“Wixii Wax Ku Lifaaqan Yihiin Ee Siyaasadi Ku Lifaaqan Tahay Waanu Ka Soo Hor Jeednaa” Cabdirashiid Qambi

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Dawooyinka ay Dawladda Soomaaliya soo gaadhsiisay Deegaanka Buhoodle, waxayna sheegtay in wax kasta oo Siyaasad iyo dano gaar ah laga leeyahay aanay Somaliland ahaan iyo Xukuumad ahaan aanay yeeli doonin.

 

Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeytna Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, oo shalay Xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale dhaliilo culus u soo jeediyey siyaasiyiin ka soo jeeda deegankiisa oo ku kala sugan Magaalooyinka Xamar iyo Buhoodle, oo uu sheegay inay kicin iyo carqalad ay wadaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Cudurkan Dunida ku baahaya si siyaasad la’aan ahbuu Adduunku wixii taageero ah iskaga geystay, taas oo macnaheedu yahay inuu adduunka oo dhami u wada gurmado, markaan leeyahay adduunka oo odhan baa iskaga gurmanaya, waxaa la iskugu gurmaday ,oo wax la iskugu tarayey si siyaasad la’aan ah, oo aan wax ku hoos jirin, waxaa jirtay in wakhtigan aynu joognay shalay (doraad), in Buhoodle yimaadeen xoogaa dawo ah, oo ku saabsan Choronviruskaas, oo Dawladda Fadaralka ka timid oo Wasiiro soo raacisay, in la isku gurmado ayaan u arkaa, laakiin nin baa yidhi isaxaaq maan diidin ee xaaqda ayaan diiday, haddii  Xamar doonayso inay Buhoodle wax tarto, Hay’addaha samafalka ee marka horeba iyaga u keenay ayey soo raacin lahaayeen, oo ay dhihi lahaayeen halkaas iyo meelihii kaleba geeye, oo Somalidu wey is caawisaa, laakin tani taas may ahayn, waxaa ka muuqata siyaasad, oo awalba xaaladooda siyaasadeed ay dhibaatooyin badan lahayd, in dhibaatooyin badan ka dhacdo muujiya, taas oo deeganka dhib ku ah”.

 

Mar uu ka hadlaayey Xukuumad ahaan iyo doorka ay kaga qayb qaateen ka hor taga xanuunka koronaha  ayaa uu yidhi “Somaliland wacyigelintii dalka oo dhan waa laga sameeyey, Buhoodle waanu u dirnay oo waa laga sameeyey, hadda waxaa la diyaarinayaa barnaamijkii arinkaas lagaga caawin lahaa Gobolada dalka oo dhan, hab dawo, hab shaybaadh, hab dhaqaale, intaas oo dhan Somaliland wey wadaa”.

Mar uu si gaar ah ugu hadlaayey siyaasiyiin ka soo jeeda Buhoodle, carqalado ay wadaan iyo Xukuumad ahaan waxa la gudboon ayaa yidhi “Waxaa jira qoloyo dagaal ogayaal ah, oo reer Buhoodle ah, oo Xamarna jooga, Buuhoodlena qaarkood joogaan, oo had iyo goor wuxuu la carqaladayo ka shaqeeya, oo ka dhigaya inay dadka wax u qabanayaan, haddii Dawladda Fadaralka ahi Buhoodle wax siinaysay Diyaarad bay soo saari lahayd, Odayashaa ayey odhan lahayd kala dega, wixii wax ku lifaaqayan yihin ee siyaasadi ku lifaaqan tahayna waanu ka soo hor jeedna, wixii naga qabta ayaanu ka yeelaynaa, oo aan muran lahayn, maaha macnaheedu bulsho baahan oo wixii ay u baahnayd oo maanta adduunyada oo dhan ka jira, Somaliland iyo shakhsi baa cid u diidaya, oo hor taagan, wixii Buhoodle soo gaadha Yuhuudna ha ka soo gaadhe, wixii wax tar ah umadda wax loo baahan yahay weeye, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ku hayso dawlad siyaasadaynaysa waanu is hor taagayna, waana ka soo hor jeedna, waxna waanu ka muujinaynaa”

Xigasho: Geeska Afrika