Axmed Siilaanyo: Hoggaamiye Somaliland kala dabbaashay macaamilka laba dhinac (Somali Dual Track Policy)! (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

 

Tusaalaha Dhismaha: Jidka Ceerigaabo+Tusaalaha Maalgashiga: Dno, Genel & Dp World

Alle caafimaad buuxa oo taam ah ayaan uga baryayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Mansabka umaddu ay sida xorta ah ugu dooratay ee Madaxweyne Qaran marka laga yimaaddo – Axmed, Soomaali in badan ayuu dawladnimo ugu adeegay, shaqo aan siyaasad ahayn na weligii ma qaban.

Axmed Siilaanyo jaamacadihii waaweynaa ee uu cilmiga dhaqaalaha ka soo bartay ma ay badin in uu keli foofo oo uu dantiisa raacdo, oo uu si weyn u tacab xoogsado wakhtigii Jamhuuriyadda Soomaalida. Garashada san ayaa siisay in uu mushahar yari umaddiisa wax ku taro si uu noloshooda wax uga beddelo.

Markii ay Soomaali nolosha siyaasadda ku heshiin wayday ee ay dhannaba isku raaci wayday, Axmed Siilaanyo waxa uu halgan u galay in uu dullinka iyo saxarka ku jira Soomaali dabiib u helo. Halgankii SNM waxa uu Axmed iyo rag badan oo aqoonyahanno ahi u galeen in ay nafaha Soomaali iyo mustaqbalka umadda ku samatabaxshaan. Mar haddii aan dawlad ciidan oo keli-talis ah (Totalitarian Regime) aan hadal iyo waanwaan la gu la tacaali karin.

Nasiib-darro, iyo nasiib wanaag ka ay doonto ha noqoto e, ujeedadii halganka markii la gaadhay, ee Maxamed Siyaad dhibkii uu Soomaali ku hayey la ga dulqaaday mar labaad ayuu saxar ka ibtilo badani Muqdisho galay, waana ta ay ilaa iyo hadda la ildaran tahay ee midnimadii Soomaaliyeed iilka dhigtay.

Axmed ma quusan e, waxa uu garab istaagay Soomaalidii Somaliland, waxa uu la shaqeeyey dawladihii soo maray, nidaamkii axsaabta Somaliland ayuu qaybtii mucaaridnimo qaatay oo u horseedday in uu maanta noqdo Madaxweyne Qaran oo ixtiraam badan ay dadkiisu u hayaan.

Soomaali waa xabaal ammaan e, Axmed taariikhdiisa siyaasadeed 95% waa mid badbaadisay nolosha dad iyo duunyo. Waa shakhsi aan aqoon fiican u lahaa oo aannu si wanaagsan isku barannay 2004.

Muddo bil ah oo Axmed safar wada galney, saxan na wax ku wada cunnay waxa ii ga soo baxday shakhsiyadda siyaasadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Somaliland waa ninkii u horseeday in ay xor ka noqoto dulmi iyo tacaddi meesha uu doono ha ka yimaaddo eh.

Waa nin ku suntan in uu hanneeyey 80 cod oo doorasho la yidhi waa la gaa ga helay! Maanta waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku tilmaaman kordhin dakhli dawladeed in ka badan 400%, darajo ciidan, maamul fidin, dhaqaale dhis, soo jiidasho maalgashi, iyo kalsooni gudaha ah oo loo yaqiinsaday in qaranka Somaliland ictiraaf la’aan uu hore u socon karo sida Taiwan.

Alle caafimaad ayaan uga baryayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo dalkiisa oo uu si nabad ah ugu soo laabto. Insha Allahu waxa uu noqon doono mar labaad Madaxweyne qabta doorasho xor ah oo xalaal ah, doorasho la isku hanneeyo oo dhib iyo hagardaamo qaran ay ka dheer tahay. Shacabka Somaliland waxa aan ka codsanayaa in ay u duceeyaan Madaxweynahooda xalaasha ah.

WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud