Waa maxay dhibaatada ka dhalan karta luminta dabeecadda ama xaalufka dhulka.

Luminta dabeecaddu waxa ay leedahay cawaaqib xumo aad u fog. Nidaamyada deegaanka ee burburay waxa ay uga sii daraan isbadelka cimilada, waxa ay wiiqaan sugnaanta cuntada, waxaana ay khatar galiyaan nolosha bulshada.

Ku dhawaad 3.2 bilyan oo qof, ama 40 boqolkiiba dadweynaha adduunka, waxa si xun u saameeyey noloshooda xaalufka dhulka.

Ilaa shan boqol iyo toddoba iyo toddobaatan bilyan oo dollar, wax-soo-saarka dalagga sannadlaha ah ee caalamiga ah ayaa halis ugu jira xaaladan.

100-300 milyan oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay wajahaan halista daadad iyo duufaanno, sababo ku sal leh luminta degaannada xeebaha.

Sida ay sheegaan khubarada deegaanku hoos-u-dhac ku yimaada dabeecadda iyo kala duwanaanshaha noole ee jihooyinka hadda jira waxa ay wiiqi doontaa horumarka 35 ka mid ah 44-ka badhtilmaameed ee yoolasha horumarka waara ee la xidhiidha faqriga, gaajada, caafimaadka, biyaha magaalooyinka, cimilada, badaha iyo dhulka.

Cabdicasiis Caydiid Yamani

 

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL

Bandhige.com