Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.21aad

Fadliga masaajidka

Marka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa sujuud, oo ah goobta lagu sujuudayo, waxana eraygaa looga soo dheegta inay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT, siduu Rasuulku CSW inoo sheegay, โ€œMarka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.โ€

Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado, sida Rasuulka CSW ka sugan, โ€œGoobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.โ€ Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune maanay naga dhammaanayn? Hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa degenaan, taa soo u keenta inu ku soo noqnoqdo.

Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray in aad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taasood ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku ba sheegayey, โ€œKuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.โ€

Maalinta qiyaame waxa la soo dhaweeya cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beega, kulkedana Alle unbaa garan kara. Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweyey, kuwaa soo leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale, dadka tilmaamaha laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo, โ€œQof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka.โ€ Haa, xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilli salaadeed halka uu joogo iyo masaajidka u ku xidhan yahay.

Sida oo kale Rasuulku CSW wuxu yidhi isaga oo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajidda in ay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan, โ€œHaku busharaystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddu inay maalinta qiyaame iftiin helayaan.โ€

Haddaad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow in u yahay qof horreeya, waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horreeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore inu yahay oo iimaan leh, sida Rasuulku CSW sheegay, โ€œHaddaad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qiir imaan.โ€ Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye, โ€œWaxa camira masaajidda Alle kuwa Alle rumeeyey iyo maalinta qiyaame.โ€

Bogga Facebook:ย Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email:ย cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515