Jihaynta Dhalinyarada: (WQ: Kaysar Maxamed)

Hubaal waxaa ah in Dhalinyarda reer Somaliland ay yihiin kuwo ka muuqda dhalinyarada Geeska Afrika ku nool iyaga oo qayb laxaad leh ka qaatay Adkaynta Nabadgelyada iyo horumarka Dalka, inaga oo waliba ogsoon duruufaha ku gedaaman iyo caqabadaha kala duwan ee dhaqaale ee ka jira Dalkeena oo ah Dal aan weli Dunida Aqoonsi ka helin, Qaran ahaana aynu weli ka soo kabanayno burburkii ay inoo geysteen dagaaladii aynu soo marnay.

Hadaba waxaa lagana-maarmaan ah in Xukuumad iyo Shacbiba xoogga la saaro sidii loo jihayn lahaa, qorshayaal dheerna loogu dejin lahaa sidii aynu dhalinyarada ugu abuuri lahayn Mustaqbal ifaya iyo yididiilooyin ay ku hirtaan kuna aamiinaan Ciidooda iyo Calankooda.

Xaqiiqda marka aynu Waajahno waxaan shaki ku jirin in haddii dhakhso looga hawl geliwaayo Jihaynta Dhalinyarada in ay noqon karaan ama isu bedeli karaan Khatar iyo Cabsi weyn oo soo waajihi doona Amniga iyo degenaanshaha Qaranka , oo ay iman doonto in Cadawgeenu si khaldan uga faaiidaysan doono dhalinyarada sida imikaba uu sansaankeedii muuqdo.

Talaabooyinka aadka loogu diirsaday ee aan si weyn Xukuumada ugu Hambalyayno waxaa kow ka ah Barnaamujka Shaqo-qaran ee Dhawaan la bilaabay. Waxaana uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee ay Xukuumadu ku dhaqaaqday mudada ay talada haysay.

Waxaa Muhiim ah in Barnaamujkaas la sii balaadhiyo oo ugu yaraan Saddex kun oo dhalinyaro ah la xarèeyo sanad kasta. Saddex Milyan oo Doolar oo miisaaniyada Qaranka laga jaro ama meelo kale looga raadiyo ayaa ku filaan kara oo dabooli kara mashruucaas.

Dhawaan mar aan booqday Xerada Tababarka ee Dararweyne waxaan si qoto dheer ula sheekaystay dhalinyarada ku jirta Tababarrada Shaqo Qaran oo ka kala yimi dhamaan Gobolada Dalka Somaliland. Waxay ii sheegeen in ay ku faraxsan yihiin fursadan ay heleen ee qiimaha badan, waxaa wajiyadooda ka muuqday Yididiilo, Hammi iyo Rejo fiican oo ay ku qabaan Mustaqbalkooda.

Dhamaanteen waxaa inagu Waajib ah in Rejo loo abuuro dhalinyarada Reer Somaliland oo ah Mustaqbalka uu Dalku leeyahay.