Axkaamta Soonka: Casharka Shannaad (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

1. Xukunka ka tegista soomidda Ramadaan
2. Soon lagu khasaaray iyo Salaad lagu hungoobay !

Waxaynnu dersi gii koowaad ku xusnay in soonka bisha Ramadaan ka mid yahay tiirarka Islaamka, kuna waajibay qof kasta oo muslim ah, qaan gaadh ah, miyir qaba, degan oon musaafir ahayn, caafimaad qaba, ka madhan waxyaalaha soonka buriya sida dhiigga dhalmada iyo caadada dumarka.

Xukunkaas waxa sugay kitaabka Quraanka iyo Sunnadda Nebiga scw, sidoo kale waxa ku kulmay – ijmaacay- culimada muslimiinta.

Qofku hadduu ka tago soomidda bisha Ramadaan, isagoo sharcinnimada soonka iyo waajibnimadeeda diiddan, wuu gaaloobayaa, sidaasna waxa isku waafaqsan dhammaan culimada muslimiinta.

Hadduuse yahay qof Islaamnimada ku cusub ama qof jaahil ah oo dhul culimada iyo cilmigaba ka fog ku barbaaray, marka hore waa loo cudur daarayaa waana loo caddeynayaa xukunka soonka, haddii uu ku adkaysto diidmadaas waxa laga soo qaadayaa qof seeto-goys ah, oo Ilaahay iyo Rasuulkiisaba beeniyey, isla markaana wixii ay sharciyeeyeen diiddan, waxaana loola mucaamilayaa sida gaalada.

Qofka soonka ka taga isagoo waajibnimadiisa qirsan oo rumaysan, waa qof denbi wayn oo kabiiro ah galay, waxaana waajib ku ah inuu toobad keeno, qalleeyana maalmihii uu afuray, waana faasiq daacadda Alle ka furtay.

==Soon lagu khasaaray iyo Salaad lagu hungoobay==
– Ilaahayow camalkayaga hungo ha ka dhigin-

Inkastoo qofka muslimka ah mar walba looga baahan yahay inuu xumaha iska dhowro, ka fogaado xanta iyo af xumida, indhihiisa laabo, dhegihiisa ka dhowro waxa kasta oo aan Allaha maqalka bixiya raali gelinayn, haddana, qofka sooman waxa looga baahan yahay feejignaan dheeraad ah, si uu soonkiisa uga dhowro inuu ka noqdo hal bacaad lagu lisay, u fiirso xadiiskan:
ุนู† ุฃุจูŠ ู‡ุฑูŠุฑุฉ ุฑุถูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู†ู‡ ู‚ุงู„: ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…:”ู…ู† ู„ู… ูŠุฏุน ู‚ูˆู„ ุงู„ุฒูˆุฑ ูˆุงู„ุนู…ู„ ุจู‡ ูู„ูŠุณ ู„ู„ู‡ ุญุงุฌุฉ ููŠ ุฃู† ูŠุฏุน ุทุนุงู…ู‡ ูˆุดุฑุงุจู‡” ุฑูˆุงู‡ ุงู„ุจุฎุงุฑูŠ

‘โ€Qofka aan ka tegin hadalka been abuurka ah iyo ku camal falkiisa, ilaahay dan iyo muraad toona kama laha ka tegista uu ka tegay cuntadiisii iyo cabbitaankiisiiโ€.
Macnuhu waxa weeye qofkaasi wuu iska gaajooday oo iska harraaday, qatanaantiisana haba yaraatee wax ajar ah kama helayo.

Bal xadiiskan kalena eeg:
ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…: “ุฑุจ ุตุงุฆู… ู„ูŠุณ ู„ู‡ ู…ู† ุตูŠุงู…ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ุฌูˆุนุŒ ูˆุฑุจ ู‚ุงุฆู… ู„ูŠุณ ู„ู‡ ู…ู† ู‚ูŠุงู…ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ุณู‡ุฑ” ุฑูˆุงู‡ ุงุจู† ู…ุงุฌู‡ ูˆุงู„ู„ูุธ ู„ู‡ ูˆุงู„ู†ุณุงุฆูŠ ูˆุงุจู† ุฎุฒูŠู…ุฉ ููŠ ุตุญูŠุญู‡.

โ€˜Badanaa mid soomman oo aan korodhsan wax aan gaajo ahayn!, oo badanaa mid salaad u taagan habeenkii oon saamaleyl mooyee wax kale faaโ€™iidayniโ€™ !.

Miyaanay habbooneyn in aynnu in badan ka fekerro cibaadadeenna, sidii ay u noqon lahayd mid inaga gadanta oo Alle inaga aqbalo?

Xasuusnow camalka waxyaalaha sababa in la aqbali waayo waxa ugu wayn:
1- In aanu sunnadda waafaqsanayn, bidco yahay ama ku lammaan tahay bidco.
2- In aan Ilaahay loo badhax tirin, ikhlaaskiisuna kala dhiman yahay ama maqan yahay ba.

Akhristoow denbigaaga Allah ha dhaafoe, u gudbi cid kasta oo ka faaโ€™iidaysan karta, ducadana hanaga Ilaawin malaaโ€™ik tu ha kuu ducaysee.

La soco casharka xiga—

Dr-Abdulqani Hussein Beder