Axkaamka Ramadaanta: Q.27aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Axkaamta iyo Eedaabta Ciidda

Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo in uu soo gutay waxqabadyadii la faray. Waxa mudan in aynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray.

Ugu horrayn waa in aynnu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxana ka mid ah:-

  • Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah.
  • Waa laba rakcadood.
  • Rakcadda hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku
  • Rakcadda labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo tuusaya (khilaafna waa ku jira).
  • Khadbaddu salaadda way ka dambaynaysa.
  • Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale.

 

Sida oo kale waxa xusid mudan labada ciidood in midna salaadda la dedejiyo midna dib loo dhigo. Salaadda ciidda Fidriga lama dadajiyo oo qofku isaga oo sii quraacday ayuu tegi karaa, oo sakaatul Fidrigiina iska sii bixiyey, halka salaadda ciidda Adxaha loo dagdagayo sidii wax loo qali lahaa, sida darteed ayaa loo dadajiya salaadda.

Waxa sida oo kale mashruuc ah in la tarkbiiro (Alle la waynneeyo) maalmaha ciidda, khaas ahaan ciidda Adxaha iyada saddex cisho ayaa la akhrinayaa takbiirta. Saxaabadu suuqyada ayey ku takbiiri jireen. waxa kale oo yadna xusuusin mudan in takbiirta la akhrinayaa ay tahay ta ka sugnaatay Rasuulka CSW, ee Saxaabaduna akhrin jireen.