Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka: Farshaxannimada Quraanka ee Ka Warrama Abuurka (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Aayadaha xidhiidhsan ee Baqara (257-259) waa qaar aynu ka guntayno sangaabta doodeed sida loo dhigo, waa aayado caddayn u ah in abuurku Alle kaligii u sugnaaday, waa aayado si gondadag ah inoo baraya sida loo jabiyo doodaha madhalayska. Haddii aad u fiirsato waxa aad ka dhitaynaysaa sida loo helo qancinta aadanaha gafsan. Afarta hoggaamiyee dunida soo maray labadii caqli xumaanta iyo kibirka weheshaday waa laba aayadood oo dhacdooyin gurracan oo ay lahayeen isku sidkaya.

Namruud Bin Kancaan taariikhyahannadu waxa ay sheegaan in uu ka mid ahaa raggii ugu saamaynta badnaa ee dunida soo xukuma. Namruud waxa uu noolaa xilligii nabi Ibraahim, nabiganna waxa ay ka wada doodayaan abuurka. Haddii aad u fiirsato habdhaca aayadda waxa aad arkaysaa in Namruud hadal socda dhexgalayo, hadalkaa oo ah; in nabi Ibraahim hadalkiisu u dhacayey qaab wacdi ah, taas oo ciddii dhagaysanaysay u xusuusinayey in abuurka Alle keligii leeyahay. Namruud oo isu arkay in isaga loo jeedaana doodda leexsanayo.

Namruud muran qayaxan ayuu la soo shir tagaya oo aan aqoon ku fadhiyin. Inta uu laba qof oo shaqaalihiisaa soo istaajiyo hortiisa ayaa uu midna amrayaa in la dilo ka kalena amrayaa in la fasaxo oo u nabad ku hoydo. Inta uu nabi Ibraahim eego ayuu ku odhanayaa, โ€œQudhaydaa waxna dila waxna nooleeya.โ€ Waa qabka kaligii taliyaha aan garashada wax ku xukumin leeyahay, dooddu dilid iyo dilid laโ€™aan ma ay taagnayn, abuur ayey taagnayd se isagu intii uu garanayey ayaa uu ka hadlay.

Nabi Ibraahim NKH, ayaa isaga afweynta u ridaya, dooddisana jabinaya, waxa uu ku odhanayaa, โ€œIlaahay cadceedda beri ayuu ka keena ee bal galbeed ka soo saar.โ€

Ninkii Soomaaliyeed waxa laga hayey, โ€œBurkaba bahal maka dayey.โ€ Namruud bin Kancaan intii uu garanayey waa la isla soo dhaafay, doodda xagganba kamu eegin, kol haddii uu awoodihii Alle faragashaday waa in awoodda abuureed la tusaa si kibirkiisa dabar loogu helo. Waxa lagu cariyey awood aanu lahayn, deeto beenaale abaalkii ayaa helay.