Axkaamka Ramadaanta: Q.24aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Fadliga Masaajidka (2)

Haddaad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow in u yahay qof horreeya, waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horreeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore in uu yahay oo iimaan leh, sida Rasuulku CSW sheegay, “Haddaad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qiir iimaan.” Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye, “Waxa camira masaajidda Alle kuwa Alle rumeeyey iyo maalinta qiyaame.”

Maalinta qiyaamaha aadanaha oo idil bacad ayuu taagan yahay, cadceeddana waa la soo dhaweeyaa. Ma jiro qof aan dareemin kulaylkaa iyo cadceeddaa la soo dhaweeyey. Maalintaas toddoba ayaa loo hadheeyaa. Toddobadaa waxa ka mid ah qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka.

Ganacsigu shaqo la qabto waa midka ugu mashquulka badan. Waa shaqo aan wakhti gooni ah lahayn. Waa shaqo qofka inta badan ka mashquulisa wakhtiyada salaadaha in uu si joogto ah u ilaaliyo. Inta badanna qofku is arko iyada oo jamacii dhaafay. Waxa jira qaar iyagu masaajidda camira salaadahana ka adkaada, eeg aayadda Alle leeyahay, “Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigooda iyo iibkoodu ka mashquulin xuska Alle.”

Haynta adduun ee lagu siiyey waa mid laguugu eegayo waxa aad ku qabato. Maalinta qiyaame waxa lagu waydiin doonaa xoolihii lagu siiyey halkaad ku bixisay. Wax kasta oo aad aakhiro u sii dhigataa maalinta aad tagto waxa aad la kulmi iyaga oo ka wanaag badan intii aad bixisay. Rasuulku wuxu sheegay, “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri ayuu uga dhisa jannada.” Eeg abaalka degdegga ah ee ku soo noqday durba. Adiga uun baa wax is taraya hubaashi.

Xilligii Rasuulka CSW, xilliyadii Saxaabada, Taabiciinta iyo intii ka dambaysay ba Masaajidku wuxu ahaa goob shaqooyin badan qabta. Wuxuu ahaa xarunta looga taliyo ummadda Muslimiinta, ee ay ku oogaan salaadahooda, sida oo kale wuxu ahaa xafiiskii Rasuulku CSW fadhisan jiray ee uu wax ku maamuli jiray. Wuxuu ahaa goob aqoon korodhsi oo wax lagu baran jiray oo Rasuulka CSW wax lagaga baran jiray.

Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi ah, oo albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ wayn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad la dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sida oo kale lagu soosaaro kii hoggaamin lahaa ummadda.

Wuxuna masaajidku ahaa hoygii jaamacadaha, waayo inta jaamacadood ee hirgashay qaarkoodna ilaa maanta shaqeeyaan waa kuwii aasaaskoodu ahaa masaajidka sida As’harta Masar iyo jaamacadda Saytuuniya ee dalka Tuunis.

Maanta in lagu soo koobo uun salaadaha may ahayn, dhaqankii wanaagsana ee laga dhaxlay Rasuulka CSW iyo intii raacday habdhaqankiisii, hase ahaate markii maskaxda layska soo guumaystay ee layska itaal roonaaday ayaa sidaa laynoogu soo arrimiyey.