskala joogi lahayd waxa sariirtii dhinaca kale ka soo fuulay Maxamed oo isagu markan Asma indhaheedu garan karaan waxa uu ka rabo.
Maxamed waxuu ku cel-celinayaa dhibaaro uu wajiga kala dhacaayo Asma taasi oo aan jawaab lahayn waxaanu markasta u raacinaya dhaar iyo hanjabaad uu ugu sheegayo inuu dili doono haddii ay u diido galmada uu ka rabo waliba siduu isagu rabo, Asma waxa uu ka saaray dharkii oo dhan oo markan iyada iyo Maxamed waa isku dirays.
Maxamed hawl badan ayaa hor taalla oo xaajiyadii waagii miyiga Asma kula kulantay wax soo dhaweyn ah ugu may talo gelin inay Asma u samayso Maxamed iyo inta la midka ah , balse dhinaca kale haddiiba Asma si qasab ah ay wax ku marti gelin doonto Asma waxay jeclaan lahayd in aan xalkeeda sidan laga yeelin.
Maxamed ayaa weeraro kala duwan waxuu ku qaaday Asma balse nasiib darro Asma oo aan awood adeegsanaynin xaaladeeda ayaa Maxamed difaac ku noqotay , kamuuse quusanin ee ku cel-celin iyo awood sheegasho badan ka dib waxuu gaadhay natiijo aanu isaguba ku farxin oo ahayd markii ay Asmo iyo sariirtiiba isku bedeleen xero-dhiig qul-qulaayo taasi oo uu sabab u ahayd inay Asma miyir doorsanto.
Maxamed markan hawl ayaa u taalla waxa soo dhawaaday waqtigii guriga la iman lahaa oo waaba duhur ku dhawaad intii shaqada ku maqnayd iyo intii ardayda ahaydba way soo socdaan.
Asma oo aan awood lahayn ayuu intuu qaaday uu kijadeedii ag dhigay iyada oo markan alaab oo kale ah kumana jirto tamar ay isku maamuli karto waxaanu ka hawlgalay sidii uu u asturi lahaa dhiiga sariirtiisa ka buuxa.
Asma ayaa soo baraarugtay mar dambe waxayna u soo luuday xaga qol aan kijada ka fogayn iyada oo ay uga dhigantahay maalin ay qiyaame la kawsatay , waxay isku dayday inay dhiiga iska maydho balse ma awoodo halkii ayeyna jiiftay ilaa gurigii laga yimi waxay rabtaa inay u warranto haweenaydii maamada guriga balse waxay ka cabsootay inay Maxamed oo kale ku noqoto iyaduna, way iska aamustay waxayna ku wargelisay I nay xanuusanayso inkasta oo daarada guriga lagu arkay dhiig meelo kala duwan ku daatay hadana waxay ku jawaabtay Asma mar la weydiiyey inay gacanta iskaga jartay Midi ay ku shaqaynaysay.
Asma waxa ku soo kordhay xanuunka nabaradii uu Maxamed u gaystay waxayna codsatay inay xanuusanayso oo ay rabto in gurigii hooyadeed la geeyo, iyada oo aan la sii waraysanin ayaa maalin waxa loo galab caraabiyey gurigii hooyeed oo iyaduba bukaan ah halkiibaanay muddo is ag-jiifeen labadii bukaan.
Maalmahan dambe Asma ayaa ka xanuun badan hooyadeed oo Waa’ kasta waxuu dilaacayaa iyada oo Asma ka sii xaalad xun sidii shalay galabku ugu dhacay amarka alle iyo xanuunkii Asma oo kordhay duhurnimo qorraxdu kulushahay Asma waxay u guurtay xagga Alle , waxayna ku ag geeriyootay hooyadeed oo aan naxariisteeda ugu gar-gaari Karin.
Maalin kale oo uu eeg maalmihii ay soo martay Asma waxa kulmay laba gadbhood oo saaxiibo ah midkood ay duruufi hadhaysay ayaa tii kale kala tashatay inay raadsato shaqo tii Asmo oo kale ah inkasta oo aanay iyadu aanay maqlin sheekada Asma hadana saaxiibadeeda kale ayaa uga warantay waxayna ku soo gabo gabaysay sheekadeedii iyada oo ka waaninaysa inay shaqadaasi oo kale qabato:
“Asma dhimataye adaa nool.”
Waxa Qoray: Cumar Seerbiya.