Axkaamta Soonka: Casharka Afraad (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

*Sunnayaasha Soonka.

Qofka muslimka ah ee sooman waxa la gudboon inuu ilaashado soonkiisa, kana feejignaado wax kasta oo dhaawac u keeni kara, sidoo kalena ku dadaalo inuu la yimaaddo sunnayaasha ajarkiisa kor u qaadaya, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin:

1- SUXUURTA: suxuurtu (cuntada nuska danbe ee habeenkii la cuno), suxuurashadu way barakaysan tahay sida uu Nebigu sheegay (N.N.K.H), sidoo kale waa baadi-soocda soonka muslimka ee uu kaga gedisan yahay soonka diimaha kale.

2- DIB U DHIGIDDA SUXUURTA:waxa uu Anas –RDC- weriyey in suxuurta Nebiga -SCW- iyo salaadda subax ay u dhexaysay inta laga akhriyo konton aayadood oo keliya.

3- DEDEJINTA AFURKA: afurka oo la dedejiyaa waa sunne, waxa ka sugnaatay Nebiga (N.N.K.H) in uu yidhi: Umaddu khayr kama suulayso (khayr kama dhamaanayo) intay afurka dedejinayaan.

4- KU AFURIDDA TIMIRTA: wuxuu Nebigu ku afuri jiray timirta teeda curubta ah (Radab), hadduu waayana timir caadi ah, hadduu waayana biyo. Timirtu waa cunto aad ugu habboon afurka marka la eego maaddada ay ka sameysan tahay, waxaanay si degdeg ah u soo celisaa tamarta qofka, sidoo kale waxay u fiican tahay caloosha madhan.

5- DUCADA: waxa la gudboon qofka sooman inuu saacadaha uu sooman yahay iyo wakhtiga afurkaba ku dadaalo ducada. Ducada qofka soomanna lama celiyo sida Nebigu (N.N.K.H) uu sheegay.

6- Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha soonka in lagu dadaalo mudan dhammaan acmaasha wanaagsan, sida sadaqada, salaatu laylka, Quraan akhrinta, cumraysashada iwm.

Waxyaalaha dhaawaca Soonka

Qofka sooman waxa looga baahan yahay inuu ka fogaado wax kasta oo soonkiisa dhaawici kara sida:
1- Cayda iyo hadallada xun xun, kaftan ka beenta ah iwm, ha ahaadeen kuwo qofku uu qaab hadal u gudbiyo ama ha noqdeen kuwo uu qoraal ahaan bulshada ula wadaago.
2- Dagaalka iyo gacan qaadka aan xaqa ahayn.
3- Waa inuu ka feejignaadaa inuu sandaarashada ku fogaado, marka uu waysaysanayo – inuu biyaha sanka aad ugu fogeeyo ilaa ay cunihiisa u gudbayaan-, Rasuulkaa reebay (N.N.K.H).
4- Qofka soommani waa inuu ka fogaado wax kasta oo dareenkiisa kicin kara, sababna u noqon kara inay biyaha taranku ka yimaadaan, sida inuu xaaskiisa dhunkado ama fara-ka-ciyaar, loolid iyo waxa la midka ah la wadaago.

5- Dumarka cuntada karinayaa way dhadhamin karaan waxa ay karinayaa, haddii ay ka maarmi waayaan, laakiin waa inay ka feejignaadaan in dheecaanka cuntadu cunahooda u gudbo, sidoo kale ka feejignaadaan badsashada dhadhamintaas, inta ay ka maarmi karaanna ha ku dadaaleen.

Fadlan share garee si looga wada faa’iidaysto, adna aad ajar uga hesho.

واعلم أنّ الدال على الخير كفاعله.
Dr-Abdulqani Beder