Xadiis saxiixa wuxuu Rasuulkii Alle ku leeyahay :- ‘’Qofka xifdiya 10 ka aayadood ee ugu horreeya Suuratu Kahfi , Dajaal baa laga ilaaliyaa.’’
Suuradda tan waxa ku jira 4 sheeko oo la yaab badan oo 4 Fitno ku xeeran yihiin , maantana taagan waqtigan aan noolnahay waxayna kala yihiin : Dhallintii Godka gashay (Asxaabu Kahfi) , Ninkii labada beerood lahaa , Muuse & Khadir iyo Dulqarnayn.
1. Dhallinta godka gashay : Waxay ahaayeen dhallinyaro iimaan leh , oo ku noolayd dhul gaalo ka taliso , dabadeed la baxsaday diintoodii kaddib markii ay isku dhaceen tolkood.
Natiijada usoo baxday : B) Alle wuxuu ku ilaaliyey god ay galeen , kana dhawray Cadceedda. T) Way soo baraarugeen 309 sannadood kaddib dadkoodii oo diinta wada qaatay oo Alle rumeeyey. [FITNADA DIINTA]
2. Qisada ninkii lahaa labada beerood lahaa ee ku kadsoomay nimcada ; illaawayna Allihii Nimcada siiyey . Ninkaasi wuu qooqay oo xadgudbay , iimaankiisiina shaki iyo dhalleecayn baabu galiyey , manuu la iman mahadnaq dhammaystiran.
Natiijada uu midhaheeda goostay :- B) Dalaggii iyo beertii oo baaba’day. T) Isaga oo ka murugooday waqti aanay murugo waxba tarayn. [FITNADA MAALKA IYO UBADKA]
3. Nabi Muuse iyo Nabi Khadir : Maalin baa Nabi Muuse la wayddiiyey dadka yaa ugu cilmi badan ? Markaasuu yidhi : Dee Aniga ! . Alle wuxuu u sheegay in uu jiro nin ka cilmi badan uu kula kulmana meesha labada badood ku kulmaan.
Maxaa uga soo baxay raaciddii Nabi Khadir ? B) In Alle yahay ka maamula dunida qaybiyana xikmada iyo aqoonta T) Doontii , Wiilkii iyo Dayrkii dunsanaa . [FITNADA CILMIGA]
4. Qisada Dulqarnayn : Wuxuu ahaa nin Boqor ah oo Alle isugu daray aqoon iyo awood. Dunida daafeheeda ayuu ku soo wareegay isaga oo diinta Alle gaadhsiinaya.
Guulaha uu gaadhay waxaa kamid ahaa in uu xidhay Yajuuj iyo Wama’juud. [FITNADA MULKIGA/AWOODDA]
Aayadda 50naad waxa ku jira DHAQDHAQAAJIYAHA fitankan in uu yahay IBLIIS.
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلائِكَةِ اسْجُدُوا لآدَمَ فَسَجَدُوا إِلا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلا (50)
Haddaba maxaa lagaga badbaadaya Fitankan
1. Fitnada Diinta = Saaxiib wanaagsan.
2. Fitnada Maalka iyo awlaadda = Ogaanshaha xaqiiqada adduunyada.
3. Fitnada Cilmiga = Isdhuldhig /tawaaduc.
4. Fitnada mulkiga = Ikhlaas.
Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Masiixu Dajaal iyo Suuratu Kahfi ?
1. Dadka wuxuu ka dalbayaa in ay isaga caabudaan…………. Fitnadii Diinta.
2. Roob buu soo da’siin, joojinna , maalna wuu ku fasahaadin………….Fitnadii Maalka
3. Warar aan la hubin buu dad ka ku asqayn doonaa………… Fitnadii Cilmiga
4. Wuxuu qabsan doonaa dhulal badan oo dunida ah………….Fitnadii Awoodda
Waxaad kaga guulaysan kartaa Dajaal iyo fitankiisaba adiga oo dhex gala Suuradda oo kaga badbaada Afarta xal ee suuradda ku dhex jira kala ahna
1. Saaxiib wanaagsan yeelo
(وَاصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُ عَن ذِكْرِنَا وَاتَّبَعَ هَوَاهُ وَكَانَ أَمْرُهُ فُرُطًا (28))
2. Xaqiiqada adduunyada garo waxay tahay
(وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ الرِّيَاحُ ۗ وَكَانَ اللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ مُّقْتَدِرًا (45)).
3. Isdhuldhig la kaalay inkasta oo aqoontaadu ay tahay
(
قَالَ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ صَابِرًا وَلَا أَعْصِي لَكَ أَمْرًا (69)).
4. Dar Ilaahay ugu adeeg xilka aad hayso
قُلْ إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ ۖ فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا (110)
FG. Maanta waxa taagan dhammaan qisooyinkan waaqiceenna , duniduna waxay isku beddelaysaa duni soo dhowaynaysaa Dajaal oo shay kasta xaqiiqadiisa laga fogeeyey ! Waana micnaha dhabta ah ee Dajaal leeyahay Afka Carbeed. Diinta , maalka iyo cilmiga iyo awooddaba intaba waxaa loo adeegsadaa si ka duwan sida dhabta ee ay ahaan jirtay.
Ururrada Freemason ka , qiiqa Chimtreal ee roobka kala kexeeya , Internet ka oo meel kasta lagu maamulo , Israa’iil oo dunida si toosa maamulkeedu gacanta ugu jiro iyo arrimo kale oo badan ba miyanaay ku tusinayn in waqtigii Dajaal soo dhowaaday ?
Baadhitaanka Suuraddan aqoonta ku duugan , akhriste , adiga ayaan kuu dhaafayaa , ku noqona kitaabka Abuu Xasan Anadawi.
W/Q : Eng Cabdiraxmaan Barre Sheekh Isaxaaq