(Khudbadii M/waynaha ee labada gole, 18 Feb 2020)
SABABTA KOOBAAD: DHAQAALIHII DALKA WAXAY NAGA SIIYEEN 7 %!(Inkastoo aanad run ka sheegin wixii soo gaadhay deegaanadaada)
JAWAABTA KOOBAAD: DHAQAALIHI DALKA OO DHAN WAXAAD GALISEEN DEEGAAMADIINA
1. Somaliland Development Fund I, 2013 to 2018($60 Million)
Sanduuqan waxa lagu shubay lacag dhan 60 Million oo dollar, waxa kasoo gaadhay gobolada galbeedka Sadex Mashruuc:Kalabaydh – Dila Road Rehabilitation oo ay ku baxday dhaqaale dhan $2,356,776, Gargooray Water Supply Project oo ay ku baxday $700, 000, lacag lagu qiyaaso 5.5 million ayaa loo qoondeeyey 7 deegaan oo ka mida deegaanada Somaliland oo ay ku jirto Gargooray, waxaanan qiyaasay in gargooray loo qoondeeyey $700, 000. Awdal Water Extention(Borama), $2 million. Waxay Awdal 60-kaa Million ee dollar ka heshay: 5Million/60Million = 8%
2. Sidee loo qaybiyaa,cashuuraha loo qabto dawladdaha hoose ee dalka(22.5%), oo ka kooban 10% loo qabto degmooyinka kastamada leh iyo 12.5%, kabka dawladdaha hoose ee la siiyo degmooyinka koontaroolada leh?
Hadaad eegto misaaniyadaha 7-da degmo ee A-da ah,waxa kuu soo baxaysa in sadex degmo oo reer gaari dego ay aad uga miisaaniyad badanyihiin afarta kale ee soo hadhay, Hargaysa: $14,222,099.29 Million, Berbera:$ 12,888,525.19 Million, Gabilay: $ 4,158,205.53 Million, Burco: $3,502,936.53 Million, Borama: $ 2,670,300.00Million, Ceerigaabo: $1,121,742.86 Million, Laascaanood : $ 906,406.47
$14,222,099.29+:$ 12,888,525.19+, 4,158,205.53, hadaad u qaybiso wadarta guud ood boqolna ku dhufato waxa kuu soo baxaya: $31,268,830/$39,470,215.86 = 79.22%, iskama imanane waa laga shaqeeyey.
Sadbursigaa cashuureedna waxa uu ka yimiday Xeer Lr.12-2000: Xeerka Midaynta Tacriifadaha Dawladdaha Hoose ee Somaliland, qodobkiisa 14-naad, wuxu odhanayaa degmooyinka leh kastamada: Gabilay,Hargaysa,Berbera, iyo Saylac, waxay 10% ku yeelanayaan cashuurta lagu qabto kastamadooda, waxana ugu wayn kastamada, Berbera iyo Kalabaydh(Gabilay), xaga kalena wuxu xeerkani mabnuucayaa in degmooyinka kale cashuur ku qaadaan koontarooladooda.
Waxa kale oo dawladdaha hoose ee dalka loo qabtaa lacag lagu magacaabo “Kabka Dawladdaha Hoose” (12.5%), iyana waxa qaybinteeda lagu saleeyey, degmooyinka ayaa la waydiiyey inta cashuura ee uga soo xeroon jirtay kaantarooladooda, waqtigaas qaarba waxbay sheegeen oo cidi ma dabagalayn xaqiiqda sheegashadooda cashuureed, qolo waxbadan bay sheegteen qaarna wax yar, iyaga oo qarinayey cashuurta soo gasha, iyaga oo islahaa yaan si dhaba loo ogaan waxa idin soo gala.
Hargaysa 51.26%, Burco 21.39 %, Gabilay 9.87%, Borama 9.86%, Sheekh(3.75%), Seylac (2.18%), Baki(1.69%), iskugeyn = 100%. Isku gee sadexdii degmo intay ka heleen kabkana? Waxa kale oo muuqata in halkana Hargaysa loo sadburiyey.
3. Mashaariicda Dawladda($ 43Million, 2019, miisaaniyadana ka ah 20%) ,Kharashka Hawlsocodsiinta 28% , iyo Kharashka Shaqaalaha 49%.
Waxa gobolka Awdal loo qoondeeyey $120,000, ama 0.27%, kharashka hawl socodsiinta oo miisaaniyada ka ah 28% iyo kharashka shaqaalaha 49% ,waxay iyaguna intooda badani galaan caasimada Hargaysa, dhaqaalaha caasimadana waxwaynbay taraan, Hargaysi ciyaar ciyaar kuma dhismine waxa lagu cunaa dhamaan waxa dalka soo gala ee umadda ka dhexeeyey.
Sidaasow tahay gobolka Awdal wuxu ka midyahay gobolada dakhliga ugu badan soo saara! Qiyaas ahaan 60 ilaa 70 million oo dallar sanadkiiba.
Cadaalad daradaa dhaqaale ee intaa le`egi miyeyna Madaxwayne keenayn in gobolada galbeedkuna ka go`aan Somaliland inteeda kale?
SABABTA LABAAD: WAXAY QAATEEN M/WAYNIHII, RAYSAL WASAARIHII IYO LABADII TALIYE CIIDAN
JAWAABTA LABAAD: WAXAAD: DHAMAAN QAADATEEN XILALKII DALKA UGU MUHIIMSANAA
Waxaad dhisateen Jamhuuriyada Isaaqland,Madaxwaynaha Isaaq, Jananka Milatariga Isaaq, Jananka Police Isaaq Jananka C I Da Isaaq Jananka Lanta Socdaal-ka Isaaq Jananka Sirdoonka Isaaq Wasiirka Arimaha Gudaha Isaaq Wasiirka Maaliyada Isaaq Gudoomiyaha Aqalka Sare Isaaq Gudoomiyaha Maxkamada Sare Isaaq Gudoomiyaha Baanka Dhexe Isaaq Gudoomiyaha K/ Doorashooyinka Isaaq Xeer ilaaliyaha Guud Isaaq.
Waa awooda ay dawladdi leedahay Isaaq ayaa isku koobay hadii la tashanayo idinka uunbaa jooga.Marka laga reebo 6 wasiir oo caato ah oo Harti waqooyi iyo Gadabuursi kala haystaan, inta kale wasiiradu waa Isaaq.Parlamaanku waa 82 xildhibaan, 58 waa Isaaq.
Madaxwayne tanaaba ka daran taad ka cabanaysee miyaanay kula ahayn in gobolada galbeedkuna ka go`aan Somaliland inteeda kale?
SABABTA SADEXAAD: 1960-KII WAXAANU AHAYN LIX DEGMO OO WAQOOYI AH IYO LIX DEGMO OO KOONFURA.WAXAY LIXDOODII DEGMO KA DHIGEEN LIX GOBOL, LIXDAYADII DEGMANA WAXAY KA DHIGEEN LABA GOBOL.
JAWAABTA SADEXAAD: 1991-KII DALKU WUXUU KA KOOBNAA 5 GOBOL IYO 20 DEGMO, WAXAY AWDAL KU LAHAYD HAL GOBOL IYO AFAR DEGMO
Maantana dalka waxaad ka dhigteen 14 gobol iyo boqol degmo, Awdal waxay ku leedahay kaliya laba gobol iyo 11 degmo.
Waxaad ka cabanaysay in gobolada lagaa badsaday sadex jeer, miyaanay kasii darnayn inaad gobolada badsato afar jeer wax ku dhow, degmooyinkana badsataan ilaa 3 jeer.
Madaxwayne miyaanay kula ahayn in gobolada galbeedku ka go`aan Somaliland inteeda kale?
Bal soo jawaab!
https://www.youtube.com/watch?v=j57qLCqSmpI .
Qalinkii: Mohamoud Warsame Ruush