Daawo: Khudbadda Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May

Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-kii May, Kuna beegan 25-kii Rammadaan, Ilaahay waxaynu ka baryeynaa in uu danbigeena dhaafo, inna-siiyana khayrka ay bishan barakaysani gaarka u leedahay, dalkeenuna uu noqdo mid barwaaqo, nabad-qab iyo caafimaad taam ah wada gaadho.

 

Sidoo kale waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu Caalamka oo dhan ka dulqaado dhibaatada xanuunka Coronavirus, oo malaayiin qof haleelay dunida oo dhan, boqolaal kun oo kalena ay u geeriyoodeen.

 

Hambalyo iyo Bogaadin

 

Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dibed iyo gudo meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale waxa aan hambalyo gaar ah u dirayaa Ciidammada Qalabka-sida ee kala duwan, kuwaasi oo ah seeska iyo tiirarka Qarankani ku taagan yahay.

 

Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa dhammaan

 

  • Golayaasha kala duwan ee Qaranka
  • Duqayda
  • Wax-garadka
  • Culimada
  • Ganacsatada
  • Iyo Madax-dhaqameedka

Halkan ka daawo khudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran: