Axkaamta Ramadaanta: Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga Q.10aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga

Carrabku waa xubin mihim ah oo Alle ugu deeqay bani’adamka, waana mid ka mid ah waxaynnu kaga duwannahay noolaha kale. Xubinkani waxa uu ka masuul yahay dhawaq kasta oo kaa soo baxa hadduu sanyahay iyo hadduu xunyahay ba, sidaa darteed ayuu Rasuulku CSW u yidhi, “Yaa laba ii ballanqaadaya ilaalintooda aniguna u ballanqaadaa janno.” Waxa ka mid ah carrabka. Carrabku isaga ayaa innoogu filan janno iyo naar kaynu gali lahayn, markaa waxa muhiim ah in aynnu ilaashanno carrabka oo wax Alle SWT oggalyahay innaga soo baxo.

Wakhtigu isna waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Alle SWT innoogu deeqay, waana wax aynaan ku baraarugsanayn, Rasuulku CSW waxa uu lahaa qofna labadiisa gomadood Ilaahay SWT hortiisa kama dhaqaaqayaan illaa afar wayddiimood la wayddiiyo, laba kamid ahi waa wakhtiga.

Halkaa waxaynu ka arkaynaa muhiimadda ay leeyihiin ilaalintoodu. Marwalba in la ilaaliyo waa wax innagu waajib ah. Xilliyada khayrka badan sida Ramadaan oo kale in la sii xoojiyana waa sunne khayr badan laga helayo.

 

Carrabka ilaalintisu waa midda kaliya ee aynu kaga badbaadayno Alle SWT hoojintiisa. Mucaad ibnu Jamal Rc ayaa Rasuulka CSW ku yidhi, “Miyaa la noo qabanayaa waxa aannu ku hadalno.” Dabadeed Rasuulku CSW intuu carrabkiisii qabtay ayuu ku yidhi, “Hooyadaa kaa goblantay Mucaadoow, dadka wajiyadooda madaxa ma wax aan ahayn waxa carrabkoogu ku hadlaa loogu tuuraa.”

Waxaynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida, haddii waxa aynu ku hadlaynaa yahay wax Alle SWT raalligelinayn sida xadiiska ka muuqata ayeynu waxaynu ku galabsannaynaa naar.

Ilaahay SWT isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay, “Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisii daan.” Waa intan aad ku socota ee aad wax ku arkayso annagaa leh. Sidoo kale carrabkan iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu, haa Allow adaa na siyey. Sidaa awgeed waxa innala gudboon mahadcelin.

Ilaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay in uu ina siiyey carrab hadalka soosaara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soosaaraa waa carrabka, kaas oo aynnu ku kala duwannahay makhluuqaadka kale.

Sida oo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeenna ka soo baxa in uu yahay mid guntan oo la qorayo, “Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.”

Waxa muhiim ah marka aynu soomannahay in aynu ka dheeraanno hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW waxa uu lahaa qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha in uu sooman yahay iyo in kale. Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, “Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soonkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow.