Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib (WQ: Sayid Axmed Dhegey)

Afeef

Maahmaah baa ahayd; “hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa”. Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga “Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.

Waa lagu hungoobay, maxaa dhacay? Waa halkaa, meesha u baahan in wax laga barto sooyaalkii inna soo maray. Sidaa awgeed ayeynu u baahannahay taariikh qoran oo mug leh, oo aan degta lagu sidan karin, oo leh meel loo raaco. Qofka qoraya buug ku saabsan taariikhda guud ee Soomaalida, waa in uu dhex ka ahaadaa warbixinaha is dabraya ama is khilaafsan. Waa in uu ku baraarugsanaadaa inay jiraan qoraallo kala jaadjaad ah oo la rabo inaad adigu kala qiimayso. Afeeftaydu, waa in aan wax ka idhaahdo buugga iyo qoraalka ku jira laakiin, qoraaga iyo mabdi’iidsa siyaasadeed, waxba kama sheegayo. Waxaan ku koobanahay buugga iyo qoraalkiisa. Waxa kale oo aan ka afeef dhiganayaa in aanan buugga dhammaantiis wax ka odhan, balse intii karaankayga ah ee aan raadraac u helikarayey ayaan wax ka odhan doonaa, si aan u tilmaamo.

Hordhac

Marka hore, waxa aan qirayaa in dedaal badan uu geliyey qoraaga buuggu sidii uu horeba dedaalka badan u geliyey buugaagtiisii hore. Inkastoo aanan arag buugaagtiisa hore, laakiin waan la socday inay jiraan dhawr buug oo uu qoray. Qoraagu waa Jaamac Maxamed Qaalib, oo in badani garanayso. Waxa kala jaad ah xilliyada aynu magaciisa barannay. Anigu waxaan magaciisa bartay isaga oo xil sare ka haya xukuumaddii Maxamed S. Barre, berigaas oo uu wasiir ahaa. Sidaa darteed, waxaan filayey in aan buuggan ka heli doono xilalkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay oo si faahfaahsan ugu qoran buugga. Xilligaas aan sheegay, waa toddobaatanaadkii ilaa siddeetamaadkii oo ma foga marka dib loo eego sooyaalkii qof ahaaneed ee uu Jaamac soo maray. Waxa uu ku soo jiray siyaasadda Soomaalida ilaa maamulkii Ingiriiska, isagoo ahaa taliyihii la wareegay saldhigga booliska Hargeysa 1960kii. Sidaa awgeed taariikhda uu u soo taagnaa ma yara. Waxa aynu ka filaynaana waa wax badan oo goob-joog uu u ahaa…

Halkan ka daadejiso maqaalka oo dhammaystiran oo PDF ah Gorfayn-Buugga-Taariikhda-Soomaalida-ee-uu-qoray-Jaamac-M.-Qaalib