XUSKA 18May Iyo Xasuusta Mujaahidka: Maxaan Ka Aqaan Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

XUSKA 18May Iyo Xasuusta Mujaahidka

Maxaan Ka Aqaan Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Tan iyo markaan raad bartay waan aqaanay magaciisa qof ahaaneed, ka qoyskoodana anigoo garanaya ayuun baan garaadsaday. Hasayeeshee magaciisa oo meel ku qoran waxaa iigu horeysay oo aan arkay sanadii 1994 oo aan ka akhiriyey buuga hal-karaan ee hadraawi. Oo abwaanku ku xusay kuna soo halqabsaday ,isagoo yidhi:

“hadaad doonto gaadhsii

Gaariye iyo hadraawiyo

Gurxan iyo burhaaniyo

Ninkay gush yidhaahdaan

Amaboobe ugu gee

Gurigiisa taywaan”,

Maansada isa-sudhan.

Hase ahaatee waxaan si fiican u bartay oo uu noqday shaqsi saamayn ku leh noloshayda sanadii 1998dii.

Wakhtigaa waxaan ahaa arday oo jarmaadada aroorta hore waxay ii ahayd joogto,subaxdii alle keenana waxaan lugayn jirey afar kiiloo mitir si aan u gaadho dugsiga aan dhigan jiray oo ahaa dugsiga sarre ee qalax ee ku yaala magaalada gabiley.

Waxay ahayd mooyee masaafada iskuulku wuu nagu fogaa berigaa aagagaarkiisana cid ma ay deganayn.waxaa kaligii meel banaana ku yaalay guri weyn oo uu mudooyinkaa dhistay Boobe Yuusuf Ducaale.

Inuu ahaa guri bangalo ah oo bilicsan oo arday kasta oo agmarayaa ku hamiyo inuu mustaqbalka dhisto ka sakow waxuu noo ahaa bar kulan aanu tilmaansano waayo ardayda ka timaad sidayda badhtamaha magaalada, ama suuqa sarre ama dhinaca bari iyo ardayda ka timaad aagaa galbeed ayaa halkaa guriga boobe wadada kaga soo wada dhici jirey. Inta socodka ka hadhayna isa sii weheshan jirey. Horta anigu waxaanu halkaa ku kulmi jirney saaxiibkay maxamed aw jibriil taani iyo caydaruus axmed ismaaciil qadiye iyo xer kaloo badan.

Aroor kasta isagoo wata gaadhi yar oo karoole(carola) ah oo midabkiisuna cagaar yahay ayaanu wadada iskaga hor iman jirnay oo anagoo laba laba arday u socona mujaahidku na soo dhaafi jirey isagoo u kalahaya hargaysa wakhtigaa waxuu ka shaqayn jirey wargeyskii jamhuuriya.

Waa halkaa halka ay ka soo bilaabmatay saamaynta iyo barashada qoraa boobe yuusuf ducaale waxaanu inbadan oo ardayda iskuulka dhigan jirtay oo aan ka mid ahaa u ahaa shaqsi ku dayasho mudan ama “role model”

Waxaa aniga farxad gaar ah ii ahayd inuu ardayda kale iga aqoonnsan jirey oo markuu i ag-marayo i salaami jirey hadaan xataa arday ku dhex jro inta badana waxaanu iskaga hor iman jirnay inta u dhexaysa dugsigan Sheikh Muxumed warsame iyo gurigiisa.sidaan uga mabsuudi jirey ilaa maanta ma iloobo. Waayo ! Shaqsiga i salaamay waxuu ahaa mid ay ardaydu wada garanayso oo koley hadhow markaan iskuulka tagno kalaaska dhexdiisa ama galabta ayaa waxaanu akhrin doonaa jaraa,id uu ku qoran tahay qorme lagu saxeexay qalinkii boobe yuusuf ducaale inta badan waxaa jaraa,idada noo keeni jirey oo aad u xiiseyn jirey cabdi axmed faarax oo aanu isku kalaas ahayn dugsigii hoose ilaa jaamacadii camuud saaxiibkay cabdi waxaa dhalay weriyihii weynaa ee alla ha u naxariistee axmed faarax kaahin oo wuu hide socdaa oo saxaafada ayuu aad u xiiseeyaa alla maxaan xasuustuu anagoo dugsiga hoose/ dhexe dhigana beri uu cabdi axmed maqaal ku soo qorey jamhuuriya xiisada iyo xamaasaduu Noo lahaa Ma malayn Kartid.

Waxuu qoro oo aan akhriyo waxaa iigu horeysay buug yar oo la odhan jirey ileys oo uu teeb ku qorey oo ka waramayay taariikhda SNM. Oo gacanta lagu rogey ama lagu badin jirey maalintaa waxii ka dambaysay maqaal iyo buug uu qorey oo aanan akhrini ma jirin ilaa aan markii dambe kala qayb qaatay qabyo tirka diiwaanka Maansada Timacade.

Markii ugu horeysay ee aan si shaqsi ah u wada hadalno ama u xidhiidhnay waxay ahayd waayadaa anoo iskuulka dhigta oo xiiseeya suugaanta iyo dhaqanka soomaalida oo doonaya inaan wax badan ka ogaado ayaan email u direy oo aan wax ka weydiiyey inuu iiga sheego macluumaad ku sahabsan silsiladihii siinley iyo deeley oo markaan aan rabay inaan wax ka ogaado

si niyad sami iyo dhiiri galin ku dheehan tahay ayuu email faahfaahsan iigu soo jawaabay oo uu iiga shaafiyay waxaan martida uga ahaa.waxaa xusid mudan oo aan waligay xiskayga ka guureyn emailkaa uu iigu soo jawaabay waxuu hadalka ku soo