Axkaamta Soonka: Casharka koowaad (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Hambalyeyn:
ugu horrayn waxa aan naftayda iyo idinkaba u hambalyeynayaa in Alle – korreeye – inagu simay bishan barakaysan ee Ramadaan 1440 H., imisa qof ayaad garanaysaan oo aan nasiibkaas helin?,
Aynnu Alle ku mahadinno, kuna dadaallo in aynnu fursaddan dahabiga ah ka faa’iidaysanno.

Xasuusin:
Sidii caadada ii ahayd waxa aan bishan barakaysan ee Ramadaan idin la wadaagi doonaa duruus ku saabsan axkaamta soonka.

Hordhac:
* Soonku waa tiirka afraad ee Islaamka.
* Waxa la sharciyeeyey sannadkii labaad ee Hijrada Nebiga (Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee).

Fadliga Soonka:
* Soonku waa cibaado aad u fadli badan, waxa ku soo arooray fadligeeda axaadiis badan oo Nebiga (SCW) ka sugnaatay, waxaana ka mid ah:

1- Waxa la furaa albaabada Janada oo dhan, waxaana la xidhaa albaabada Naarta.
2- Waxa la silsiladeeyaa shayaadiinta madaxa adag.
3- Malaa’igtu waxay denbi-dhaaf Ilaahay u waydiisaa qofka sooman ilaa uu ka afurayo.
4- Waxa ku jira habeenka laylatul qadriga oo kun bilood ka fadli badan.
5- Habeen kasta oo Ramadaan ah Illaahay dad buu naarta ka xoreeyaa (Alle kuwa la xoreeyey haynaga dhigo).
6- Qofka sooman luunka afkiisu wuxuu ka udgoon yahay agtiisa cadarka miskiga ah Alle agtiisa, (Miskigu waa oo ah kan ugu udgoon wax la udugsado).
7- Ilaahay wuxuu u denbi dhaafaa qofka maalinteeda sooma iyo ka habeenkeeda tukada.
8- Jannada waxa ku yaalla albaab Rayaan la yidhaahdo oo dadka sooma oo keliyi ka galaan.
Iyo fadaa’il kale oo badan, halkanna aynaan ku koobi karin.

Macnaha Soonka.
* Soonku waa in laga dhowrsado- fogaado- waxyaalaha buriya soonka, marka waagu dillaaco ilaa ay cadceedu ka dhacayso, iyadoo ficilkaas looga jeedo in ilaahay loogu dhowaado- cibaado-.

Tiirarka soonka.
* Soonku wuxuu leeyahay laba tiir -rukun- oo uu ku taagan yahay, kuwaasoo kala ah:
1- Niyad cibaado – macnaheedu waa inuu qofku u afxidho cibaado ahaan.
2- Ka dhowrsasho wax kasta oo soonka burinaya.

Yuu ku waajibay soonku?.
* Soonku wuxuu ku waajibay qof kasta oo astaamahan soo socda laga helay:
1 In uu Muslim yahay.
2 Inuu qaan- gaadh yahay- qaan gaadhnimada raga/labka waxa lagu gartaa:
1) Inuu Shan iyo toban sanno jirsaday.
2) Inuu timaha hoose ee cawrada dhinacyadeeda ka soo baxa isku arko.
3) Inay biyaha taranku ka yimaadaan (Manida).

Qaan- gaadhnimada dhedigga/haweenka- waxa saddex daas kore u dheer, laba kale:
1) Inay dhiiga caadada ee bisha hesho.
2) Inay uuraysato- ilmo qaado.

Qof kasta oo laga helo mid ka mid ah calaamadahaas kore waa qaan- gaadh, gaadhay da’dii mukalafnimada, xataa haduu toban sano oo keliya jiray.

3 Inuu miyir qabo oo xiskiisu dhanyahay.
4 Inuu neg yahay – muqiim- oo aanu socoto -safar- ahayn.
5 In aanay gabadhu lahayn dhiiga caadada ama dhalmada.
6 Inuu caafimaad qabo, oo aanu qabin xanuun u diidaya inuu soomo.

Fadlan faafi si looga faa’iidaysto adna aad ajar uga heshid.

Ramadaan Barakaysan dhammaantiin

Ilaahay acmaasha wanaagsan hayna waafajiyo oo haynaga aqbalo. Aamiin.
La soco casharka xiga——

Dr-Abdulqani Hussein Beder.