Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer Gaalkacayo (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Dhiiga qubanaya, barakaca shacabka iyo nolosha gebi ahaanba ku baaba’day Colaada Gaalgacayo ka oogani, waa mid ay ka taliyeen maskaxo iyo caqliyo ka qatan dareen Islaanimo, Mid Soomalinimo iyo mid ehelnimaba, maskaxahaas oo ay u badan tahay inay fulinayaan dano, maslaxado iyo awaamiir shisheeye, Isla Markaana, aan wax dan ah ka lahayn shacabkooda ku hoobanaya colaadaas.

Magaaladda Gaalkacayo oo ah Magaalo ay wada degan yihiin dad soomaaliyeed ooMarka laga Yimaado Soomaalinimada, ah dad  ay ka dhaxayso ehelnimo, xididtinimo iyo wada dhalasho aad u qoto fog oo soo ireen ahi, ayaan marnaba caqliga wanaagsani aqbali karayn in dhiigoodu macno daro isugu dhex-daato, , manaha dagaalkani mid dhaqan ee waa mid siyaasadeed, oo aanay cidina ku faa’iidi doonin, balse ay ku khasaari doonaan dhinac kastaaba.

Gunaanadkii, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahanka, Culimaa-u-diinka, madax-dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka iyo inta caqliga u saaxiibka ah ee deeganaas kasoo jeedaa, inay u guntadaan sidii ay u  joojin lahaayeen Colaadaas macno-darada ku qotonta ee kala irdhaynaysa ehelkii wada dhashay iyo xigtadii isku noosha ahayd, isla markaana ay mowqif adag  oo wadajir ah iska taagaan Siyaasiyiinta arxanka daran ee colaadda dabada ka riixaya iyo inta ay u adeegayaanba.

Waa inaad xasuusnaataan inaanay cidina dagaal kaga adkaan Karin cid kale, maxsuulka dagaalkuna waa Dhiig bax,  Geeri, Naafanimo, Barakac, Qaxootinimo, Silic, Baroor iyo hengel (asaay) ku badata Guryihiina oo aan hoog mooyee aanay faa’iido midkiina ugu jirin, waa halkii uu ka lahaa Abwaankii Soomaaliyeed, ALLAYLEHE BELAAYOOY, NIN BADBAADO HAYSTOO, KU BAAHDAY ADIGOO, KU BAAQDAY WAA NACAS, ALLEYLEHE BELAAYOOW, BAROOR NOQOTAY GUUSHAA.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Qalinkii:- Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”

Burco.

Email, husseinlucky@hotmail.com