Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 6aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Faa’idooyinka timirta

Timirtu waa geed loo bogay guud ahaan manaafacaadkiisa, gaar ahaanna macaankiisa. Waxa lagu ammaanay Diinta Islaamka marar badan, yada oo sidoo kale uu Rasuulku CSW ku booriyay ummadda in ay cunaan. Si gaar ah, waxay u wanaagsantahay marka uu afurayo qofku.

Haddaba, waxa muhiim ah inaan ka eegno xagga Sayniska iyo faa’idooyinka uu daah-furay ama ku sheegay in timirtu ay leedahay.  Timirtu waxa loo adeegsan karaa: cabbitaan ahaan, midho ahaan, khudrad ahaan iyo tamar ahaan ba. Waxay tiraabeen Saynisyahannadu in ay afar-laab laga helo tamarta laga helo tufaaxa; toddoba-laab tamarta laga helo liinta; saddex-laab tamarta laga helo shamaamka.

Daraasado badan ayaa muujiyay in cunnidda timirtu aad ka quudato maalintii 7 xabbadood ay ( 100 g oo timir ah) ay daboolayso baahiyaha maalin laha ah ee uu jidhku uga baahanyahay macdanaha: magniisiyam, manganiis, ayroonta, bataasiyamta iyo sida oo kale kaalsiyamta.

Intaa waxa dheer in timirtu ay ka kooban tahay jaadadka kala duwan ee faytamiinada ee jidhku u baahanyahay. Tusaale ahaan, waxa laga helaa; faytamiin A, faytamiin B ( weliba waa Faytamiin B2 ama Riboflavin qofba sida uu u yaqaano, thiamin).  Waxaan isna aan meesha ka maqnayn Foolik faytamiinka la yidhaahdo. ( Dadka qaarna u yaqaanaan faytamiin C).

Ku darsoo, timirtu waxay ka kooban tahay maaddo muhiimaddeeda aan ka wada dharagsannahay – fuluwariin.  Ta ka sii daran waa in shan-laab qaddarka fuluwariin ee laga helo midhaha laga helo timirta. Waxa aad ka war-qabtaa akhriste in dawada aan ku cadayanno ay ku jirto fuluwariin. Sidaa si la mid ah, waxay ku jirtaa timirta – suus ilkaha gala innagga dheer haddii aan quudanno, bi idni Allah.

Dheef-Shiidka:Timirtu waxay si mug leh uga qeyb qaadataa dheef-shiidka qofka yadoo dar-dargelisa  si dhakhso ah inay u gutaan hawshooda xubnaha loogu talo galay. Si gaar ah waxay ugu habboon tahay qofka sooman. Tusaale ahaan, marka uu cuno xabbadda ugu horreysa ee timir ah ayaa waxa soo noqda boqolley sarreysa oo tamartiisa ah, waxa si tartiib ah u bilaabma dheef-shiidkiisa; waxaana tiraab suubban laga helaa afkiisa udgoonku ka burqanayo. Nebiga SCW waxa ka sugan in uu yidhi, “ Midkiin kolka uu afurayo, ha ku afuro dhawr xabbo ah timirta rudubka, haddii aannu heysanna timir, haddii aannu helayna biyo; biyuhu waa daahir’e.”

Ka hor-tagidda cudurro badan: Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaan; timirtu waxa ay baabiisaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hortagtaa madax wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada yadoo u horseeda daganaan ku meel gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba.

Cunnida timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. ( Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.

Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan degdeg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sida oo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.