Axkaamta Soonka: Casharka 6aad (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

Arimo cusub oo soonka la xidhiidha.

Waxa jira arrimo badan oo wakhtigan soo derriyey, nusuusta Quraanka iyo axaadiista Nebigana (N.N.K.H) aan ku soo aroorin, isla markaana culimadeennii hore aanay ka hadal, hase yeeshee ilaahay fadligii qawaacidda sharci ee diintani waa mid koobaysa wax kasta oo adduunkan ku soo kordha, sidoo kale culimadu seben kasta oo ay joogaan waxyaalaha cusub ee soo kordha way u jid bixiyaan, taasina waxa ay kuu muujinaysa inay diintani tahay mid uu Allaah ugu talo galay in goob kasta iyo goor kastaba lagu dhaqmi karo, waayo kasta oo la nool yahayna lagu maareyn karo nolosha.

Arrimahan hoose dhammaantood waa waxyaalo cusub oo casrigan soo baxay, culimadu si wadajir ah iyo si keli keli ah ba way uga hadleen, waxaan idiin soo gudbinayaa nuxurka fatwooyinkoodii iyo go’aamadoodii ee ka bogasho wacan:

1- Dadka kelya xanuunka leh, ee sida joogtada ah loo soo nadiifiyo kelyahooda, haddii maalin Ramadaan la maydho kelyaha soonkoodii wuu burayaa, golaha joogtada ah ee ka tirsan hay’adda sare ee culimada dalka sucuudiga ayaa sidaas ku fatwooday.

2- Dawada naqaska ee dadka xanuunka xiiqda lehi ay afka iskaga buufiyaan, sida ay culimadu u badan yihiin soonka jebin mayso, shir wayn oo culimo badan oo caalamka Islaamka ka tirsan isugu yimaadeen Kuweyt 1997, oo arrintan lagu falanqeeyey ayaa go’aankan laysla qaatay..

3- Kiniinka carrabka hoostiisa la geliyo, ee loo adeegsado in dheecaanka ka baxaa marka uu milmo ee uu xididdada raaco daweeyo dhibaatooyinka wadnaha, haddaanu qofku dheecaankaa liqin oo dhuuntiisa marin soonkiisu ma jabayo, sida golaha fiq’higa Islaamiga ahi isku raaceen, Sh. Ibn Bazna uu xoojiyey.

4- Oksajiinta lagu xidho qofka marka uu culays kala kulmo neefsiga, isaguna soonkiisa waxba ma yeelayo, waayo cunto iyo cabid midna ma aha, macnahoodana malaha.

5- Irbadda daweynta ah, ee aan cuntada ahayn, jidhkana aan awood cabid ama cunto siinayn, iyana soonka waxba ma yeelayso, hadduu qofku ka qaato muruqa ama xididka.

6- Irbadda cuntada ah, sida faleebada fuuq celinta iyo kuwa la midka ah, qofka haddii lagu xidho soonkiisu wuu burayaa.

7- Taxaamiisha (Suppository) kaar jebinta ah ama dawada loo isticmaalo ee dabada ama xubinta kaadi mareenka ee dumarka laga qaataa soonka ma jebiyaan, sidoo kale dareeraha loo adeegsado Altra-sound-ka lagu eego rixim ka haweenka ee isla xubintaas lagu dhibciyaa soonka ma dhibayo, waayo waxa cilmiga caafimaadku sugay inaanay meeshaasi caloosha u furrayn, waxna uga gudbin.

Akhristoow denbigaaga Alle ha dhaafo’e u gudbi cid kasta oo ka faa’iidaysan karta, ducadana hanaga Ilaawin malaa’ik tu ha kuu ducaysee.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder